Dalarnas län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 17 10 2018

Gobolka Dalarna baaxaddiisa waxeey la egtahay wadanka Biljan oo dhan, laakiin farqiga u dhaxeeya waa in meeshaan eey degan yihiin 300 000 oo qofood, halka wadanka Biljanna eey degan yihiin dad gaaraya 10,5 malyan oo qofood.balliga ugu weyn ee Dalarna magaciisana la dhaho Siljan waxuu ka dhashay biriq wax la mid ah oo cirka kasoo dhacay 360 malyan oo sano ka hor. Maanta goobta eey Siljan ku taalo waa meel eey dad badan usoo dalxiis tagaan, waxeeyna leedahay aragti qurux badan markad firisid balliga iyo buuraha dhaadheer ee kaga yaal dhanka waqooyi.

Degmooyinka ku yaala Dalarnas län

Dooro degmada ah Dalarnas län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Ma ku fakereysaa inaad halkan usoo guurto? Sideed rabtaa inaad u degtid? Inteed rabtaa inaad degtid? Fursadaha yaallo Dalarna weey badan yihiin. Dalarna waxuu ka kooban yahay 15 degmadood, kulligoodna weey kala duwan yihiin. Ma waxaad rabtaa adiga inaad degto guri casri ah oo ku yaal bartamaha magaalada ama guri ku yaal magaalada baadiyaheed, oo lo'da ku jirta xerada looga jeedo daaqada, ama labadaas wax u dhaxeeya?

Nolosha Dalarna waxey noqon kartaa mid kala duwan. Waxaan u dhownahay buuraha, u dhownahay biyaha, waxaan u dhownahay baadiyaha-laakiin waxaan kaloo u dhownahay magaalada. Waxaan bixinaa fursado badan. Markii aad go'aansato inaad halkaan usoo guurto waxaan kugula talineynaa inaad la xariirto ee xiriirka guuritaanka markaas degmada ay khuseyso. Waxey heystaan xiriiro badan oo degmada ah kuna fadhiyo xog ku saabsan wax ay ka midka yihiin daryeelka casrruurta, deggaanka, iskuulada/waxbarashada.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Qeeybaha waxsoosaarka ganacsi badankood weey yaallaan Dalarna. Hadeey ahaan lahaayeen shirkadaha caalamiga ah ee waaweyn sida SSAB iyo shirkadda awoodda ee ABB iyo shirkadaha dhexdhexaadka iyo kuwa yaryar kulligoodba. Waxaa ka jira shirkadaha qandaraasla qaatayaasha ah oo eey ka mid yihiin kuwa dhinaca soosaaridda cuntada iyo shirkadaha dalxiiska oo isugu jiro kuwo waaweyn iyo kuwo yaryar, kuna baahsan gobolka oo dhan. laga billaabo alaabaha ceyriinka ah iyo kuwa farsamada ilaa dhinacyada adeega bulshada iyo caaimaadka. Toban sano gudahood saddax meelood hal meel shaqaalaha caafimaad ee Dalarna waxeey noqonayaan howl gab, waxaana markaas loo baahnaan doonaa dad badala dadkaas oo eey tahay in la shaqaaleeysiiyo sanadaha soo socda. Dalarna waxay ku siinaysaa jid nololeed fiican oo shaqo iyo nolol tayo fiican.

Bogga internetka ee dalarna.se waxaad ka heleysaa leeman kale oo kugu xiraya degmoyinka kale sida xafiiska wax soosaarka dhaqaalaha, warbixin ku saabsan taageerada shirkadaha iyo maal-gashiga, ururyada waxsoosaarka dhaqaalaha iwm.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Högskolan Dalarna waxaa la dhisay 1977 wakhtigaas wixii ka dambeeyayna kor uyuu usii kacay. Laba qeeybood ee machad jaamacadeedka waxeey ku kula yaallaan Falun iyo Borlänge waxaana laga bartaa 60 borogramyo iyo 1100 koorsooyin, waxbarashado la jaanqaadeyso shaqooyinka suuqa yaal. Machad jaamacadeedka waxaa dhigta arday gaareeysa 16000 waxaana ka shaqeeya 800 oo shaqaale. Waxaa ku yaal gobolka dugsiyo sare iyo dugsiyo hoosedhexe oo badan. Warbixin dheeraada o ku sabsan dugsiyada xanaanada carruurta waxaad ka heli kartaa degmooyinka bogogooda internetka.

Daryeelka bukaanka

Maamulka caafimaad ee Dalarna waxuu dadka gobolka iyo booqashada ku jooga u hayaa daryeel caafimaad oo eey ku jiraan daryeelka ilkaha iyo afka. Markaad adiga adiga ama qof wax kuu eh uu jirado, aadna u baahan tahay talo siin wakhtiga maalinta ah waxaad la xiriireysaa rugtaada caafimaadka. Rugaga caafimaad waxaad ka heleysaa meeshaan. Dhakhtarka rugta caafimaadka iyo shaqaalaha kale ee caafimaad ayaa wax ka qaban cudurada caadiga ah, marka loo baahan yahay waxey u gudbiyaan dhakhaatiirta ku takhasusay. Markaad si degdeg ah ugu baahatid daryeel caafimaad waxaad wacdaa rugtaada caafimaadka ama 1177 Vårdguiden inta aadan aadin rugta lagu qaabilo cuduradda degdega ah. Hadaad caawimaad degdeg ah u baahatid adiga ama qof wax kuu ah waxaad wacdaa nambarka 112.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Hiddaha iyo dhaqanka waxuu sare u qaadaa korriimaha maskaxda qofka. Qiimaha qofka iyo sida loo hadlo, khayaaliga iyo wax soosaaridda, waxyaabahaas oo dhan weey xoogeysanayaan markaan wax abuureyno wax cusubna baraneyno. Heerka dadka meesha uu kor ugu qaadmo ayeey dimuquraadiyad ka habsoontaa. Goolka uu maamulka caafimaadka Dalarna tiigsanayo waxaa waaye inuu sii ballaarto isla markaana tayadiisu kor aad loogu qaado, laguna faafiyo gobolka oo dhan. taageeda la siiyo dhaqanka, horumarinta waxbarashada dadka, jaaliyadaha iyo iskoollada waxeey dadka degan meeshaan fursad u siinayaan sideey wax ugu geysan lahaayeen hormarinta bulshada. Dadka ka shaqeeya hiddaha iyo dhaqanka iyo waxbarashada waa la badinayaa tiradooda. Jawiga goobaha wax lagu qabsado oo la hormariyo waxuu keenayaa isku xirnaanshaha bulshaa, horumarka gobolka iyo dhaqaalaha oo kobca.

Bogga internetka ee Visit Dalarna waxaa ka heleysaa warbixin badan oo ku saabsan howlaha firfircoonida ee xilli firaaqaha iyo munaasabadooyinka kala duwan ee gobolka lagu qabto.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

Nololjaaliyadeedka weey xoogan tahay weeyna kala duwan tahay. Hey'adda bisha cas iyo hey'adda badbaada carruurta waxeey sida kaniisadooyinka door weyn ka qaataan horumarka gobolka, waxeeyna meherado kala duwan ka sameeyaan degmooyinka kala duwan si dadka qaxootiga eey ula kulmaan dadka kale ee degmooyinka. Degmooyin badan waxeey leeyihiin liis jaaliyadaha eey ku qoran yihiin, waxaadna ka fiirin kartaa degmo kasta boggeeda internetka ah.