Xuquuq iyo waajibaad

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 26 6 2019

Dadka oo dhan waxay leeyihiin xuquuqda bani'aadamka oo sidaas darteed waa xaqlayaal. Waa dawlada mas'uuliyadeeda in la ixtiraamo, la ilaaliyo lana horumariyo xuquuqda bani'aadamka. Dawladu waxay sidaas ku tahay ta sida mas'uuliyada xuquuqda bani'aadamka. Laakiin maaha oo kelya dawlada oo keliya ta ay waajibka ku tahay in la ixitiraamo, la ilaaliyo lana horumariyo xuquuqda bani'aadamka.

Shakhsi kasta waxaa mas'uuliyad ka saarantahay dadka kale. Macnawiyan waxay tani tahay in qofku aanu marnaba xuquuqdiisa bani'aadamka u isticmaalin qaab sharaf rida dadka kale xuquuqdooda. Tani waxay khuseysaa tusaale ahaan xoriyada cabirka fikrada. Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay cabiraan aragtidooda laakiin ma laguu oggola inaad xoriyada cabirka fikrada u isticmaashid in lagu sharaf rido dadka kale xuquuqdooda bani'aadamka. Gudaha Iswiidhan waxaa ka jira tusaale ahaan sharci mamnuucaya in lagu kaco nacaybka koox dad ah. Ku kicida nacaybka koox dad ah waxay tahay in la faafiyo, la hanjabo ama la cabiro nacayb ku salaysan tusaale ahaan midabka maqaarka, diinta ama jinsiga/shakhsiyada.

Tusaale kale waa xoriyada diinta. Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay lahaadaan diin ama caqiido. Laakiinse xoriyadan maaha in loo isticmaalo qaab ku xad-gudbaysa xoriyadaha aasaasiga ah iyo xuquuqaha. Tani waxay khuseysaa xitaa xaqa in qofku ku dhaqmo dhaqankiisa. Tusaale noocan ahi waa inay mamnuuc tahay gudniinka gabdhaha. Waxaa xitaa ciqaab lagu mudan karaa in la qorsheeyo iyo in la ogaa qorsheynta caadadan dhaawaca leh.

Tusaalooyin kale dhanka xuquuqda gudaha Iswiidhan oo khuseeya waajibaadka waa tusaale ahaan xuquuqda tamashlaynta taas oo dhamaan dadka xaq u siisa inay joogaan deegaanka dabiiciga ah. Tani waxay isla markaas tahay in dadka oo dhan waajib ka saaranyahay inay ixtiraamaan deegaanka dabiiciga ah iyo noolaha xayawaanka ah ee jooga deegaanka dabiiciga ah. Gudaha Iswiidhan waxaa ka jira xitaa waajibaad la xiriira xaqa hoyga (waajibaadka guri-kireyste ahaan), xaqa shaqo (waajibaadka shaqaale ahaan) iyo xaqa heer nololeed oo leh amaan bulsho iyo ku qanacsanaan, tani oo khuseysa tusaale ahaan nidaamyada caymiska bulshada (waajibaadka la xiriira kaalmooyinka).