Qiimeynta inta ay tahay da'daadu

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/5-2023

Si Hey'ada Socdaalku u awoodo inay si sax ah u baarto codsigaaga magan-gelyo waa inay ogaadaan inta ay tahay da'daadu.

Iswiidhan dhamaan wixi ka yar 18 sano waxay xisaabsanyihiin caruur. Adigaaga ka yar 18 sano waxaad leedahay xuquuq kale marka loo eego qof weyn oo magan-gelyo doon ah, qof ka weyn 18 sano.

Ma ku filna inaad Hey'ada Socdaalka u sheegto da'daada. Adigaaga codsanaya magan-gelyo waa inaad caddaysaa in waxa aad sheegtay tahay sax.

Haddii aad haysato waraaqo aqoonsi ah

Haddii aad haysato wax waraaqo aqoonsi ah waxaa ku qoran da'daada. Warqad aqoonsi waxay ahaan kartaa tusaale ahaan baasaboor ama kaar aqoonsi. Tani waa caddaynta inta ay tahay da'daadu.

Haddii aanad haysan wax waraaqo aqoonsi ah

Haddii aanad haysan wax waraaqo aqoonsi ah waxaa jira qaabab kale oo Hey'ada Socdaalka loogu caddayn karo da'daada. Iyadoo ku xiran waxa aad tustay ayay Hey'ada Socdaalku samayn kartaa qiimeynta da'da. Tani waxay tahay in Hey'ada Socdaalku qiimeynayso haddii wixi aad ka sheegtay da'daadu tahay macquul, kuna salaysan wixi aad iyaga tustay.

Hawl-wadenkaaga jooga Hey'ada Socdaalka ayaa kuu sheegaya waxa aad samayn karto. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan inaad tusto shahaado iskool ama shahaado kale oo ay ku qorantahay da'daada, haddii aad haysato. Tus Hey'ada Socdaalka caddaynta aad haysato oo dhan ee ah da'daada.

Waxaa kale oo aad samayn kartaa waxa lagu magacaabo da'-qiimeyn la xiriirta caafimaadka.

Da'-qiimeyn la xiriirta caafimaadka

Hey'ada Socdaalka waxay kugu casuumi kartaa inaad samayso da'-qiimeyn la xiriirta caafimaadka haddii ay iyagu qiimeeyaan in aanay macquul ahayn inaad ka yartahay 18 sano.

Waa Hey'adda caddaaladda ee la xiriirta caafimaadka kuwa sameeya da'-qiimeyn la xiriirta caafimaadka. Hey'adda caddaaladda ee la xiriirta caafimaadka waa hey'ad dawladeed oo joogta Iswiidhan. Hey'adan dawladeed waxaa ka shaqeeya khabiiro dhinaca tusaale ahaan caafimaadka.

Haddii aad samaynayso da'-qiimeyn la xiriirta caafimaadka waxay Hey'ada caddaaladda ee la xiriirta caafimaadka ay warqad u soo dirayaan adiga iyo wakiilkaaga caruurta. Warqadan waxaa ku qoran sida aad wakhti u ballansanayso si loo sameeyo da'-qiimeyn la xiriirta caafimaadka. Waa bilaash in la sameeyo da'-qiimeyn la xiriirta caafimaadka.

Da'-qiimeyn la xiriirta caafimaadka waxay tahay in dhakhtar ilkaha ahi baari doono ilkahaaga iyo in dhakhtar baarayo mid ka mid ah laabatooyinkaaga jilibka.

Baaritaanadan waxaa loo diraa Hey'ada caddaaladda ee la xiriirta caafimaadka taas oo samaysa qiimeyn ah qiyaasti inta ay tahay da'daadu oo ku salaysan waxa baaritaanadani soo saareen. Hey'ada caddaaladda ee la xiriirta caafimaadka waxay qiimeyntan u dirtaa Hey'ada Socdaalka.

Hey'ada Socdaalka ayaa ka dib qiimeyntan u dirta gar-yaqaankaaga. Gar-yaqaankaaga ayaa kaa caawinaya in aad fahamto waxa tan micnaheedu yahay. Gar-yaqaankaaga ayaa xitaa kaa caawinaya waxa aad samayn doonto, taas oo ku xiran waxa qiimeyntani da'daadu muujisay.

Halkan waxaad ka daawan kartaa filim ku saabsan da'-qiimeyn la xiriirta caafimaadka, kaas oo Hey'ada caddaaladda ee la xiriirta caafimaadka ay samaysay. Filimkan waxaa lagu helayaa Carabi, Daari, Soomaali iyo Tigrinya.

Hey'ada Socdaalka ayaa qiimeynaysa da'daada

Hey'ada Socdaalka ayaa samaynaysa qiimeyn ku salaysan macluumaadka ay hayaan ee ku saabsan da'daadu inta ay tahay. Wax kasta oo aad tustay Hey'ada Socdaaalka waxay yeelan karaan muhiimad.

Haddii Hey'ada Socdaalku qiimeyso inaad ka yartahay ama ka weyntahay wixi aad iyaga u sheegtay waxay baddeli doonaan da'daada ku jirta codsigaaga magan-gelyo.

Haddii Hey'ada Socdaalku qiimeyso inaad ka weyntahay 18 sano waxaa codsigaaga magan-gelyo looga shaqayn doonaa si la mid ah kuwa dadka waaweyn ee magan-gelyo doonka ah.

Haddii aanad ku raacsanayn Hey'ada Socdaalka qiimeynteeda

Haddii aad codsatay magan-gelyo ka hor 1-da feebarwari 2017

Haddii aad codsatay magan-gelyo ka hor 1-da feebarwari 2017 waxay Hey'ada Socdaalku go'aaminaysaa da'daada isla wakhtiga ay go'aaminayaan in aad helayso sharci iyo in kale.

Haddii aanad ku raacsanayn Hey'ada Socdaalka qiimeynteeda dhinaca da'daada waad sheegi kartaa tani haddii aad doorato inaad rafcaan ka qaadato go'aanka codsigaaga magan-gelyo.

Haddii aad codsatay magan-gelyo ka dib 1-da feebarwari 2017

Haddii aad codsatay magan-gelyo 1-da feebarwari 2017 ama ka dib waxaad heli kartaa go'aan ku meel gaar ah oo da'daada ah, ka hor intaanad helin go'aanka codsigaaga magan-gelyo. Tani waxay tahay in Hey'ada Socdaalku go'aamin karto in la diiwaan geliyo inaad ka yartahay ama ka weyntahay 18 sano ka hor intaanad helin go'aanka codsigaaga magan-gelyo.

Haddii aanad ku raacsanayn Hey'ada Socdaalka qiimeynteeda dhinaca da'daada waxaad rafcaan ka qaadan kartaa go'aanka da'daada.