Östersund

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Gudaha Östersumd nolasha waa ka raxeeysanaa sanadka oo dhan. Lakin xilliga jiilaalka dad badan aa uu arka in uu yahay waqtiga sanadka ugu fiican. Halkan waxa laga helaa in badan caawinaayo tayda nololeed, iyo in la fiicnaado. Magaada xoogaay ee weeyn tahay, waxeeyna lee dahay jawi nolol leh iyo soo jidasho leh.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

63484

Cabirla dhulka

2502 kiilomitir oo laba jibaaran

Masafaduyeenka uu jirto shaqada, iskoolka, iyo adeega, sido kalena meelaha lagu raaxeeysto iyo howlaha xiliga firaaqad, waa masaafad dhaw. Taaso oo keeneeyso fursad lagu helo hab-nololeed leh waqti dheeraad ah si runt loo noolaado.Taasi waxaa ku dartaa habenada jilaalka oo iftin leh iyo xagaaga sax ah oo baraf badan wato.

Deegaan

Gudaha Östersumd waxaa ku yaalo guriyo iyo shirkado nuuc badan oo kala duwan. In kale oo ku saabsan guriyada iyo shirkadaha kala duwan bogga degmada.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Gudaha Östersund waxaa ku yaala dad loqaduyen kala duwan ku hadla waxana uu ween carabi, somali, af tigrinya, af thayland, af faarisi, af swaaxili, af ingriis, af faransiis, af isbaanish, afka waqooyiga-kurdiga, afka shiinaha iyo afka burma.

Jaaliyado iyo ururu

Östersund waxeey qani ka tahay howlo urureed oo leh ku dhawaad 500 oo urur, nuucyo kala duwan sidii ururada-isboortiga, ururada-howlaha dibada, ururada soo galooytiga, ururada dhaqanka, hey'addaha samafalka, ururada howlgabka iyo kuwo kale. Waxaa jiro ururo diimeed oo kala duwan, kaniisado iyo hal masaajid. Bogga degmada waxaad ka dhex raadin kartaa ururada diiwaangalsan.

Maxaa ka ag dhaw

Gudaha Östersund waxaa ka heli inta badana waxa aad uu baahnaa kartid. Xafiiska shaqada, Qasnada caymeska, xafiiska canshuuraha, adeega isdhexgalka, maktabada, xafiska buulshada, dukamo badan ee bartamaha magaalada iyo carwo ku taalo magalada banankeda. Haddii la raboo adeeg dukaamo-gacan-labaad, kuwa badan oo soo bandhigaan ayaa jiro.

Mawjad daawadayaal ah iyo masrax leh shaashada sawirada ee weyn ee magaalada.

Dalyeelka carruurta

Xanaanada-caruuraha waxeey ku taala degmada ayadoo leh dugsi xanaaneed, xanaaada guri reereed, goobta xilliga fiiraqada, howl xanaano oo furan iyo xanaanada furan.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada Östersund waxaa ku yaalo 26 dugsi hoose ee degmayada maamusho iyo dugsiyo kale oo gaar ah (baraayfat) lehna barnaamijyo iyo astaamo kala duwan, tusaale ahaan, isboorti, howlaha farshaxanka, waldorf iyo wax la mid ah. Degmada dugsiyadeeda sare ee kala duwan waxeey ka tirsan yihiin Dugsi sare ee Jämtland, waxaana jiro sadax dugsi sare oo gaar ah. Sido kale waxaa jiro dugsi sare ee degmadeed iyo gaar ah oo ah mid dhaqaameed oo loogu tala galay qofka jecel in uu barto qalabka-heesaha, jilaynimada masraxa riwaayadaha iyo howlo kale oo ku saabsan abuurid.

Furadaha waxbarasho

Dadka waa weeyn fursado waxbarasho oo badan ee ku lee yihiin Östersund. Xarunta waxbarashada waxeey lee dahay mas'uuliyada oo la soo koobay, oo loogu tala galay waxbarashada dadka waa weeyn ee Östersund. Östersund waxaa ka jiro qeeybo kala duwan oo soo bandhigo waxbarashada-dadka waa weeyn. Sido kale Jamacada Mitt intee ku taalaa, Östersund in yar oo ka baxsan waxaa ku yaalo dugsi dadka waa weeyn ee Birka.

Akhri dheeraad ku saabsan waxbarashada dadka waaweyn oo ku qoran:

Caafimaadka

Östersund waxeey lee dahay ruggag caafimaad oo badan, rugta caafimaadka ee hooyooyinka, rugta caafimaadka ee caruurta, dhakhtarka ilkaha. Hal isbaatal oo dowladeed ayaa jiro iyo kuwa kale oo gaar ah.

Caawinaad turjubaan

Haddii uu baahan tahay turjumaan markaad la xiriirayso hey'addaha dawladeed, degmada iyo maamulka gobolka markaas waad helaysaa.

Xiriirka gaadiidka

Östersund waxaad uu raaci karta, kana soo raaci kartaa bas, tareen iyo diyaarad. Gaadiid baseed ee degmada lee dahay oo sii fiican uu dhisan ayaa jiro. Sido kale Östersund waxeey ku dadaleeysaa in ee lahaato jid-socod iyo jid-baaskiil.

Shaqo iyo ganacsi

Östersund waxaa ka jirto howlo-firfircooneed, jawi-shirkadeed iyo kalsooni-mustaqbaleed, degmadana maalgalin badan ee galisaa hormarinta suuqa shirkadaha. Shirkadaha ku yaalo degmada waa kala duwanyiihiin; laga bilaabaa washada-sameeynta ilaa shirkadaha cilmiga, adeega iyo dalxiiska.

Xafiiska degmada ee shirkadeeynta waxuu kuugu caawinkaraa shirkad-gaar-uu-waadida.

Sido kale waxaa booqan kartaa Xafiiska-shaqada ee Östersund ama ka dalban kartaa shaqo bogooda internetka.