Sharciga deganaansho ee ku meel gaarka ah

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/3-2023

Waa qaanuunka ajaanibka waxa xukuma qofka loo oggolaanayo joogista gudaha Iswiidhan.

Waa kuwee noocyada sharci deganaansho ee jiraa?

Waxaa jira noocyo kala duwan oo sharciyada deganaansho ah:

  • Sharci deganaansho ee ku meel gaarka ah
  • Sharciga deganaansho ee joogtada ah

Iswiidhan dadka badankoodu waxay helaan sharci degganaansho oo wakhtigiisu cayimanyahay. Marka aad sharci degganaansho oo wakhtigiisu cayimanyahay aad soo haysatay ugu yaraan saddex sano ayaad fursad u haysataa inaad codsato sharciga degganaansho ee joogtada ah.

Maxay tahay micnaha sharciyadan deganaansho ee kala duwan?

Qaxoontinimo - 3 sano

Adigaaga helay mustawaha qaxoontinimada waxaad helaysaa sharci degganaansho oo ku meel gaar ah oo saddex sano ah. Saddex sano ka dib waa laguu dheereyn karaa sharciga digganaashada hadii aad weli u baahantahay gabbaad. Sharci degganaansho oo la dheereeyay wuxuu ansax yahay laba sano.

Saddex sano ka dib waxaad xitaa fursad u haysataa inaad codsato sharci degganaansho oo joogto ah.

Heerka Ilaalinta qofka halis ku muddan kara haddii wadankiisa lagu celiyo - 13 bilood

Adigaaga helay mustawaha qof u baahan badbaado kale waxaad helaysaa sharci degganaansho oo ku meel gaar ah oo ah 13 bilood. 13 bilood ka dib waa laguu dheereyn karaa sharciga digganaashada hadii aad weli u baahantahay gabbaad. Sharci degganaansho oo la dheereeyay wuxuu ansax yahay laba sano.

Saddex sano ka dib waxaad xitaa haysataa fursada inaad codsato sharci degganaansho oo joogto ah.

UR Skola ayaa samaysay filim sharaxaya farqiga u dhaxeeya sharciyada deganaansho ee kala duwan. Filimkan waa af iswiidhish. Wuxuu leeyahay qoraalyo hoosta ah oo ah iswiidhish, carabi, kurdi, faarsi, soomaali iyo tigrinya.