Go'aan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 10 7 2018

Ka dib marka baaritaanka magan-gelyada uu dhaco ee Hey'adda Socdaalku samayso qiimeynteeda waxaad helaysaa go'aanka ah haddii codsigaaga magan-gelyo la oggolaaday ama la diiday.

Go'aankan wuxuu ku salaysanyahay sheekadaadi iyo caddaynti aad dhiibtay si ay u taageerto wixii aad ka sheekaysay. Waxaa kale oo ay xitaa ku salaysantahay waxa Hey'adda Socdaalku ka ogtahay xaalada ka jirta dalkaaga.

La kulan Hey'adda Socdaalka Shaqaalaheeda

Marka Hey'ada Socdaalku ay gaarto go'aan ayay kuu soo dirayaan warqad. Warqadan waxaa ku qoran xilliga iyo meesha adiga iyo wakiilkaaga caruurta aad kula kulmaysaan Hey'ada Socdaalka shaqaalaheeda.

Shaqaalahan ayaa kuu sheegaya haddii codsigaagi magan-gelyo la oggolaaday ama la diiday. Shaqaalahan ayaa xitaa kuu sheegaya sida ay Hey'adda Socdaalku u soo gaartay go'aankan.