Östergötlands län

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Östergötland waa gobolka afaraad ee Iswiidhan ugu weeyn, waxaana dagan 428 379 oo qof (2011). Halkaan waxaa ku yaalo baadiyo, magaalo weeyn, jasiirado yaryar iyo degaan jiqeeyd iyo jawi dhaqamaeed iyo shirkadeed oo kala duwan. Isku geeyn gobolka waxuu ku yaalo sadax iyo toban degmo.

Map of Sweden Created with Highcharts 10.2.1

Degmooyinka ku yaala Östergötlands län

Dooro degmada ah Östergötlands län ee aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka akhrisato xagga hoose

Xaalada guryaha

Degmooyinka-Östgöta waqtiga hada la jooga guri yari ayaa ka jirto ku dhawaad kalabarka xaafadaha-bartameed. Bardhigid la sameeyay oo lagu xisaabiyay guriyaasha la dhisay iyo isbedelka dadka degan, waxaa soo cadaatay in dadku uu ka sii badanaayo guriyaasha cusub ee gobolka. Hada bilaawnay in Östergötland ka aragno guri la'aan in ee soo koreeyso meelo awal suuqa guriyaasha dheerli tirid uu kala lahaay.

Wax soosaarka ganacsiga iyo shaqo bixiye

Shaqo-bixiyayaasha ugu weyn gobolkan waa gobolka oo leh qiyaastii 11 000 shaqaale ah, waxaa ku xigga degmada Norrköping oo leh qiyaastii 8 700 shaqaale ah iyo degmada Linköping oo leh qiyaastii 6 800 shaqaale ah. Shaqo-bixiyaasha baraayfadka ee ugu weyn gobolkan waa Saab Aerospace oo ku taala Linköping, Siemens Industries oo ku taala Finspång, Bt products oo ku taala Mjölby.

Jaaliyado iyo ururu bulshada rayidka ah

Maamulka gobolka Östergötland shaqadiisa waxaa ka mid ah arimaha isdhexgalka, halkaasi ee ku lee yahay doorka isku xariirinta iyo isku duwida arimaha qaabilaada qaxootiga iyo dib uu raacida oo ku socdo gobolka degmooyinkasa ee dhan sadax iyo toban. Waxaa socoto wadashaqeeyn firfircoon oo ka dhaxeeyso hey'addaha xukuumada, degmooyinka gobolka, shirkado iyo ururo samafal. Waxaa laga wada shaqeeynaa waa sidii buuxinta shuraada ee mustaqbalka uu wanaagsan loogu sameey lahaa muwaadiniinta gobolka, dadka caadiga iyo shirkadleeydaba, iyo dadka dalka ku cusuba.

Iskoolaad iyo waxbarasho

Jaamcada Linköping (LiU) waxeey ka mid tahay jaamacadaha iswiidhan ugu weeyn. LiU waxaa joogo ku dhawaad 27 000 oo arday, inta ka shaqaaleeysana waa ku dhawaad 3 900. Goobaha jaamacada Linköping waxeey ku yaalin Linköping iyo Norrköping, jaamacada waxeey muhiim uu tahay hormarka gobolka. Jaamacada LiU waxeey ka tirsan tahay jaamacadaha Iswiidhan ee soo bandhigo waxbarashooyinka xirfaha ee ugu badan tusaale ahaan, dhakhtar, macaliimiin, injineero iyo dhaqaalo yahan. Ayadoo jaamacada adeegsaneeyso xariirkeeda ee calaamiyeed, waxaa meesha lagu kala wada hoowlo badan oo ku saabsan arimaha kala badalka ardayda ee dalalka kale.

Gobolka Östergötland waxaanu leenahay bog intarnat oo gaar u ah adigaaga ku cusub Iswiidhan ee degan gobolka Östergötland. Boggan intarnatka wuxuu u shaqaynayaa sidii hagid loogu talogalay adigaaga doonaya inaad ogaato sida bulshada Iswiidhan u shaqayso iyo halka aad la xiriirayso markaad hayso su'aalo.

Daryeelka bukaanka

Gobolka waxaa ku yaalo sadax isbitaal, Isbitaalka Universitetssjukhet ee Linköping, Isbitaalka Vrinnevi ee Norrköping, iyo Isbitaalka ku yaalo Motala. Isbitaalka Linköping waxuu lee yahay 600 oo boos-daryeeleed, shaqaalaha dhaafaayo 5 000 waxeey sanadkasto qaabilaan 40 000 oo kala ah booqasho-bukaan ee ka socdo koonfur-bariga Iswiidhan. Isbitaalka Vrinnevi ee Norrköping, oo leh in ka badan 300 oo boos-daryeeleed iyo 2 200 oo shaqaale, waa isbitaal leh qaabilaad degdeg oo hoowlo balaaran leh. Isbitaalka ku yaalo Motala waxuu lee yahay in dhaafeeyso 100 boos oo daryeeleed iyo 1 100 shaqaale.

Dhaqan iyo waqtiga firaaqaha

Östergötland waxeey soo bandhigeeysaa soo bandhig dhaqaamed oo firfircoon hadana xiiso badan leh. Riwaayado, heeso, ciyaaro, soo bandhig, maktabad, filimaan, dabaaldag oo ka socdo dhaqan abuure badan ee ku jiro qeeyb kasto. Iswiidhan waxeey lee dahay jawi urureed oo xoog leh. Ururada waa hey'addo ee kala wadan dadka ka tirsan. Ururada waxaa ka mid ah kooxo-isboorti, ururo dhaqameed iyo ururo shaqo. Sido kale waxaa jiro ururo badan oo aad kula kulmi kartid dad badan oo ka yimid meelo kala duwan ee caalamka ku yaalo. In ka mid ah ururada waxaad ka heli kartaa machadka soo galooytiga.