Sidee ayuu covid-19 raad ugu yeelanayaa xaaladayda nolosha?

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 23 4 2020

Dawladu waxay gaartay go’aamada loo baahanyahay si loo sahlo hawsha ah in la xadeeyo cudur faafinta faayraska cusub ee karoona. Iyagoo wada-shaqayn la leh hey’addaha dawladeed ee ay khuseyso ayay uga shaqaynayaan in laga hortago cawaaqibka cudur faafin ee gudaha bulshada.

Halkan waxaad ka helaysaa macluumaad la ururiyay oo ka yimi hey'ado dawladeed kuna saabsan sida xaaladaada nolosha uu raad ugu yeelan karo covid-19. 

Waxaa jiri kara qawaaniin cusub oo soo baxay iyo xiriirka lala leeyahay hey'addaha dawladeed iminka. Ka warhay macluumaadka ugu dambeeyay ee ku saabsan faafinta covid-19 iyo sida xaaladaada nolosha ay raad ugu yeelan karto.