Canug 0-5 sano
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6 2 2019
In la lahaado canug ku jira da’da dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurtu waxaa ay adiga ka waalid ahaan kaga dhigantahay farxad aad u badan laakiin haddana taxaddi fara badan.
Masawirqaade: Colourbox
-
Uur
Uur
Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa meesha aad la xiriireysid inta uurka aad leedihid iyo uurka ka dib, iyo welibo uureysiga aan la dooneynin.
-
Carruur lagu dhalay Swiidhan
Carruurta lagu dhalay Swiidhan waxaa ay qaadanayaan isla jinsiyadda ay waaliddiintu haystaan. Haddii waaliddintu ay u dhasheen waddan ka baxsan midowga Yurub waa in waaliddiintu ay canugga u codsadaan sharci degganaasho. Canuggu wuxuu badanaa helayaa isla sharciga ay waaliddiintu leeyihiin.
Xaqiijinta aabenimada
Haddii waalidiinta carruurta ay is-qabaan, hooyadana ay ka diiwan gashan yihiin dalka Iswiidan, waxaa ninkeeda loo diiwan gelinayaa in uu yahay aabeha ilmaha. Haddii waalidiinta carruurta aysan is-qabin, waa in aabeha ilmaha uu aabenimada cadeeya. Guddiga arrimaha bulshada ayaa degmooyinka badidooda ka arrinsada, arrimaha xiriirka la leh xaqiijinta aabenimada. Laakiinse, xitaa Guddiga arrimaha bulshada ee degmooyinka ama guddiyada dowladaha hoose ayaa arrimahaas ka arrinsan karo. La xiriir degmada aad degan tahay sida aad ku hesho warbixinta nidaamka degmada u degsan.
Haddii hooyada ilmaha ay ahayd magangelyo-done markii ilmaha ay dhalanayeen, oona iyada iyo lamaneheeda goortaas is-qabin, waa in waalidnimada laga diiwan geliyaa buugga diiwangelinta shicibka. Taasoo lagu dhaqaaqi karo kaddib markii ilmaha la siiyay ruqsadda degenaanshada ee dalka Iswiidan.
-
Horuumarka canugga
Canuggu wuxuu marayaa wejiyo horuumar oo fara badan, waana caadi in waaliddiintu ay horuumarka canuggooda ka qabaan su'aalo fara badan.
-
Ammaanka canugga
Waa muhiim in aad guriga ka dhigtid mid ammaan u ah carruurta haddii aad qabtid carruur da'daan ah.
-
Fasaxa waalidnimo
In la ahaado fasax waalid micnaheedu waa inaad fasax ka tahay waxbarasho ama shaqo si aad gacanta ugu hayso ilmahaaga. Waa caadi in ragga iyo dumarka labaduba ay fasax ka qaataan shaqada ama waxbarashada si ay guriga carruur ula joogaan. U qaybinta waqtiga fasaxa waaliddiintu waxay xiriir xooggan la leedahay aragtida xuquuqda carruurta. Canuggu wuxuu xaq u leeyahay in uu waaliddiintiisa xiriir dhaw la yeesho.
-
Caymiska waalidiinta
Ceymiska waaliddiintu waxa uu suurta gelinayaa in waaliddiintu ay fasax noqon karaan si ay canuggooda u hayaan. Waxaa lagu magacaabaa in lagu jiro fasax waalid. Marka aad ku jirtid fasax waalid waa in aad Qasnadda ceymiska ka codsataa lacagta waalidka.
-
Dugsiga xanaanada
Haddii aad shaqeyneysid ama aad waxbaraneysid wuxuu canuggaagu maalintii oo dhan dhigan karaa dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta laga billaabo hal sano jir. Taasi waa xuquuq la leeyahay. Haddii aadan shaqeyneynin ama aadan waxbaraneynin canuggu saas oo ay tahay wuxuu dhigan karaa dugsiga guud ee xannaanada iyo barbaarinta carruurta dhawr saacadood maalintiiba laga billaabo da'da 3 sano jirka.
-
Caafimaadka canugga
Daryeelka caafimaadka carruurtu wuxuu ku jeedaa carruurta laga billaabo dhalashada ilaa iyo billaabidda fasalka dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta. Hawl muhiim u ah daryeelka caafimaadka carruurtu waa in lala socdo caafimaadka dhammaan carruurta, horuumarka iyo xaaladda nololeed.
Rugta daryeelka caafimaadka carruurtu waxaa ay bixineysaa baaritaanno iyo tallaallo laakiin waxaad sidoo kale talo uga heli kartaa wax walba oo taabanaya horuumarka canugga.
Haddii canuggaagu uu xanuunsado oo uu baahanyahay daryeel waxaad la xiriireysaa rugta caafimaadka.
-
Talo iyo taageero
Degmada waxaa ku yaalla dhawr meelood oo aad la xiriiri kartid si aad talo iyo taageero u heshid, una heshid waxbarasho waalid ama si aad khibrado ula wadaagtid waaliddiin kale.