Hoyga

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 5/7-2023

Waxaad xaq u leedahay inaad ku korto meel amaan ah. Waa adeega arimaha bulshada ee degmada aad ku nooshahay kuwa mas'uulka ka ah hoygaaga.

Marka ugu horeysa ee aad timaado Iswiidhan waa degmada aad timi kuwa aad la xiriirayso kuwaas oo mas'uul ka ah inay kuu diyaariyaan meel ku meel gaar ah oo aad ku noolaato. Halkaasi waxaad ku noolaanaysaa dhowr maalmood oo keliya. Hey'ada Socdaalka ayaa ka dib go'aaminaysa degmada aad Iswiidhan kaga noolaanyso. Haddii aad leedahay qaraabo kuu dhow oo ku nool Iswiidhan waxaad fursad u leedahay inaad timaado isla degmada ay iyagu ku noolyihiin.

Waxaa jira noocyo hoy oo kala duwan:

  • HVB-hem (boyga guriga iyo daryeelka)
  • Hoyga taageerada
  • Hoyga qoyska
  • Guri gaar ah
  • Hoyga SiS (hoyga dhalinyarada ee gaarka ah)

Waa muhiim in adeega arimaha bulshada ay ku dhagaystaan oo kaala hadlaan adiga iyo wakiilkaaga caruurta nooca hoyga ee adiga kugu haboonaan kara. Adeega arimaha bulshada ayaa ka dib samaynaya qiimeynta nooca hoyga ee ugu haboon. Waxay ku saleeyaan:

  • baahidaada
  • da'daada
  • horumarkaaga
  • xaaladaada shakhsiyan..

Qiimeyntan waxaa xitaa muhiimad ku leh nooca hoyga ee ka jira degmada ama ay degmadu la leedahay heshiiska.

Adeega arimaha bulshada waxaa kale oo ay mas'uul ka yihiin in adigu:

  • hesho waxbarasho haboon
  • hesho daryeel caafimaad, daryeel bukaan iyo daryeelka ilkaha ee aad u baahantahay
  • hesho taageero haddii aad u baahantahay, tusaale ahaan qof qaabilsan xiriirkaaga ama qoys qaabilsan xiriirkaaga.
  • hesho taageero in aad la xiriirto qaraabadaada.

Dhanka hoyga HVB waxaa ku nool caruurta iyo dhalinyarada yimi Iswiidhan iyadoo aanay la socon waalidkood.

Maamulka dhexe ee adeega arimaha bulshada waxay sameeyeen filim leh warbixinta ku aadan adigaaga ku nool hoyga HVB.

Hoyga HVB waxaad ku helaysaa raashin, sariir iyo dhar. Hoygan waxaa jooga shaqaale maalintii iyo habeenkii oo dhan. Shaqaalahan waxay halkaas u joogaan inay ku caawiyaan oo ku siiyaan taageero. Waxaad shaqaalaha kala hadli kartaa wixii muhiim kuu ah adiga.

Waa inaad amaan ku dareentaa hoygan. Waxaa dhici karta inay ku soo mareen dhacdooyin adag. Waa muhiim in shaqaaluhu ku dhagaysan karaan oo aad hesho caawimaada in la maareeyo dareemada adag. Shaqaalahan waa inay xitaa awoodaan inay qiimeeyaan haddii aad u baahantahay taageero kale. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan haddii aad u baahantahay taageero sababtoo ah inaad isticmaasho daroogo, in aanad caafimaad qabin ama in aad leedahay hoos u dhac awooda laxaadka ah.

Si dadka oo dhan u dareemaan amaan markay joogaan hoyga HVB waa inay jiraan qawaaniinta nidaamka. Qawaaniinta nidaamka waa in si wada-jir ah loola dejiyo idinkiina ku nool hoyga HVB. Dhamaan dadka ku nool ama ka shaqeeya hoyga HVB waa inay ogaadaan nooca qawaaniinta nidaamka ee meesha ka jira.

Hoyga taageerada waxaa loogu talogalay adigaaga ah da'da 16–20 sano, laakiin ugu horeyn dhalinyarada ka weyn 20 sano. Hoyga taageerada wuxuu ahaan karaa guri ama qol aad kijada iyo meelaha kale ee dadka ka dhaxeeya aad la qaybsato dhalinyarada kale. Hoygan waxaa yaala alaab guri iyo alaabta kijada.

Hoyga taageerada waa inuu kuu diyaariyo inaad hesho hoy gaar kuu ah. Hoyga taageerada waxaad ku qaadaysaa mas'uuliyad ka weyn tii aad ku lahayd hoygi hore. Fikradu waa inaad adigu laf ahaantaada qaadato mas'uuliyada dhanka cuntada iyo nidaaminta guriga. Madax hoyga ayaa mas'uul ka ah inay jiraan qawaaniinta nidaamka ee hoygan.

Waa inay hoyga joogaan shaqaale ku siin kara taageero. Tani waxay tusaale ahaan kartaa marka ay noqoto su'aalaha waaqiciga ah iyo xitaa in laga hadlo dareemada iyo wixii kale ee muhiim kuu ah. Shaqaalahan waa inay joogaan maalintii iyo habeenkiiba oo yimaadaan hoygan marka aad u baahantahay.

Hoyga qoyska waa qoys kugu qaabilaya gurigooda. Waxay ahaan karaan qoys aad horey u taqaanay, tusaale ahaan qaraabo ama ehel kale oo kuu dhow. Tani waxaa lagu magacaabaa hoyga shabakada. Waxaa kale oo ay ahaan karaan qoys aanad horey u aqoon.

Adeega arimaha bulshada ayaa baara dhamaan hoyga qoysyada. Tani micnaheedu waa in adeega arimaha bulshada ay qaabab kala duwan u ogaadaan haddii qoyskan ku haboonyahay inay caruur ama qof dhalinyaro ah ku qaabilaan gurigooda.

Hoyga qoyska waxaad ku helaysaa raashin, sariir iyo dhar. Waa inaad ku dareantaa amaan oo ahaataa qof ka mid ah qoyskan. Hoyga qoyska waa inay qaataan mas'uuliyada iskoolkaaga, xilli firaaqahaaga, caafimaadka iyo xiriiryada aad la leedahay hey'adaha dawlada.

Maamulka dhexe ee adeega arimaha bulshada waxay sameeyeen filim leh warbixinta ku aadan adigaaga ku nool hoyga qoyska.

Haddii aad heshay sharciga deganaansho, ka weyntahay sideed iyo toban sano oo aad muujiso inaad qaab fiican keligaa dabari karto naftaada iyo hoygaaga, waxaad xitaa heli kartoo in laguu soo bandhigo inaad ku noolaato guri gaar kuu ah. Tani waxay ahaan kartaa inaad guri ka amaahato degmada ilaa iyo inta aad fursad u helayso inaad keligaa diyaarsato guri ama aad adigu la wareegaysid gurigan oo magacaagu ku qornaanayo heshiiskan. Haddii aad u baahantahay waxaad sii wadanaysaa xiriirka aad la leedahay xoghayntaada arimaha bulshada iyo qofka qaabilsan xiriirkaaga kuwaas oo ku soo booqanaya mararka qaarkood oo eegaya xaaladaada. Dhalinyarada keligood yimi badankooda waa laga saaraa diiwaanka adeega arimaha bulshada marka ay buuxiyaan 21 sano.

Dhalinyarada aan ku noolaan karin hoyga caadiga ah ee HVB hem waxaa jirta wax lagu magacaabo hoyga SiS. Kuwan waxaa gacanta ku haya hey'ad dawladeed, Maamulka dawlada ee machadyada. Dhanka hoyga SiS waxaa ku noolaanaya adigaaga lagu daryeelayo sida ku cad sharciga LVU (Sharciga daryeelka dhalinyarada). Haddii adeega arimaha bulshada ay qiimeeyaan inaad leedahay dabeecad dhaawac ku leh caafimaadkaaga iyo horumarkaaga, oo adigu aanad wada-shaqayn samayn dhanka daryeel aan khasab ahayn waxaa lagu geyn karaa hoyga SiS.

Nolosha maalinlaha ee hoyga SiS waxay ka koobantahay waxbarash iskool, tababarka awoodaha bulsho, wada-hadalo koox ahaan iyo wada hadalo shakhsiyan ah oo lala yeesho tusaale ahaan takhasuska cilmi nafsiga. Shaqaale badan ayaa jooga hoygan. Waxay halkaas u joogaan inay ku caawiyaan oo ku siiyaan taageero.

Hoyga SiS waxay shaqaaluhu isticmaali karaan wixi khasab ah. Tani tusaale ahaan waa in shaqaaluhu:

  • qaadayaan waxyaabaha aan laguu ogolayn inaad haysato
  • go'aamiyaan inaad joogto qayb xiran
  • aan laguu ogolaan inaad la kulanto dadka kale ee jooga hoyga SiS
  • baaraan dharkaaga iyo boorsooyinkaaga.

Shaqaalahan waa inay isku dayaan inay kula hadlaan ka hor intaanay isticmaalin wax khasab ah. Khasab waa in la isticmaalo oo keliya haddii ay gebi-ahaanba tahay lagama-maarmaan Haddiiba ay shaqaaluhu isticmaalayaan wax khasab ah waa inay kuu sharaxaan sababta ay sidan u samaynayaan. Wax khasab ah maaha in loo isticmaalo si laguugu ciqabo wax.

Haddii ay jirto wax aan fiicnayn dhanka hoygaaga

Haddiiay jirto wax aan fiicnayn dhanka hoygaaga waxaad marka hore la hadli kartaa hoyga qoyskaaga ama shaqaalaha jooga hoyga HVB, hoyga SiS ama hoyga taageerada Haddii taasi shaqayn waydo waxaad la hadli kartaa xoghayntaada arimaha bulshada. Haddii aad ku nooshahay hoyga HVB, hoyga taageerada ama hoyga SiS waxaad la hadli kartaa maamulaha hoygan.

IVO (Kormeerka daryeelka iyo xanaanada) waxay hubiyaan in hoy-yadan kala duwan ay raacaan sharciga. Haddii wax aanay si fiican u shaqaynayn halka aad ku nooshahay ama dhanka xiriirka aad la leedahay adeegga arimaha bulshada waxaad wici kartaa IVO.

Waxaa kale oo aad la hadli kartaa Wakiilka Cadaalada, JO, kuwaas oo xitaa hubiya in adeega arimaha bulshada iyo hoy-yada kale ay raacaan sharciga.

Marka lagu geeyo hoy waa inaad hesha macluumaadka markaas saxda ah ee xoghaynta bulshada ee gacanta ku haya arintaada. Waa inaad xitaa heshaa warbixinta ku saabsan sida aad ula xiriiri karto IVO iyo nooca xuquuqda aad leedahay markay noqoto in:

  • aad ka qayb-qaadato qorshaynta daryeelkan
  • hesho wixii adigu kugu saabsan ee lagu qoray diiwaanada
  • la hadasho wakiilka gudida arimaha bulshada
  • cabashooyinka iyo aragtiyaha loo gudbiyo gudida arimaha bulshada.

In la badelo hoyga

Haddii hoygani aanu buuxin baahidaada waxaa dhici karta in aad u baahato baddelka hoyga. Tusaale ahaan haddii aanad amaan ku dareemin hoygaaga, ama haddii aanad helin hagida aad u baahantahay. Waxaa dhici karta in adeega bulshadu ay ogaadaan inay jirto baahi ah inaad badesho hoyga. Waxaa kale oo ay noqon kartaa in adiga ama wakiilkaaga ay idinla tahay in hoygan aanu si fiican u shaqaynayn. Sabab kale oo ah inaad badesho hoygan waxay ahaan kartaa in qoyska hoygan ama hoygan ay u arkaan inaanay ka soo bixi karin hawshan.

Haddii aad leedahay caruur

Haddii aad ka yartahay sideed iyo toban sano oo adiga laf ahaantaadu aad leedahay caruur markaasi waa muhiim inaad hesho taageerada aad u baahantahay si aad ilmahaaga u daryeesho qaabka ugu fiican. Taageeradan waxay ka iman kartaa tusaale ahaan wakiilkaaga caruurta, qof jooga hoygaaga ama xoghayntaada arimaha bulshada. Xitaa haddii adigu aad hesho tageerooyin ka yimi adeega arimaha bulshada markaasi waa adiga qofka mas'uulka ka ah xanaanada iyo daryeelka ilmahaaga. La xiriir qofka aad adigu si fiican ugu kalsoontahay inaad la hadasho oo ka fikir waxa aad u baahantahay inaad barato si aad waalid fiican ugu ahaato ilmahaaga adigoo jooga Iswiidhan. Laga yaabee in waalid in lagu ahaado Iswiidhan ay ka duwantahay marka la bar-bar dhigo dalkaagi.

Ilaa iyo inta aad ka yartahay 18 sano waxaad weli tahay caruur sida waafaqsan sharciga Iswiidhan. Tani waxay tahay inay lagama-maarmaan noqon karto in laguu magacaabo qof sharciyan mas'uul kaa ah oo qaada mas'uuliyada arimaha dhaqaale ee khuseeya ilmahaaga. Haddii uu jiro waalid kale oo ilmahan leeyahay kana weyn sideed iyo toban sano wuxuu qofkani haan karaa mas'uulka sharciyan ee ilmahan.