Xaalada guryaha
Dadka Stockholm dagan sanadyadii ugu danbeeyay si dhaqso badan ayee uu bateen, guri-yarida waa mid xaqiiqo ka ah gobolka degmooyiinkiisa oo dhan. Dhisida guriyaasha waa badatay laakin in ku filan ma noqon, taasi oo mecno noqotay in cariiriga gudaha guriyaasha uu yahay mid gobolka Stockholm uu uga badan yahay gobol kale ee Iswiidhan ku dhexyaalo. Sido kale guri-yarida waxeey keentay in qiimaha-sicirka filooyinka iyo guriyaasha milkiyada ee dhaqso kor ugu kaceen, iyo in safka guriyaasha la kireeysto uu sii dheeraanaayo, waa safka laga galo xafiiska dalaalka guriyaasha degmadeed oo gobolka laga wada lee yahay.