Xiriirka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/8-2023

Haddii aad hayso su'aalo ku saabsn bogga intarnatka Informationsverige.se waxaad ka heleysaa macluumaadka la xiriirka halkaan.

Halkan bogga intarnatka ee ku jira waxaa loogu talogalay in uu kuu fududeyo adiga ku cusub iswiidhan. Haddaad hayso su'aalo sida ay Iswiidhan u shaqeyso ama tusaale ahaan sidii aad u dalban lahed magangelyo waxaa qasab ah inaad weydiiso su'aalaha xafiiska dowlad ee su'aalahaas ka mas'uulka ah.

Yaa ka jawaabi kara su'aalaheyga?

Su'aalaha khuseeya magangelyada, hijrada , ogolaanshaha shaqada, sharciga iyo kuwo badan waxaa su'aalahaas la weydiinayaa hey'adda socdaalka. Iswiidhan waa hey'adda socdaalka dowladda baareysa codsiyada ee ka yimaada dadka raba iney degaan iswiidhan, ama soo booqda, ama raba magangelyo ayagoo ka cararaya dabagal ama raba iney helaan dhalasho iswiidhish ah.

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan inaad dalbato shaqo, caawinaad la qabsi, iyo kuwa kale waxaad la xiriireysaa xafiiska shaqada.

Ma rabtaa inaad wax badan ka ogaato hagidda bulshada ee dadka soo galootiga ee qaxootiga cusub ama luqada iswiidhishka ee qaxootiga waxaad u baahan tahay inaad la xariirto degmadaada.

Ma u baahantahay inaad wax badan ka ogaatid qarashka la qabsiga iyo bixinta waxaad la xariireysaa Qasnada ceymiska.

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan nambarka shaqsiga, caddeynta shaqsiga, ama diiwaan gelinta dadka waxaad la xiriireysaa wakaalada canshuuraha.

Haddii aad hayso su'aalo ama talo soo jeedin khuseysa waxa ku jira boggagan intarnatka ama aad la kulanto dhibaato farsamo waa inaad nagala soo xiriirto dhanka Informationsverige.se. Waxaan ka jawaabi karnaa keliya mailka ku qoran iswiidhishka ama ingiriisi.