Lerum

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6 11 2019

Lerum waa degmada reerada uu fiican, lehna xariir gaadiid fiican oo tago magaalada dariska Göteborg!

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

42,221

Cabirla dhulka

259 kiilomitir oo laba jibaaran

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

  • Göteborg 22 kiilomitir
  • Borås 27 kiilomitir
Dad laga arko xaga dambe iyo biyaha qasabadaha kor uga soo baxa oo xaga hore laga arko suuqa Lerum.

Masawirqaade: Emelie Asplund

Deegaan

Adigaaga lagu casuumay inaad u guurto Lerum waxaad helaysaa guri alaabta guriga leh kaas oo aad deganaan karto ilaa inta aad helayso heshiiska gacanta hore ee guri gaar kuu ah oo aad kireysatay. Degmada waxay ka caawineeysaa inaad guri raadsato. Waxay qaadataa qiyaastii hal sano ka hor intaanad helin guri gaar kuu ah oo heshiiska gacanta hore ah.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Gudaha Lerum kow iyo toban boqolkiiba dadka ku nool waxay ku dhasheen dal kale. Waxbarashada afka hooyo waxaa lagu dhigaa luqado badan oo kala duwan, waxaana ka mid ah carabida, boosniga, seerbiga, karawaatiga, faarsiga, kurdiga, ruushka iyo boolandiiska.

Jaaliyado iyo ururu

Lerum waxaa ku yaalo ururo badan oo leh nuucyo kala duwan, tusaale ahaan urada isboortiga iyo jimicsiga iyo ururada dhaqanka iyo xilliga firaaqeedka. Waxaa jiro ururo luugo tala galayba caruur iyo dadka waa weeynba. Ururada dhamaantood waxeey ku wada jiraan diwaanka-ururada.

Caruur ordaysa tartanka orodka ee Lerum.

Masawirqaade: Lennart Nordin

Maxaa ka ag dhaw

Degmada Lerum waxeey ka kooban tahay bulshooyin badan, waxaa ka mid ah Lerum, Gråbo iyo Floda. Bulsho kasto waxeey lee dahay bartame leh soo bandhigyo adeeg iyo ganacsi. Bartamaha Lerum ayaa leh soo bandhiga ugu weeyn ee adeegyada muwaadinka iyo dukaamada. Halkaan waxaa ku yaalo guriuga-degmada, xafiiska dadka weeynaha, xafiiska bulshada, maktabada, xafiiska shaqada, farmashiye, rugta caafimaadka iyo in kale.

Wiil caawimaad ka helaya shaqaalaha maktabada.

Masawirqaade: Emelie Asplund

Bartamaha Gråbo waxaa ka mid ah oo ku yaalo dukaan raashin, maqaayad bitsa, farmashiye iyo maktabad.

In yar oo ka baxsan bartamaha Lerum waxaa ku yaalo dukaamo kale oo badan, waxaa ka mid ah dukaanka sicirka jaban ee Lidl. Shan kilomitir in ka baxsan bartamaha Lerum waxaa ku taalo goobta Halun, halkaas waxaa ka mid ah oo ku yaalo dukaanka weeyn ee raashinka Ica Kvantum.

Bartamaha Lerum waxaa ku taalo goobta caanka ee dabaasha Vattenpalatset. Halkaan waxaa yimaado caruur iyo dad waa weeyn oo ka wado socdo goobaha-Göteborg si ee ugu dabaashaan.

Dalyeelka carruurta

Degmada Lerum waxaa ku taalo in ka badan 50 dugsi xanaano iyo dugsiga maalmeedka reerka oo leh shaqaale haboon ahna kuwo hami uu hayo caruurta. Waxaa la jiro kuwo degmadeed iyo kuwo madaxbanaan.

Caruurta dugsiga xanaanada oo banaanka lugaynaya.

Masawirqaade: Mattias Jansson

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Lerum waxeey heeysaa soo bandhig balaaraan ee dhanka fursdaha waxbarashada – laga bilabaa dugsi xanaano, xanaanda maalmeedka ee reereed iyo dugsiyaal hoose ilaa dugsi sare iyo waxbarashada dadka waa weeyn. Waxaa ku jiro kuwo degmadeed iyo kuwo madaxbanaan. Bartamaha Lerum waxaa ku yaalo dugsiga sare ee Lerum oo soo bandhigaayo barnaamijyo dugsi sare oo badan. Sido kale dugsiyaal badan ayaa ku yaalo degmooyinka-dariska oo la kala dooran karo sidii tusaale ahaan Göteborg, Borås ama Alingsås.

Furadaha waxbarasho

Qofkii waxbarasho in uu dhigtoo doonaayo waxeey Lerum uu soo bandhigeeysaa fursad waxbarasho asago weeyn. Waxbarashada dadka weeyn ee Lerum waxaa ku dhigan kartaa sfi (iswiidhishka ajnabiga loogu tala galay) iyo koorsooyin kale oo badan iyo waxbarasho. Waxaa jiro koorsooyin oo ka mid yihiin xanaanada, waxbarashada bulshada iyo isticmaalida kombiyutarada. Tareenka ku socdo Göteborg waxuu qaataa lee 20 daqiiqo, halkaasna waxbarasho kale ayaa laga dooran karaa tusaale ahaan Jaamacada Göteborg iyo Jaamacada farsamada ee Chalmers.

Arday wada qaxwaynaya.

Masawirqaade: Emelie Asplund

Caafimaadka

Degmada Lerum waxaa ka jiro bandhig fiican dhanka daryeelka caafimadka iyo bukaanka. Waxaa jiro sadax rug caafimaad oo ku yaalo bartama Floda, Gråbno iyo Lerum. Sido kale ruggaga caafimadka waxaa ku dhex yaalo ruggaga caafimaadka ee caruurta (BVC) iyo qaabilaada umulisooyinka. Sido kale bartamaha Lerum waxaa ku taalo qaabilaada daaweeynta caruurta iyo dhalinyarta, qaabilaada dhalinyarada, qaabilaada umilsada, iyo qaabilaada baxnaaninta. Sido kale waxaa jiro qaabilaadyo daryeel ilko oo ku yaalo degmada Lerum, kuwo madaxbanaan iyo kuwo guud. Daryeelka ilkaha dad weeynaha waxuu ku yaalaa Floda, Gråbo, iyo bartamaha Lerum. Göteborg waxaa ku yaalo isbitaalo waa weeyn oo badan oo leh qaabilaadyo takhasus iyo qeeybaha lagu dhalo caruurta.

Caawinaad turjubaan

Waa jirtaa fursad lagu helo turjumaan markastoo xariir lala yeesho hey'addaha dowladeed.

Xiriirka gaadiidka

Tareenka uu dhaxeeyo Lerum iyo Göteborg waxuu qaadanaa lee 18 daqiiqo, baskana waxuu qaadana 28 daqiiqo. Tareenka iyo baskaba inta badana waa baxaan. Jidka baaburred ee uu dhaxeeyo Lerum iyo Göteborg si fiican uu dhisan yahay. Masaafad gaaban ee uu dhaxeeyso Lerum iyo Göteborg waxeey uu haboontahay in lagu safro. Dad badan oo degan Lerum ayaa ka shaqeeyo Göteborg. Warbixinta dhamaanteed oo ku saabsan waqtiyada iyo sicirka waxeey ku jiraan bogga Västtrafik.

Boosteejo ay joogaan dad raacaya tareen.

Masawirqaade: Emma Söderblom

Shaqo iyo ganacsi

Shaqooyinka ugu weeyn gudaha Lerum waxeey ku jiraan waxbarashada iyo daryeelka iyo xaneeynta. Shaqooyin kale ee caadiga waxeey ku jiraan ganacsiga, dhisamaha iyo adeegyada shirkadaha. Magalooyinka-dariska ee Göteborg iyo Borås shaqo kasto ayaa ka jirto!