Eda

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Eda waxeey sid qurxoon ugu taala galbeedka Värmland. Degmada waxeey ku taala xuduuda iswiidhan-noorweey markii loo soo gudbo, taasi oo hab fiican uu saameeysay dhismaha degaanka oo ka mid tahay ganacsi-xududeed oo sii fiican uu hormarsan.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

8572

Cabirla dhulka

895 kiilomitir oo laba jibaaran

Degmooyinka iswiidhisheed ee dariska nala ah waa Arvika iyo Årjängs, dhanka galbeedkana waxaa naga jirto Norwaay. Degmada Eda waxeey ka kooban tahay Eda, Järnskog, Köla iyo Skillingmark, waxeeyna lee dahay dad gaaraayo tiradooda 8 500 oo qof. Charlottenberg waa xaafada ugu weeyn degmada. Meelaha kale waa Koppom iyo Åmotfors.

Deegaan

Halkaan waxaad ka dooran kartaa in aad dagto guri dabaq ku yaalo ama filo, ee gudaha xaafadaha ama baadiyaha. Shirkada degmada lee dahay ee Eda Bostads AB waa maamulaha guriyaasha ugu eeyn ayadoo leh in ka badan 836 guri oo ku wada yaalo degmada oo dhan. Sido kale waxaa jiro guri kireeyaal madaxbanaan oo ku yaalo Eda.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Waxaa jiro dad badan oo luuqado kala duwan ku hadla, joogana Eda. Waxaa halkaan tusaale ahaan looga hadlaa afka noorwaay, afka danishka, afka jarmal, af carabi, af soomaali, afika iraan, afka turkiga iyo tigrinya.

Jaaliyado iyo ururu

Degmada Eda waxaa ku taalo in dhaafeeyso 150 ururo oo shaqeeyo. Halkaan waxaa ku yaalo ururo caruur iyo dhalinyaro, ururo oo heeysto goobo, ururo dhaqameed, ururo wabxarasho, ururada hoowl gabka iyo ururo kale sidii urur ee wada lee yihiin dadka dhulka ku leh daabiyad iyo kuwo kale. Sido kale waxaa jiro ururo badan oo kala dowan ee dhanka isboortiga halkaasi oo tusaale ahaan laga ciyaaro kubada cagta, ciyaarta hockey ee barafka, ciyaarta tenniska miiska, ciyaaraha barafka la raaco iyo toobarko liishka. Sido kale ururada kala duwan ee kaniisadeed waxeey ururo ku lee yihiin meelo badan oo ku dhex yaalo degmada.

Dad u dabaaldagaya bartamaha xagaaga. Caruur iyo dad waaweyn oo ku daansaya geedka bartamaha xagaaga wareegiisa.

Maxaa ka ag dhaw

Xafiiska dad weeynaha iyo xafiiska bulshada waxeey ku yaalin Charlottenberg, sido kale isla halkaas ayee Eda Bostads AB ku lee dahay xafiiskeeda. Xafiiska qaabilaada qaxootiga iyo sfi waxeey ku yaalin Åmotfors. Kupan oo ay laanta cas ku dhex wada Åmotfors, waxaa laga adeegan karaa alaabta gacan labaadka. Maktabad, banki, goob isboorti iyo dukaamada cuntada dhamaantooda waxeey ky yaalin sadaxda xaafad ee degmada Chalottenberg, Koppom iyo Åmotfors.

Bartamaha Charlottenberg xilli ah maalinta Charlottenberg oo uu ka socdo ganacsiga suuqa. Saddex haweenay ah waayeel oo fadhiya oo ku qaxweynaya cadceeda ee banaanka maqaaxida kafeega.

Waxaa jirto xarunta iibsiga iyo janiinada ganacsiga oo ku ag taalo jidka soo galo Charlottenberg, sido kale halkaan waxaa ku taalo goob-barafeed oo leh goobta toobarshada liisha. Valfjället waxaa lagu raaci karaa ciyaaraha barafka ee dheerka iyo kuwa tartiib loogu socdo mudada barafka. Noresund waxaa ku taalo goob golf oo leh 18-duleed, hareerana wabiga qurxoon ee Hugn.

Goob lagu dabaasho oo yar lehna doonyo yar yar iyo fursada in wax lagu dubto.

Dalyeelka carruurta

Degmada Eda waxeey lee dahay in badan oo ah dugsiyaal xanaano iyo guri maalmeedka reereed oo loogu tala galay caruurta uu dhaxeeyo 1-5 sano (ama inta uu canuga ka bilabaayo fasalka ebaraadka ama iskuulka). Xarunta reerka ee Charlottenberg waxeey goob-kulan uu tahay waalidka leh caruur uu dhaxeeyo 0-6 sano, halkaasi oo adiga waalid ah ama waalid noqon rabo la kulmi kartid reer kale oo caruur leh. Xarunta-reerka "Famnen" waa wada shaqeeyn ka dhaxeeyso daryeelka caafimaadka hooyoyinka, daryeelka caruurta, dugsi xanaanada furan iyo xafiiska adeega bulshada.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Dugsiyaal hoose ayaa ku yaalo Charlottenberg, Åmotfors, Koppom, Adolfsfors iyo Skillingmark. Dugsiga Gunnarby ee Charlottenberg iyo dugsiga Hierne ee gudaha Koppom waxeey lee yihiin oo kale fasalada dhexe. Iskuuladana waxaa ku yaalo guriga xilliga firaaqada oo loogu tala galay caruurta uu baahan xanaaneeyn iskuulka. Sido kale degmada waxaa ku taalo dugsiyaal sare ee kala duwan.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waa weeyn ee Eda waxeey ka kooban tahay sfi iswiidhiska loogu tala galay ajnabiga, labo waxbarsho shaqadeed iyo waxbarashada asalka iyo dugsiga sare ee dadka waa weeyn. Sido kale qofka markii uu dalka ku cusub yahay waxuu xaq uu lee yahay in uu dhigto barashada-bulshada taasi oo inta badan lagala shaqeeyo sfi-ga.

Caafimaadka

Rugta caafimaadka Eda waxaa tagi kartaa markii aad baahi ugu qabto talobixin ama daryeel-dhakhtareed.

Xarunta reerka ee Charlottenberg waxaa ku taalo rugta caafimaadka hooyoyinka iyo rugta caafimaadka caruurta. Haddii loo baahdo daryeel degdeg xilli habeen ama maalmaha fasaxa waxaa la tagi kartaa qaabilada degdeg ee isbitaalka Arvika, ku dhawaad 2 mayl uu jirto Åmotfors. Daryeelka ilkaha ee dad weeynaha waxeey ku taala Åmåtfors. Sido kale dhakhtar-ilko oo madaxbanaan ayaa degmada ka jiro.

Caawinaad turjubaan

Maadama ee muhiim tahay in aan is fahamno waxaan adeegsaneeynaa turjumaan markii aan uu baahano. Waxeey ku saabsanaa kartaa arintu shaqo, iskuul, booqasho xafiis dowladeed ama daryeelka caafimaadka. Turjumaanka badana waxuu ku jiraa khadka talefoonka. Turjumaanka la adeegsnaayo waxuu lee yahay sir xafidid, waxuuna turjumaa wax kasto oo laga sheego wada hadalka.

Xiriirka gaadiidka

Degmada Eda waxaa maro jidka qaranka ee 61 oo markii la dhaafo xuduuda noorweey noqonaayo riksvei 2. Jidka qarameed waxaa ag maro jidka tareenka oo Värmland ku dhexmaro Karlstad, Arvika, Åmotfors. Boosteejada tareemeed ee ugu danbeeysana inta aan la gaarin xuduuda Noorway waxaa ku taalo Charlottenberg. Ku oolida inta uu dhaxeeyso Stockholm-Oslo waxeey uu mecna lee dahay xariir fiican ee ku socdo labada magaalo madax.

Värmlandstrafik, oo ay mulkiile ka yihiin degmooyinka iyo gobolkan Värmland ayaa mas'uul ka ah gaadiidka dadweynaha. Marka laga tago Eda waa qiyaastii 10 miil ilaa iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ee Oslo Lufthavn (Gardermoen) kuna yaala Noorway. Qiyaastii intaas in leeg ayuu u jiraa garoonka diyaaradaha ee Karlstad kaas oo leh duulimaadyo dalka gudihiisa ah iyo duulimaadyo gaar loo kireysto.

Shaqo iyo ganacsi

Degmada waxeey lee dahay ku dhawaad 1500 goob-shaqo. Uu dhawaanshaha xududda Norweey waxeey keeneeysaa ganacsi firfircoon oo leh dukaamo iyo xarumo-adeeg. Halkaan waxaa ku yaalo warshadooyin badan oo weeyn sidii tusaale ahaan Fundo Components AB, Norma Precision AB och Nordic Paper Åmotfors AB. Shaqooyinka waxeey ku jiraan daryeelka, iskuulada iyo xanaaneeynta carurta.

Degmada waxeey sanadkasto abaabushaa sanadkasto koorsooyin-gooni uu furo oo wax yaalaha uu ka kooban yahay ka mid yahay aqoonta sharciyada, suuq galinta iyo maamulka. ALMI företagspartnet Värmland waxeey talo uu heeysaa ganacsadayaasha ajnabiga ah oo rabo in ee shirkad furtan ama shirkada ka gataan dalka Iswiidhan.