Kalmar län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24 10 2018

Gobolka Kalmar wuxuu heystaa 12 degmo:Västervik, Vimmerby, Hultsfred, Högsby, Oskarshamn, Mönsterås, Nybro, Emmaboda, Torsås, Mörbylånga, Borgholm och Kalmar. Degmada Högsby waa degmada ugu yar gobolka qoyaas ahaan 5700, Kalmarna waa degmada ugu weyn waxeyna gaarayaan qiyaas ahaan dadkeeda 64 000 waxeyna heystaa dad korarka ugu badan gobolka. Guuud ahaan waxa uu tusinayaa gobolka sanadihii ugu danbeeyay dad koror fiican.

Degmooyinka ku yaala Kalmar län

Dooro degmada ah Kalmar län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Guryaha ku yaal gobolka waxeey la egyihiin baahida jirta ee dhinaca guryaha ah. Guryaha la kireeysto aad looma dhiso in kastoo eey dadka u baahan yihiin guryahaas oo kale. Meelaha qaar waxaa laga dhisaa guryo loogu tala galay dadka cuuriyaamiinta ah iyo dadka da'da ah si dadka qeybihiisa kala duwan eey isugu milmaan. Marar dhif ah ayaa la dhisaa guryo loogu tala dhalionyarada, ardayda, dadka wadanka ku cusub iyo dadka is fura iyo wixii la mid ah. Caqabadaha horyaal in guryo sidaas oo kale la dhiso ayaa waxeey yihiin qarashka lagu dhisayo oo aad u badan iyo dadka dadka degmada oo hoos usii dhacayo.

​​Dadweyne

Gobolka Kalmar wuxuu heystaa 12 degmo:Västervik, Vimmerby, Hultsfred, Högsby, Oskarshamn, Mönsterås, Nybro, Emmaboda, Torsås, Mörbylånga, Borgholm och Kalmar. Degmada Högsby waa degmada ugu yar gobolka qoyaas ahaan 5700, Kalmarna waa degmada ugu weyn waxeyna gaarayaan qiyaas ahaan dadkeeda 64 000 waxeyna heystaa dad korarka ugu badan gobolka. Guuud ahaan waxa uu tusinayaa gobolka sanadihii ugu danbeeyay dad koror fiican.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Gobolka waxuu leeyahay taariikh soo jireen ah oo ah dhinacyada wax soosaarka iyo shirkadaha, dhaqaalaha waxsoosaarka waxuu ka yimaadaa shirkadaha garaashyada baabuurta, shirkadaha yaryar iyo beeraha. Shaqa bixiyaha ugu weyn ee gobolka waa shaqaalaha gobolka Kalmar oo gaaraya 6 000 oo shaqaale, waxaa ku xiga degmooyinka waaweyn ee gobolka. Dhinaca shirkadaha gaarka loo leeyahay waxaa ugu shaqaale badan shirkadda Scania SV AB. Marka loo barbardhigo gobollada kale ee wadanka dadka aan heer jaamacad dhiganin weey yaryihiin.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Jaamacada Linneuniversitetet waxeey xarumo ku leedahay magaalooyinka Växjö iyo Kalmar waxeeyna leeyihiin 60 barnaamiyo waxbarashadeed, waxaana jaamacada laga bixiyaa 1200 koorsooyin oo 50 maaaddo ka kala socda. Kalmar waxaa ka jirta cilmi baaris xooggan oo dhinaca sayniska ah. Waxaa kaloo Kalmar ka jira mac'hadka badmaaxnimada oo heer caalami ah iyo waxbarashada naqshadeynta oo heerkeedu sarreeyo kuna taal Pukeberg, Nybro.

Daryeelka bukaanka

Gobolka waxuu leeyahay saddax isbitaal. Isbitaalka hobolka Kalmar waxuu leeyahay 18 takhasusyada kala duwan ah iyo 350 goobo bukaan jiif ah, isbitaalka Oskarshamn waxuu leeyahay shan qeeybood iyo 80 goobo bukaan jiif ah, isbitaalka Västervik waxuu leeyahay 16 qeybood iyo 150 goobo bukaan jiif ah. Xarumaha caafimaadka asaasiga ah waxuu ka koobanyahay 28 xarumood waxaana weheliya 11 rug oo kuwa gaarka loo leeyahay ah.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Gobolka waxaa xayeeysi u saeeysa xarunta maamulka caafimaadka oo siisay naaneesta gobolka caafimaadka waxuuna gobolka qani ku yahay meheradaha dhinaca hiddaha iyo dhaqanka och howlaha firfircoonida oo eey jaaliyadaha sameeyaan, waxaa kaloo jira goobo taariikhi ah oo eey dadka jecelyihiin ineey booqdaan sida goobta Astrid Lindgrens värld, Glasriket iyo Ottenby oo ku yaal koofurta Öland. Maktabada waa goob eey ku kulmaan dad kala yimid meelo kala duwan, oo da'dooduna kala duwan tahay. Matxafka Kalmar, matxafka farshaxanka, xarunta muusikada gobolka, hemslöjden iyo tiyaatarka gobolka waxeey kulligood kawada shaqeeyaan sidii hiddaha iyo dhaqanka leeskugu dheeli tiri lahaay isla markaana loo heli lahaay nolol dhaqameed qani ah.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

2013 waxaa gobolka loo dajiyay istiraatiijiyad is dhex gal, oo loogu tala galay sidii loo soo jiidan lahaay dadka qaxootiga ah isla markaana la jecleeysiiyo sidii eey u soo degi lahaayeen gobolka Kalmar, xarumaha kale oo ku howlan sidii gobolka howshiisa dhinaca is dhexgalka dadka kor loogu qaadi lahaay, waxaa ka mid ah 27 iskaashato oo kala ah, ALMI företagspartner, xafiiska shaqada, Företagarna, xafiiska ceymiska, Hushållningssällskapet, maamulka gobolka ee caafimaadka, Lantbrukarnas riksförbund, Linnéuniversitetet, maamulka gobolka, Hey'adda laanta socdaalka, Regionförbundet, degmooyinka uu gobolka ka kooban yahay oo dhan, xafiiska cashuuraha, Svenskt näringsliv iyo hey'adda booliska. Bisha cas, uruska isboortiska Småland iyo ururka waxbarashada.