Bilow noloshaada cusub ee Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/1-2024

Halkan waxaad ka helaysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa aad u baahantahay inaad samayso iyo nooca hey'adaha dawladeed ee aad u baahantahay inaad la xiriirto marka aad hesho sharciga deganaanshaha.

Skatteverket (Wakaaladda cashuuraha)

Marka aad u soo guurto Iswiidhan waa inaad ka diiwaan-gashanaataa halkan. Si aad u gasho diiwaan gelinta dadweynaha waa inaad samaysaa wargelinta inaad u soo guurtay Iswiidhan. Tani waxaad samaynasaa adigoo booqanaya Hey'adda Cashuuraha xafiiskeeda adeegga.

Marka aad booqato Hey'adda Cashuuraha si aad u diiwaan-geliso u soo guuridda Iswiidhan waa inaad xitaa dhiibtaa macluumaad si aad u gasho diiwaan-gelinta dadweynaha. Dhammaan dadka ku jira qoyskaaga ee u soo guuray Iswiidhan waa inay ka mid ahaadaan marka aad samaynaysaan wargelinta guuridda si aad u gashaan diiwaan-gelinta dadweynaha, xitaa carruurta. Marka Hey'adda Cashuuruhu kuu samayso diiwaan-gelinta dadweynaha adiga iyo qoyskaaga ayaad helaysaan warqad timaada cinwaanka aad qorteen inaad u guurteen lehna lamabarradiina shakhsiga.

Ka hor intaanad booqan xafiiska adeegga waxaad buuxin kartaa "Wargelinta u soo guurida Iswiidhan" lagana helayo Heya'adda Cashuuraha boggeeda intarnatka. Halkaas ayaad sidoo kale ku arkaysaa nooca macluumaadka iyo dukumentiga loo baahanyahay,waxaana in yar ka dhakhso badnaan karta marka aad joogto Hey'dda Cashuuraha xafiiskeeda adeegga. Dadka oo dhan way heli karaan oo waa isticmaali karaan adeeggan elaktaroonigga ah. Marka aad buuxiso wargelintan micnaheedu waa in aad daabacdo oo u soo qaadato xafiiska adeegga. Haddii aanad haysan kombiyuutar waxaa jira kombiyuutarro aad ka amaahan karto xafiiska adeegga.

Dhamaan dadka ku nool Iswiidhan waxaa lagu qoraa diiwaan-gelinta dadweynaha.diiwaan-geliyaa. Halkaas waxaa lagu diiwaan-geliyaa macluumaadka ku saabsan dadka ku nool Iswiidhan iyo halka ay deganyihiin.

Marka aad booqaneyso Hey'adda Cashuuraha xafiiskeeda adeegga si aad u samayso wargelinta guuridda oo aad iska diiwaan-gelinayso diiwaan-gelinta dadweynaha waxaa aad muhiim ah in aad ka jawaabi karto su'aalaha Hey'adda Cashuuraha u baahantahay in laga jawaabo. Haddii ay meesha ka maqanyihiin dukumenti ama jawaabo khuseeya su'aalaha qaarkood waxaa wakhti aad u dheer qaadan karta in la galo diiwan-gelinta oo la helo lambarka shakhsiga.

Haddii aad macluumaad sax ah u dhiibtay Hey'adda Cashuuraha waxay qaadan kartaa qiyaastii afar toddobaad in la galo diiwaan-gelinta dadweynaha. Codsiyada ay ku jiraan macluumaadka oo dhan ayaa leh mudnaanta. Haddii macluumaad maqanyihiin waxaad sugi kartaa wakhti aad u dheer, laga yaabo dhowr bilood. Markaas waxaa xitaa muhiim ah inaad dhiibtay macluumaadka halka lagaala soo xiriirayo oo sax ah. Adigu waxaad sugi kartaa wakhti intaas ka dheer haddii iyagu aanay ku heli karin si ay kuu weydiiyaan waxa aanad ka jawaabin ama aanad dhiibin. Sidaas darteed waxaa muhiim ah inaad wargeliso Hey'adda Cashuuraha haddii aad guurto ka hor intaanad helin jawaabta wargelintaada guuridda. Si waraaqahaagu u tagaan cinwaan sax ah.

Dhanka Hey'ada Canshuuraha xafiiskeeda adeega waxaad u baahanaysaa inaad u soo qaadato:

  • Baasaboor, haddii aad haysato baasaboor
  • Sharciga deganaansho ee Iswiidhan
  • Dukumenti cadaynaya inaad tahay xaas ama in kale
  • Caddaynta dhalashada ee caruurtaada haddii aad leedahay caruur
  • Cinwaankaaga

Marka aad jawaab ka hesho Hey'adda Cashuuraha in aad gashay diiwaan-gelinta dadweynaha waxaad xitaa helaysaa lambarka shakhsiga. Lambarka shakhsiga waa lagama maarmaan maxaa yeelay:

  • La awoodo gudoonka gunooyinka kale ee ka yimaada Qasnada Caymiska.
  • Furashada xisaab bangi.
  • Codsashada dukumenti aqoonsi.
  • Codsashada aqoonsiga elaktarooniga ah.
  • Ka qayb-qaadashada hawlaha Xafiiska Shaqada barnaamijkeeda dagnaanshaha.

Af Iswiidhishka waxaa kaarka aqoonsiga badanaaba lagu magacaabaa id-kort. Adigu waxaad isticmaalaysaa kaarka aqoonsiga si aad u muujiso aqoonsigaaga, micnihii inaad muujiso qofka aad tahay, marka adigu aad tusaale ahaan dawo ka soo qaadanayso farmasiga ama samaynayso arrin bangiga ah.

Si aad u dalbato kaarka aqoonsiga waa inaad degantahay Iswiidhan, da'aada eey tahay 13 sano iyo inaad caddeyn kartid qofka aad tahay. Haddii aad 18 ka hooseeyso waa in aad heeysataa ogalaanshaha qofka xanaanadaada mas'uulka ka ah si aad uu hesho kaarka aqoonsiga. Qofka xanaanada ka masu'ul ah waa qof dhanka sharciga masu'uliyad uga saaran tahay canuga da'diisa ka hooseeyso 18 sano.

Waxaad aqoonsigaaga ku caddayn kartaa in aad tusto dukumenti-aqoonsi oo ansax ah, tusaale ahaan baasaboor. Waa inaad xitaa sidato kaarkaaga sharciga degganaansho. Haddii aanad haysan wax ah baasaboor waxa keliya ee aad soo qaadataa kaarkaaga sharciga degganaansho. Waxaad xitaa soo kaxaysan kartaa qof caddayn kara qofka aad tahay.

Adigu waa inaad booqato Hey’adda Cashuuraha xafiiskeeda adeega si aad u codsato kaarka aqoonsiga. Ka hor intaanad iman xafiiska adeega waa in aad ballansato wakhti booqasho.

Hey’adda Cashuuraha kaarkeeda aqoonsiga wuxuu shaqeeyaa shan sano. Waa kaar aqoonsi oo ansax ka ah gudaha Iswiidhan. Adigu Hey’adda Cashuuraha kaarkeeda aqoonsiga ma u isticmaali kartid si baddal u ah baasaboor loogu safro bannaanka Iswiidhan. Kaarkan aqoonsiga wuxuu ka shaqeeyaa gudaha Iswiidhan oo keliya. Haddii uu kaa lumo kaarkaaga aqoonsiga waa inaad wacdo oo xirto. Markaas cid kale ma isticmaali karto kaarkaaga aqoonsiga. Haddii kaarka aqoonsiga la xaday waa inaad xitaa wargeliso booliiska.

Bangiga

Adigaaga helay sharciga deganaansho waa inaad samaysaa diiwan-gelinta dadweynaha sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah. Markaasi waxaad helaysaa tobanka lambar ee aqoonsiga ee Iswiidhan. Marka tani dhamaato ayaad codsan kartaa kaarka aqoonsiga Iswiidhan. Marka aad hesho kaarkaaga aqoonsiga ee Iswiidhan ayaad furan kartaa xisaab bangi.

Aqoonsiga elaktarooniga waa dukumeti aqoonsi oo elaktarooni ah. Tan waxaa la barbar dhigi karaa kaar aqoonsi oo caadi ah. Adigu waxaad aqoonsiga elaktarooniga ah u isticmaali kartaa inaad ku muujiso aqoonsigaaga qaab ammaan ah tusaale ahaan dhanka bog intarnat ama gudaha aab. Tusaale dhinaca aqoonsiga elaktarooniga waa BankID. Waxaa jira xitaa dhowr nooc oo kale oo ah aqoonsiga elaktarooniga, tusaale ahaan Freja eID och AB Svenska Pass.

BankID waa qaab fudud oo qofka lagu aqoonsan karo si tusaale ahaan loo galo heshiis oo si elaktaroonig ah loo saxeexo lacag bixinaha dhinaca intarnatka. In la isticmaalo saxeex elaktaroonig ah iyadoo la adeegsanayo BankID waa wax sharciyan qofka u xiraya si la mid ah saxeex qallin ah.

Bangiga ayaa bixiya BankID. Si aad u samaysato BankID waxaad u baahantahay inaad lahaato tobanka lambar ee aqoonsiga ee Iswiidhan.

Amaanka:

  • BankID waa aqoonsi shakhsi oo elaktaroonig ah. Ha isticmaalin BankID haddii qof kale kaa codsado inaad samayso, tusaale ahaan haddii lagaala soo xiriiro telafoon ama baraha bulshada ee intarnatka.
  • Lambarka sirta ah ee amaanka ee BankID adigu aad leedahay waa mid shakhsiyan ah. Marnaba lambarka sirta ah ee amaanka ha siin qof kale. Waxaa jirta khatarta in lagu khiyaameeyo.

Moobil

Adigu waxaad u baahantay in kaar SIM kuugu jiro telafoonkaaga moobilka si aad u awoodo inaad wax ka wacdo oo lagula soo hadlo, sms-yada iyo isticmaalka intarnatka. Adigu waxaad helaysaa kaarka SIM-ka haddii aad iibsato kaarka lacagta lagu shubto ama aad saxeexdo dhinaca telafoonkaaga ah.

Kaar lacag lagu shubto waxaad bixinaysaa lacag marka aad iibsanayso oo ka dib ayaad awoodo inaad wax ka wacdo oo lagula soo hadlo, sms-yada iyo isticmaalka intarnatka oo ah inta ay kharash ahaan tahay.

Haddii aad samaysato rukumasho waxaad heshiis la galaysaa shirkad moobiilada ah. Heshiiska waxaa ku qoran inta ay leegtahay intarnatka iyo inta wada hadal iyo sms ah ee ku jira qiimahan. Ka dib ayaad helaysaa xisaabta bil walba.

Marka aad iibsato kaar lacag lagu shubto waa inaad ku diiwaan gelisid magacaaga si aad u awoodo isticmaalka kaarkaas. Marka aad diiwaangelinayso kaarka lacagta lagu shubto waa inaad caddayso aqoonsigaaga iyadoo la adeegsanayo kaar aqoonsi, baasaboor ama moobil bank-ID.

Arbetsförmedlingen (Xafiiska shaqada)

Waa muhiim inaad la xiriirto Xafiiska Shaqada sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah ka dib markaad hesho go'aankaaga sharciga degganaanshada. Xafiiska Shaqada ayaa go'aaminaya haddii aad ka qayb qaadan karto barnaamijka sal-dhigashada.

Marka aad booqaneyso Xafiiska Shaqada waa inaad qaadataa go'aankaaga sharciga degganaanshada ee aad ka heshay Hey'adda Socdaalka. Waxa ugu horeysa ee dhacayaa waa in aad samaynaysaan daraasad si aad u hesho qorshe lagu dhaqmo oo adiga kugu haboon. Daraasada waxaa la bilaabi karaa ka hor intaanad gelin diiwaan-gelinta dadweynaha ee aanad helin lambarkaaga shakhsiga laakiin waa inaad haysato dukumenti ah in aad heshay sharciga degganaanshada oo waa inaad awooddo inaad is caddeyn kartid. Inta daraasadan socoto waxaad gunno ka helaysaa Qasnadda Caymiska.

Adigu waa inaad ku jirtaa diiwaa-gelinta dadweynaha oo heshay lambarkaaga shakhsiga ah si aad u awooddo in lagu qoro barnaamijka sal-dhigashada. Sidaas darteed waxaa muhiim ah inaad ka jawaabto su'aalaha Hey'adda Cashuuraha marka aad samayso wargelinta u soo guuridda Iswiidhan si laguu geliyo diiwaan-gelinta sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah.

Adigu waa inaad ku qorantahay barnaamijka sal-dhigashada si aad u awooddo inaad bilowdo hawlaha dhinaca jidka ku aadan shaqo ama waxbarasho. Adigu waxaad fursad u haysataa inaad gunnada sal-dhigashada ka codsato Qasnadda Caymiska.

Haddi aad ku cusubtahay Iswiidhan oo ka qaybqaadato barnaamijka saldhigashada markaas sanadka isdabajooga ah wuxuu kuu noqon karaa fursad. Hal sano ayaad xawaare sare wax ku baran kartaa ama tababar ku samayn kartaa goob shaqo wakhti buuxa iyo xilli firaaqaha. Hadafku waa in aad dhakhso u hesho shaqo.

Försäkringskassan (Qasnadda caymiska)

Marka lagaa diiwaan-geliyo qorshaha dagnaanshaha ee Xafiiska Shaqada waxaa codsanaysaa lacagta magdhabka laga helo Qasnada Caymiska. Waxaad u codsanaysaa calaa bil oo ah ka dib.

Qasnadda Caymiska waxay samaysay filim ay ku sharaxayaan waxa ay tahay gunnada sal-dhigida iyo sida aad u dalbanayso gunnadan. Filimkan waxaa la helayaa isagoo ah af Iswiidhish oo keliya.

Iska diiwaan-geli koorsada wacyi-gelinta bulshada

Maadooyinka cilmiga bulshada waa waxbarasho bilaash ah kuna saabsan bulshada iswiidhan looguna talogalay adigaaga dhawaan helay sharciga deganaansho ee Iswiidhan.

Liisanka baabuurka ee gudaha Iswiidhan

Si aad baabuur ugu wadi karto gudaha Iswiidhan waa inaad buuxisay 18 jir oo aad haysato liisan baabuur oo ansax ka ah gudaha Iswiidhan.