Wararka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6 8 2019

Halkan waxaad ka heli kartaa xiriiryada wararka oo ku qoran iswiidhish fudud, iyo wararka iswiidhishka oo ku turjuban luqado kale. Waxaad xitaa akhrin kartaa wararki ugu dambeeyay ee dhinaca Idaacada Iswiidhan.

Idaacadaha Raadiyowga qaranka Iswiidhan

​​​​​​Meeshan baa waxa ka heleysaa idaacadiihii ugu dambeyay Raadiyowga qaranka Iswiidhan. Hadii oo luqadaada hooyo lagu heleyn waxa isticmaaleynaa kan iswiidhishka.

Tuuji qoralka idaacada sidaa idaacada ugu akhrisatid bogga internetka Raadiyowga qaranka Iswiidhan. Isku xiriiriyahay wuxu furi daaqad kale

Khalid: Xilliga Corona maahayn xilli qalin jebin ku wanaagsan

Tue, 14 Jul 2020 16:43:00 GMT+2

Xilliyadii ugu dambeeyay waxay ku howlanaayeen waxbarashada masaafada ee guryaha laga soo dhigto oo dhammaan ardeyda jaamicadaha Sweden ey ku jireen. Taasi waxay dhibaato ku keentay markay ardeydu shaqo raadinayaan, waxbarashada dabadeed sida uu sheegay Khalid Hersi. Khalid Hersi waa 27 jir ku nool magaalada Jönköping. Juun, ayuu qaatay shahaadada cilmiga injineeriyadda dhismaha. Hadeerta wuxuu ka shaqeeyaa bakhaar

Dukaamo aan shaqaale joogin oo la tijaabinayo

Tue, 14 Jul 2020 14:50:00 GMT+2

Dukaamada waaweyn ee iibiya cuntada ayaa hadda si xoog leh ugu howlan sidii lagu heli lahaa dukaamo aan shaqaale joogin. ICA iyo Coop ayaa ku tala jira iney xilli aan fogeyn wadanka ka hirgeliyaan dukaamo aan u baahneyn shaqaale. Dhamaadkii sannadki hore ayuu dukaanka ICA mashruuc tijaabo ah ka fuliyey gobalka Värmland iyadoo Coop-na uu waddada ku soo jiro.

C/FITAAX: ''Inta shaqo helay ayaa misna la iga ceshadey''

Tue, 14 Jul 2020 14:40:00 GMT+2

Waxaa cirka isku sii shareereeysa shaqa la’aanta Sweden, sida ka muuqata tirakoob cusub oo bilowgii toddobaadkan kasoo baxay xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen. Bishii tagtay ee Juun waxaa shaqooyinkii laga cayriyey qiyaastii 11 kun, kuwaasoo 3 meelood oo meel ka mid ihi ay yihiin shaqooyin wershadeed. Idriis Max’uud Yuusuf & C/fitaax Maxamed Max’uud ayaa dhallinyaradaa ka mid ah.

Sicirka cunnada oo kor u kacay xilliga uu Corona socday

Tue, 14 Jul 2020 16:51:00 GMT+2

Intii uu socday xanuunka fayruska corona waxaa kor u kacay sicirka cunnada. Gaar ahaan korlka la isu barbar qiimaha khudradda ee corona hortii iyo intii uu socday, sida ay shaacisay hayadda tirakoobka Sweden ee magaceeda loo soo gaabiyo SCB. 6-dii bilood ee u dambeeyey ayuu sicirku cunnadu kor u kacay 2,5%, kolka loo barbar dhigo muddo sannad iminka laga joogo. Sicirka khudradda, ayaa kor u kacay 13,5%.

Shirkadda gawaarida xamuulka Scania oo shaqaale dib u qoreysa

Tue, 14 Jul 2020 13:12:00 GMT+2

Scania oo sameeysa baabuurta xamuulka ayaa in kastoo lagu jiro xaaladda corona haddana qorsheyneysa kordhinta wax soo saarka shirkadda ee Sweden. Warbixinta ay heshay laanta wararka Ekot ayaa sheegaysa in dhaqaalaha shirkaddu ka wanaagsan yahay sidii la qiyaasayey. Arrintan ayaa keeneysa in shaqaale shirkadda horey uga shaqeeyn jirey haatan dib u hantaan shaqadoodii.

ÖREBRO: Mulac dood ka dhaex dhaliyay heyado dawli ah

Tue, 14 Jul 2020 11:24:00 GMT+2

Mulac laga heley waddo baaskiilladu maraan ee ku taala magaalada Örebor ayaa dood ka dhex abuurtay hayadaha dawliga ee boliiska iyo hayad goboleedka hoggaanka ee carrigaasi, sida uu qoray wargeeyska Nerikes Allehanda. Dooddan ayaa la xiriirtay ciddii masuuliyad ka qaadi lahayd mulaca iyo in loo arko sidii alaab la heley ama xayawaan la soo tuuray ama lumay iyo ciddii masuuliyadda qaadi lahayd.

Kireystayaasha way ku adag tahay iney iska eegaan guryaha

Tue, 14 Jul 2020 10:53:00 GMT+2

Qofka saf ugu jira guri kira ah ayey wakhtigan lagu jiro ku adag tahay innuu ogaado sida uu yahay guriga uu qaadanayo maadaama inta badan guryaha kirada ee magaalooyinka waaweyn aan la soo eegi karin inta aan loo guurin cudurka safmarka awgiis.  – Dhacdadani waxey aheyd mid khaasa maadaama aan qaatay guri aanan soo eegin. Waan ku farxay markaan arkay, sida uu sheegay Axel Malmcrona oo dhowaantan guuray.

Giriiga oo duullimaadyada tooska uga yimaada Sweden fasaxay

Mon, 13 Jul 2020 16:13:00 GMT+2

Laga bilaabo 22 Juulaay, duulimaadyada sida tooska ah uga yimaada Sweden ayaa lagu soo dhaweyn doonaa dalka Giriigga. Markii Giriiggu dalkiisa u furay dalxiisayaasha 1-dii Juulaay, ayaa laga reebey waddamada Sweden iyo Boqortooyada Ingiriiska. – Sida qorshuhu ahaa, waxaan qorshaynaynaa duullimaadyo toos ah oo ka yimaada England 15 Juulaay, iyo Iswiidhen 22 Juulay, ayuu yidhi Stelios Petsas.

Cali ayaa magangelyo uu Sweden ka waayay ka heley faransiiska

Mon, 13 Jul 2020 15:58:00 GMT+2

Qaar badan oo ka mida dhalinyarada Afgaanka ee waalid la’aanta ku yimid Sweden 2015 oo qaxootiga badan uu dalka soo gaarey, isla markaana diidmada ku helay dalabkoodii magangelyo doon ayaa kadib deggenaansho ka heley dalka Faransiiska oo ey  magangelyo ka codsadeen. Cali oo dhalinyaradaa ka mid ahaa ayaa hadda ku nool magaalada Marseille. – Waxan saddex jeer diidmo ku heley Iswiidhen oo iskuulkii aan ka haray.

Covid-19 oo fududeeyay hab-isticmaalka aalladaha dijitaalka

Mon, 13 Jul 2020 12:06:00 GMT+2

Warbixin cusub oo ay soo saartay hayadda caalamiga ah ee Qaramada Midoobay (FN) ayaa sheegtay in Sweden ay ku jirto kaalinta lixaad ee adduunka marka laga hadlayo xagga internetka. Warbixintan ayaa laga sameeyey 193 waddan. Denmark ayaa ugu horreeysa, waxaa ku xigga Koonfurta Kuuriya, Estonia, Finlaand iyo Australia. Sweden ayaa ku jirta kaalinta lixaad, marka laga hadlayo xagga dijitaalka.

Shirkadaha ku howlan tallaalka covid-19 oo eed loo jeediyey

Mon, 13 Jul 2020 12:06:00 GMT+2

Waxa soo shaac baxaya dhaleeceyn loo jeedinayo shirkadaha ku howlan tallaalka covid-19 taasoo la xiriirta iyagoo doonaya iney wakhti yar ku soo saaraan tallaalka looga hortagayo cudurka safmarka. Jorma Hinkula, barafasoor ka howl-gala jaamacadda Lindköping kuna takhasusay cilmiga fayraska ayaa sheegay iney khatar ka iman karto haddii lagu deg dego soo saarida tallaalka.

Deegaankii ku meel gaarka ahaa oo xiisihii la filayey aan yeelan

Mon, 13 Jul 2020 11:15:00 GMT+2

Qiyaastii 60 qofood oo badankood aaney soo buuxin shuruudihii laga filayey ayaa iska diiwaan geliyey deegaanka ku meelgaarka ah ee loo qoondeeyey in lagu badbaadiyo dadka u dhegaha nugul fayruska corona oo ey ka mid yihiin waayelka iyo dadka qaba xanuunnada kale ee nawaaxiga xaafadaha Järva. Benjamin Dousa, guddoomiyaha xaafadaha Rinkeby Kista ayaa sheegay in 60-ka codsigu ka yimid aaney xaafadda deggeneyn.

Kamaal: Soomaalidu faqooqooda uma haystaan cunsuriyad

Fri, 10 Jul 2020 19:02:00 GMT+2

Laba arrimmood ayaa iigu yaab badnaa afartii sannadood ee aan Sweden ku sugnaa, sida uu sheegay Kamaal Daahir Canshuur mar ay warreeysi la yeelatay laanta afka soomaaliga ee Raadiyaha Sweden. Kamaal Daahir Canshuur, ayaa ka tirsan guddiga u dooda xuquuqda dadka laga tirada badan yayhay, isagoona sheegay inay jaahilnimo ka tahay soomaalidu cunsuriyadda ey kula kacaan walaalahooda kale ee la midabka ah.

Geeridii Sh. Cabdiraxmaan oo dacwad laga gudbiyey

Fri, 10 Jul 2020 20:07:00 GMT+2

Sheekh Cabdirahmaan Sheikh Muxadiin Celi oo dhowaantan xanuunka covid-19 ugu geeriyooday magaalada Göteborg ayaa dacwad laga gudbiyey haddii aannu helin daryeelkii caafimaad ee uu u baahnaa xilli ku habboon, sida ay qortay idaacadda SVT. Waa su’aasha ay salka ku hayso baarista lex Maria oo ay  eegeyso hay’adda Kormeerka Caafimaadka ee magaceeda loo soo gaabiyo IVO.

Hindise lugu doonayo dhimista ciqaabta dhallinyaradda

Fri, 10 Jul 2020 18:17:00 GMT+2

Waxaa taagan dood ah in dhalinyarada da'doodu u dhaxayso 18  illaa 20 jir, lagu xukumi karo ciqaabta ugu daran ee sharciga marka ay galaan dembiyo culus. Halka ay muuqato soo jeedin arrinkan la xirriira oo ay dowladdu dirtay, sida ay sheegtay laanta wararka Ekot. Johan Forssell, oo ah afhayeenka arrimaha sharciga ee xisbigga 'Moderaterna waxa uu doonayaa inuu baabi'iyo dhimista dambiyada oo dhan.

Safiiraddii Sweden u fadhiday Shiinaha oo dembi lagu waayay

Fri, 10 Jul 2020 16:15:00 GMT+2

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday inay wax dembi ah ku wayday safiirkii hore ee Sweden u fadhin jirtay dalka Shiinaha, Anna Lindstedt. Kiiskan ayaa la xiriirey kulan sannadkii hore ka dhacay huteel ku yaala magaalada stockholm oo Anna Lindstedt ey kulan kula qaadatay laba ganacsato oo shiinees ah iyo Angela Gui Minhai oo uu dhalay nin iswiidhish shiinees ah oo xabsi uga jira dalka Shiinaha.

Gobollada Sweden ee u furan Norway oo la sheegay

Fri, 10 Jul 2020 14:04:00 GMT+2

Dowladda Norway ayaa maanta xog cusub kasoo saartay xaddidaadaha safarrada dibedda, gaar ahaan kuwa ku jira mandiqadda Schengen Zone ee qaaradda Yurub. Yeelkeede, dalka Sweden ayaa weli ugu jira liiska cas ee lama galaanka ah marka laga reebo 3 gobol oo kala ah Blekinge, Kronoberg iyo Skåne oo safri kara wixii loo gaaro 15-ka bisha Luulyo, waase inuu qofku halkaa ka diiwaan gashan yahay.

Safarrada dibadda oo saameyn ku yeelan kara bukaanadii Corona

Fri, 10 Jul 2020 13:37:00 GMT+2

Shirkadda gargaarka degdegga ee SOS ayaa waxay ugu baaqeeysa dadyowga horey sida xun ugu qaaday xanuunka Covid- 19 in ay la xiriiraan dhakhtaatiirta ka hor inta eeyan safarro u dibadda ah u ambabixin. Isla markaana la sameeyo wada tashi in aanay naftoodu halis ku galeyn.  SOS International waxaa leh dhowr shirkadood caymis oo waaween waxayna nidaamiyaan dhaawacyada ka dhaca safaradda dibadda.

Sweden oo lagu ammaaney maareeynta iskuullada ee covid-19

Fri, 10 Jul 2020 13:01:00 GMT+2

Dalal badan oo Yurub ah ayaa Sweden ku cambaareeyey qaabka ay u wajahday cudurka corona-ha, balse Sweden ayaa lagu amaanay sida ay u maareeysay iskuullada xannaanada carrurta (dagis-ka) iyo kuwa hoose oo aan la xirin. Iskuullada la xirey ayaa carruur badan u nugleysey go’doon, werwer iyo dhibaato guri, sida ku qoran sahan ay wada sameeyeen Shabakadda Yurub ee Arrimaha Carruurta iyo Unicef.

RASMI: Denmark oo xadka u fureeysa dadka Gobolka Skåne

Thu, 09 Jul 2020 16:54:00 GMT+2

Dalka Denmark ayaa laga bilaabo habeenimada sabtidu soo galeeyso furaya xadka uu la leeyahay gobolka Skåneland sida ay iminka faafisay hay’adda xakamaynta iyo ka hor tagga cudurrada faafa ee Serum Institut (SSI). Denmark ayaa horay u ogolaatay Västerboten, Kronoberg iyo Blekinge. Waxaa haatan liiskaas ku biiraya gobolka bulshada deggen Skåne. Waa in la caddeeyo inaad gobolka deggen tahay.