Dheeraynta sharciga deganaansho ee ku meel gaarka ah

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/12-2022

Marka sharcigaaga deganaansho ee ku meel gaarka ahi sii dhamaanayo waxaad fursad u haysataa inaad codsato dheeraynta. Waxaad heli kartaa sharciga deganaansho oo laguu dheereeyay haddii weli aad u baahantahay gabood. Xaaladaha qaarkood waxaad xitaa heli kartaaa sharci deganaansho haddii aad haysato sababo kale oo ah inaad joogto Iswiidhan.

Sidan ayaad u codsanaysaa sharci deganaansho in laguu dheereeyo

Waa khasab inaad codsato dheerayntaka hor intaan sharcigaaga deganaansho ee ku meel gaarka ahi dhicin. Ugu horeyn laba bilood ka hor intaan sharcigan dhicin ayaad codsan kartaa dheerayn.

Codsiga ka sameee bogga intarnatka ee Hey'adda Socdaalka

Bogga Hey’adda Socdaalka waxaa laga helayaa adeeg elaktaroonig ah oo loogu talogalay in laga codsado dheereynta sharciga deganaanshada. Adeeggan wuxuu jiraa isagoo ah Iswiidhish iyo Ingiriisi. Waa inaad ku gasho Aqoonsiga-Bangiga.

Haddii aanad codsan dheeraynta sharciga deganaansho wakhtigii loogu talogalay

Haddii aanad codsan dheeraynta sharciga deganaansho ka hor intaan sharcigaagi hore dhamaan markaas ma laguu oggola inaad shaqayso wakhtiga aad sugayso go'aan. Waxaa kale oo aad khatar ugu jirtaa inaad weydo faa'iidooyin cayiman, tusaale ahaan taageerada sal dhigashada, kaalmada waxbarasho ama gunnada waalidnimo.

Haddii aad wax barato dhinaca heerka dugsiga sare

Si loo helo sharciga deganaansho ee loogu talogalay waxbarashada dugsiga sare waa inaad si joogto ah u caddaysaa inaad si fir-fircoon uga qayb qaadatay waxbarashadaada. Hey'adda Socdaalka ayaa kula xiriiraysa marka la gaaro wakhtigi aad arintan soo caddaynayso.

Marka aad dhamaysato waxbarashadaada dugsiga sare waxaad codsan kartaa sharci deganaansho oo joogto ah haddii aad shaqayso lacag kugu filan oo aad isku dabari karto.

Codso sharciga deganaansho ee joogtada ah

Si aad u hesho sharci deggenaansho oo joogto ah waxaa shuruud u ah inaad:

  • buuxiso shuruudaha loogu talogalay sii wadista sharciga deggenaanshada,
  • haysatay sharci deggenaansho ugu yaraan saddex sano,
  • aad awooddo inad is masruufto,
  • ku nooleyd nolol dhowrsan.