Dhaqaalaha, lacagta iyo xisaabaadka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 11/4-2023

Ka hor intaanad buuxin 18 sano waxaa dhaqaalahaaga mas'uul ka ah wakiilkaaga caruurta ama qofka haysta mas'uuliyadaada sharciyan.

Waa qoyska hoyga, hoyga HVB ama hoyga taageerada ee aad ku nooshahay kuwa ay tahay inay eegaan inaad haysato waxyaabaha aad u baahantahay iyo lacagta aad u baahantahay. Qawaaniin kala duwan ayaa jira haddii aad tahay magan-gelyo don ama haddii aad heshay sharciga deganaansho.

Loogu talogalay adigaaga ah magan-gelyo doonka

Adigaaga ah magan-gelyo doon waxaad xaq u leedahay lacagta magdhowga maalinlaha ah. Xaaladaha qaarkood waxaad xaq u yeelan kartaa kaalmo gaar ah.

Adigaaga ka yar 16 sano mar kastaba waa wakiilkaaga caruurta qofka kuu dalbaya lacagta magdhowga maalinlaha ah iyo wixii kaalmo dheeraad ah ee aad u baahato. Haddii aad tahay 16 sano ama ka weyn waxaad xaq u leedahay inaad keligaa codsato kaalmo dhaqaale. Markaasi waxaad helaysaa kaar bangi oo gaar kuu ah kaas oo lacagta magdhowga maalinlaha iyo gunnada gaarka ah lagu soo shubayo.

Lacagta magdhowga maalinlaha waa inay dabooshaa kharashyada sida tusaale ahaan:

  • dharka
  • kabaha
  • alaabta nadaafada iyo waxyaabaha kale ee la isticmaalayo wakhti kooban, tusaale ahaan cuntada, warqada musqusha iyo wixi dheeraad ah
  • hawlaha xilli firaaqaha
  • wixii kharashyo ee dhanka daryeelka bukaanka iyo dawooyinka.

Hey'ada Socdaalku ma ku siin karto lacagta lacagta magdhowga maalinlaha haddii aad markaaga horeyba lacag tan la mid ah dhanka kharashyadan aad ka hesho degmada.

Haddii aad lacag ka hesho shaqo waa inaad arintan u sheegto Hey'ada Socdaalka. Tani waxay raad ku yeelan kartaa haddii aad xaq u leedahay lacagta magdhowga maalinlaha ee laga helo Hey'ada Socdaalka.

Waxaa jirta gunno gaar ah oo la codsado haddii aad leedahay baahi aanay dabooli karin lacagta magdhabka maalinlaha ah. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan kharashyada dharka qabowga, muraayadaha indhaha ama qalabka dadka laxaadkoodu kala dhantaalanyahay ama caruurta dhalatay. Haddii aad ka yartahay 16 sano markaasi wakiilkaaga caruurta ayaa buuxinaya codsigan. Haddii aad ka weyntahay 16 sano adiga ayaa keli ahaantaa codsan kara. Codsigan waa inaad ku sharaxdaa sababta aad ugu baahantahay gunnada gaarka ah. Haddii la diido codsigaaga oo aanad ku qanacsanayn go'aankan markaasi waxaad qaadan kartaa rafcaan.

Haddii aad ka weyntahay 16 sano oo aad leedahay caruur, waxaad ilmahaga uga dalbi kartaa Hey'ada Socdaalka lacagta magdhabka maalinlaha ah iyo gunnada gaarka ah.

Haddii aad tahay inta u dhaxaysa 8 ilaa 19 sano waxaad xaq u leedahay kaalmo laga helo maamulka gobolka dhanka kharashyada muraayadaha indhaha iyo caaga aragtida ee la saarto indhaha. Sida kaalmadani u shaqayso way kala duwantahay oo ku xirantahay gobolka aad degantahay. Ka dib ayay suurtagal tahay in gunnada gaarka ah laga codsado Hey'ada Socdaalka markay noqoto kharashka aanu daboolayn kaalmada maamulka gobolka.

Waa wakiilkaaga caruurta qofka gacanta ku haynaya kaarkaaga bangiga. Hey'ada Socdaalku waxay kaarka bangi siin kartaa adigaaga buuxiya 16 sano.

Lacagaha lagu soo shubo kaarka bangiga waxaa la sameeyaa badanaaba hal mar bishiiba.

Loogu talogalay adigaaga helay sharciga deganaansho.

Hal bil ka dib markaad hesho sharciga deganaansho waa lagaa saarayaa nidaamka Hey'ada Socdaalka. Markaasi ma sii helaysid lacagta magdhabka maalinlaha ah. Kaarkaaga bangigu wuu istaagayaa inuu shaqeeyo. Sidaas darteed waxaa muhiim ah inaad kala baxdo lacagta ku jirta kaarkaaga bangiga ka hor intaan lagaa saarin diiwaanka Hey'ada Socdaalka.

Marka aad hesho sharciga deganaanshaha waa adeega arrimaha bulshada kuwa mas'uulka ka ah masruufkaaga.

Haddii aad la nooshahay qofka loo magacaabay inuu yahay mas'uulkaaga sharciyan waxaad xaaladaha qaarkood heli kartaa kaalmada daryeelka ilmaha, lacagta hawl-gabka caruurta iyo tageerada qofka mid ka mid ah waalidkiisa ama labaduba dhinteen.

Haddii aad ka yartahay 16 sano oo haysato sharciga deganaanshaha waxay Qasnada Caymiska bixinaysaa lacagta kaalmada caruurta. Waa mas'uulkaaga gaarka ee sharciyan qofka ugu horeyn helaya kaalmadan. Kaalmada lacagta caruurta waxaa xitaa la siin karaa qoyska hoyga ama hoyga HVB, haddii gudida arimaha bulshadu ay go'aamiso in sidaas la sameeyo.

Haddii aad tusaale ahaan sii wadato waxbarashada heerka dugsiga hoose-dhexe ka dib markaad buuxisay 16 sano, waxaad heli kartaa kaalmada lacagta caruurta oo la sii dheereeyay.

Waa inaad leedahay qof haysta loo magacaabay mas'uuliyadaada sharci si lacagtan kaalmada caruurta loo bixiyo. Lacagta kaalmada caruurta ma la bixin karo ka dib wakhtigeeda.

Guddiga ammuuraha kaalmada iyo waxbarashada ardayda, CSN, waa hey'ada dawladeed ee ka shaqaysa kaalmada iyo amaahda dhalinyarada iyo dadka waaweyn ee wax barta.

Haddii aad wax ka barato dugsi sare waa in qofka loo magacaabay mas'uuliyada sharci ka dalbaa CSN kaalmada waxbarasho ama kaalmada dheeraadka. Ilaa iyo inta aad ka yartahay 18 sano waa qofka haysta mas'uuliyadaada sharciyan qofka helaya lacagaha kaalmada waxbarasho. Marka aad buuxiso 18 sano adiga ayaa lacagtan helaya.

Haddii aad buuxisay 16 sano oo aad shaqayso fasaxyada ama fasaxa iskoolka waxaad xaq u leedahay inaad keligaa u taliso lacagtan aad shaqaysay.