Västernorrlands län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 29 10 2018

Ku soo dhawaaw Västernorrland, oo ah gobol leh dabiicad kala duwan iyo dhaqan badan. Halkaan waxaa dagan ku dhawaad 240 000 oo qof, oo ku kala nool degmooyinka Sundsvall, Timrå, Härnösand, Sollefteå, Kramfors, Ånge iyo Önsköldsvik. Gobolka waxuu lee yahay jiqooyin waa weeyn, xeeb dheer ee dhanka bada Botten iyo sadax biyo mareen ee waa weeyn; Ljungan, Biyo mareenka indals iyo biyo mareenka Ångerman.

Degmooyinka ku yaala Västernorrlands län

Dooro degmada ah Västernorrlands län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Xaalada degaan waa fiican meelaha kale markii loo fiiriyo sababtuna waxeey gobolka tobankii sane ee ugu danbeeyay dadka ayaa ka yaraaday. Guriyaasha la kireeysto ee bartamaha ku yaalo xooga waa ku yaryihiin inta banaan, degmooyinka dhamaantoodna waxaa ka jirto baahi oo loo qabo dayactir iyo qalabeeynta guriyaasha. Ayagoo ee dadka da'ooda sii weeynaaneeyso waxeey keeneysaa in baahida loo qabo guriyaal habeeysan in ee korto. Jidka Botnia waxuu mecno weeyn ugu fadhiyaa isgaarsiinta iyo kala badalashada ee gudaha gobolka. Safarka uu dhaxeeyo Umeå iyo Örnsködsvik waa sii batay sido kalena midka ku socdo Sundsvall. Sido kalena waa labada meel ee dhisida guriyaasha ee ugu bateen.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye<<<<<<<<<<<<<<<<<<<

Västernorrland waxaa ku yaalo shirkadooyin badan oo kala duwan. Waxaa jiro shirkado hore oona weeyn kana hoowl galo warshada-jiqda iyo warshada koranto dhalinta sidii SCA iyo Eon. Laakin sido kale waxaa jiro shirkado badan oo cusub oo ka shaqeeyo Warbixinta-tekonoolijiyada, IT iyo isgaarsiinta taleefoonka sidii comhem iyo Telia. Xafiisyada degmooyinka iyo maamulka gobolka waa shaqo dhiibayaal waa weeyn oo ka hoowl galo daryeel, xanaaneyn iyo isgaarsiinta. Shirkadaha yaryar gobolka waa ku sii badanooyaan, inta badan waxeey hormariyaan adeegyo ku socdo shirkado iyo dad gaar ah.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Jaamacada Iswiidhan ee ugu da'da yar, Jaamcada Mitt waxeey ku taala Västernorrland. Waxaa la asa'aasay 2005, waxeeyna goobo ku lee dahay Sundsvall, Östersund, Härnösand iyo Örnsköldsvik. Halkaan waxaa joogo macalamiin, cilmi baarayaal iyo arday kakala timid Iswiidhan iyo dalal kala. Waxaa lee dahay waxbarashada teknoolijada-isboortiga, farsamada cilmiga noolaha iyo deegaanka, waxbarashada saxaafada ee dhanka sawirarada iyo waxbrashada heerka masterka ee dhaqaalaha oo caalami ah.
Halkaan waxaa ka jiro waxbrasho ee dhanka waxbrashada bulshada, cilmiga, farsamada iyo baniaadanka. Jaamacada Mitt waxeey ka mid ah jaamacadaha Iswiidhan ugu horeeyo dhanka waxbarashada masaafada. Waxbarashooyinka masaafada qarkooda marmar ayaa la isku imaada, kuwo kalena qarkood waxaa lagu dhigtaa lee ayadoo la adeegsanaayo tageerada elegtrooniga ee casriga.

Daryeelka bukaanka

Xafiiska maamulka gobolka caafimadka ayaa kala wado daryeelka bukaanka ee gobolka. Västernorrland waxaa ku taalo sadax isbitaal. Waa isbitaalka gobolka ee ku yaalo Sundsvall oo hoowlo qaabilaad ku leh Härnösand, isbitaalka Sollefteå iyo isbitaalka Örnsköldsvik. Isbitaalada waxaa ku yaalo qaabilaado, qeeybo iyo goobo hoowleed kala duwan.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Västernorrland waxeey taajir ka tahay dhaqanka, fursado badan ayaa loo heli karaa hoowlaha xilliga firaaqada. Härnosand waxaa ku taalo shirkada caanka ee ciyaarha, Norrdans, ayadoo la adeegsanaayo Svenkonst Västernorrland ayaa la soo saaraa heeso, riwaayado, ciyaaro iyo filimaan. Sido kale Västernorrland waxeey caan ku tahay dabiicadeeda qurxoon ee waxyaalaha badan leh, goobaha weeyn ee jiqda, biyo mareenka ee iftiinka ah iyo dhul dhaqameedka. Xeebta Höga ee gaarka uu ah waxeey ka tirsan tahay meelaha Iswiidhan ee aduunka taarikh ku leh. In ku filan oo keeyd dabiica ah ayee lee dahay iyo jasiirado badan oo leh xayawaano iyo geedo kala duwan.

Jaaliyado iyo ururu – bulshada rayidka ah

Muwaadiniinta dalka ku cusub dartood ayee hada dadka Västernoorland uu bateen. Taasi oo looga mahad celinaayo muwaadiniinta dalka ku cusub. Waa markii koobaad ee goor dheer taasi dhacda. Shaqo badan ayaa la wadaa si dadka dibada ku dhashay loogu sahlo degaanka iyo shaqada halkaan. Ayadoo la wada shaqeeyneeyso ururada samafalka, shirkadaka, xafiisyada degmooyinka iyo xafiisyada maamulka gobolka caafimaadka, waxuu xafiiska arimaha maamulka gobolka uu shaqeeynaa sidii dadka dalka ku cusub looqu qaabili lahaa dalka hab qiimo fiican leh, hab lagu sugaayp sharciga iyo hab baniaadanimo. Hal tusaale waxaa ka mid ah in Västernorrland sanadkii 2011 ee Iswiidhan ka noqotay gobolkii koobaad ee demooyinkiisa dhan wada qaabilaan da' yarta qaxootiga ee kaligood dalka yimaado.