Strömsund

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/10-2022

Degmada Strömsunds oo leh ku dhawaad 12 000 oo qof waa meesha uu haboon qofka ka helo hab-nololeed oo firfircooni ku jirto isla marlaana rabo in uu dhawaada adeeg degmo oo sii fiican uu dhisan, daryeel waayeel oo fiican iyo fursado waxbarsho oo fiican.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

11706

Cabirla dhulka

11781 kiilomitir oo laba jibaaran

Baabuur guduud ah oo ku sii socda Strömsund oo dhaafaya tabeelaha jidka oo ay ku qorantahay magaca Iswiidhishka iyo ka afka Saamiska, Straejmie.

Halkaan shuruuda uga xiran kobcinta waa ku degan uuna fiican caruurta, xaafadaha dhisan waa kuwo yaryar oo wanaagsan, waxaana lagu soo bandhigaa wax yaalaha ugu badan oo loo baahan yahay. Ku soo dhawaaw in aad naga mid noqoto!

Deegaan

Strömsunds Hyresbostäder waxeey heeysaa guriyaal oo ku yaalo lix xaafado gudaha degmada. HSB iyo Riksbyggen waxeey ku soo bandhigi karaan guriyaal milki oo ku yaalo Strömsund iyo Hoting. Sido kale waxaa jiro guri kireeyaal madaxbanaan gudaha iyo banaanka xaafadaha Strömsund.

Guri jaajuur ah oo jaale ah, ahna saddex dabaq oo lehna balakoonyo cadaan ah.  Roog doog ah oo xaga hore ka muuqda.

Degmadeena waxaa fursad ugu lee dahay in aad guri baadiyaha ku yaalo ku hesho sicir fiican, filooyin leh heer sare waxaa lagu gadan karaa labadoo boqol oo kun karoon. Sido kale halkaan qofka aan lacag badan soo galin, waxuu habeeysan karaa guri ayadoo ee lacag uu soo hareeyso oo wax yaale kale ku isticmaalo. Tani waa isla marka aad qeeyb ka heli kartid ka helida yar ee degmada ayadoo ah hab xariir, jawi-urureed iyo xariir bulsho.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Koox-luqadeedka ugu weeyn waa af daari/afka iraan, afka uzbekistan, afka ruushka, af tigrinya, af carabi, afka burma, af soomaali, af oromo laakin sido kale halkaan waxaa laga helaa dad ku hadlo afka thayland, af jarmal, afka hooland, af ingriis, afka isbaayn iyo af fransiis.

Jaaliyado iyo ururu

Haddii aad dooneeyso in aad ka qeeyb qaadato jawiga urureed waxaa kala jiro ururo badan oo ka firfircoon meelo badan oo kala duwan. Waxeey ahaan kartaa hab fiican oo loo galo bulshada iswiidhan, xariir cusub lagu helo iyo luuqada lagu barto. Laga yaaba in aad lee dahay awood xirfadeed oo la qeeybsan karto qofka kale oo ku jiro urur?

Gabar ka tirsan kooxda Strömsunds IFK oo bakayle timo dheer tusaysa laba gabdhood oo xijaaban.  Gabdho salaaxaya bakayle.

Maxaa ka ag dhaw

Degmada waxeey lee dahay shan xaafado, Strömsund, Hammerdal, Backe, Hoting iyo Gäddede. Waxaa ku yaalo xaafadahaan oo ka mid ah dukaan raashin, biibito, maqaayado, farmashiye, banki, dukaan dhar iyo dukaamo kale oo waxyaalo yaryar gad. Sido kale maktabad iyo baanan-iibsi waa laga helaa meesha. Bulshada gudaheed waxaa ku yaalo oo kale goobo-isboorti, goobo dabaal iyo goobo barafeed.

Sawir xilliga xagaaga oo ah dekada doonyaha yar.  Meel biyo ka soo burqayaan banaanka.

Dalyeelka carruurta

Degmada Strömsund waxaa laga hela dhaqdhaqaaqa dugsiyada xannaanadda oo aad u tiro badan. Degmada waxaa ku yaalaan dugsiyada xannaanadda oo tiro badan. Badidooda Dowladda hoose ayaa maamusha. Kuwa kale waxaa maamula iskaashada waalidiinta, sida Hallviken ku yaallo koonfurta degmada Strömsund iyo mid kale ku yaallo degmada Ulriksfors, shan kiilomeeter degmada Strömsund u jirta. Degamada Strömsund waxaa kaloo laga hela xannaanadda loo yaqaanno (dagbarnvårdare).

Bulshadaha xooga weeyn ee gudaha degmada, waxaa lagu soo bandhigaa xanaaneeyn caruur iyo dugsiga xanaanada caruurta, qofkii uu bahaan sido kale waa jirto fursad lagu helo xanaaneeyn caruur oo xilliga fiidka, habeenka iyo maalmaha fasaxa. Warbixin dheeraad oo ku saabsan xanaanada caruurta waxeey ku jirtaa bogga degmada.

Goob ciyaar oo leh halka laga soo siibto, meel la koro iyo leexooyin.  Gabar iyadoo taagan ku leexaysanaysa leexo roosa ah oo saaran leexo weyn oo wareegsan.

Strömsund waxaa ku yaalo Xarunta reerka, howl furan oo waalidka iyo caruurta uu soo bandhigeeyso in isla kulmaan oo hoowlo ee isla wada qabtaan. Halkaas waxaa joogo macalimad dugsi xanaano oo hoowsha qorsheeyneyso. Halkaan rugta caafimaadka hooyoyinka iyo rugta caafimaadka caruurta waxeey ku soo bandhigaayaan babayöppet, koorsooyin kala duwan iyo daliiginta-canuga. Xarunta reerka waxaa kale oo soo booqdo nadaafiyaha-ilkaha iyo shaqaalaha maktabada ee caruurta.

Ururka diineed ee Strömsund waxuu soo bandhigaa "Kyrkis" – waa howl furan oo loogu tala galay caruurta iyo waalidka. Sido kale waxaa lagu soo bandhigaa meelo badan oo ku yaalo degmada, waxaa ka mid ah Hoting iyo Kyrktåsjö.

Dugsiyada hoose-dhexe iyo dugsiyada sare

Degmada dhul ahaan waa weeyn tahay, halkaan waxaa ku yaalo todobo meelo-maamuleed oo leh toban dugsiyaal hoose iyo hal dugsi oo madaxbanaan. Strömsund waxaa ku yaalo halka dugsi sare ee degmada o leh barnaamijyo dugsi sare ee kala duwan iyo waxbarashada dadka waa weeyn. Iskuulka waxuu wadashaqeeyn dhaw la lee yahay jawiga shirkadeed, waana mid college loo aqoonsan yahay daryeelka iyo xanaaneeynta iyo farsamada-college. Sido kalena halkaan ayaa wax lagu baraa dhaqalayahanka-dugsi sare oo shahaado uu wato. Sido kale Strömsund waxaa ku yaalo dugsi sare Skytte, waxbarasho isboorti ee qarameed.

Dugsiyaasha hoose ee degmadadeed waxeey ku yaaliin Hammerdal, Strömsund, Jormvattnet, Gäddede, Hoting, Kyrktåsjö iyo Backe.

Furadaha waxbarasho

Gudaha degmada Strömsund dadka waa weeyn dhamaantood waa ku hormarin karaan, badi karaan awoodada xirfadeed ayagoo dhameeystiraayo waxbarasho hore ama ayagoo dhiganaayo waxbarasho cusub. Qofka ardayga waxuu kashan karaa shaqaalaha jiheeynta oo ka caawin karo in la sameeyo qorsho-waxbarasho. Waxaan soo bandhigeeynaa:

  • Iswiidhishka loogu tala galay ajnabiga, sfi
  • Waxbarashada dadka waa weeyn ee gaarka ah
  • Waxbarashada dadka waa weeyn ee asasaasiga ah
  • Waxbarashada dugsiga sare
  • Waxbarashada sare ee shaqada Qalabka hawada ee korantada
  • Waxbarasho ku socoto howlo la soo codsaday
  • Waxbarshada xirfadaha ee dadka waa weeyn

Caafimaadka

Ruggaga caaafimaadka ee maamulka gobolka maamulo waxay ku yaaliin Strömsund, Gäddele iyo Backe, halkaas oo lagu bixiyo daryeel dhakhtar, caafimaadka harooyinka (MVC) iyo caafimaadka caruurta (BVC). Qaabilaada degdega waxeey ku taala Strömsund.

Strömsund waxaa ku taalo xarunta reerka, waa goob kulan oo loogu tala galay waalidka iyo caruurta. Halkaan dadka waa weeyn waxeey taageero ugu heli karaan doorkooda waalidnimo. Halkaan waxaa lagu so bandhigaa MVC iyo BVC iyo babyöppet, daliiginta-canuga iyo koorsooyin yaryar oo maadooyin kala duwan ah.

Nya Närvården waa daryeel bixiye oo madaxbanaan kuna yaalo Strönsund, Hoting iyo Hammerdal. Dhakhatiiro ma ahane, waxaa laga helaa kalkaalisada jimcisiga bukaanka, la taliye iyo umiliso oo loo wada tagi karo.

Dhakhtarka ilkaha waxaa laga helaa Hammerdal, Strömsund, Hoting iyo Gäddede, gudaha Strömsund waxaa laga helaa oo kale dhakhtar ilko oo gaar ah.

Caawinaad turjubaan

Markaad la xiriirayso dhamaan hay'adaha dowlada, degmada, iyo daryeelka caafimaadka waxaad xaq u leedahay turjubaan hadii aanad ku hadli karin ama aanad fahmaynin luqada iswiidhishka. Taana waa in hore laguugu sii balammiyo si arintaaka aad u hesho.

Xiriirka gaadiidka

Gaari

Strömsund waxaa si sahlan loogu tagi karaa gaari gaar ah. Strömsund waxeey ku taala E 45 kadibkiis, 100 kilomitir waqooyiga Östersund. Safarka gaariga waxuu qaadana ku dhawaad hal saac iyo bar.

Haddii Stockholm laga soo baxo waxuu qaadana ku dhawaad sideed sacaadood in lagu soo wado 600 oo kilomitir oo ah masaafada dheer ee jirto Strömsund.

Duulimaad

Goobta duulimaadka Åre/Östersund, waxeey ku taala hal saac iyo bar oo gaari looga soo raaco Strömsund. Maalin kasto ayuu dilimaadka Stockholm ku socdo, kana socdo duulaa, safarka duulimaadka waxuu qaataa hal saac.

Goobaha duulimaadka Östersund iyo midka noorweey ee Röros sido kale waxaa loo isticmaala dulimaadyo oo si gaar ah loo kireeystay. Sido kale goob duuilmaad ayaa ku taalo Kramfors iyo Vilhelmina oo Strömsund uu jirto 150 kilomitir.

Tareen

Boosteejada-tareenka waxeey ku taala Östersund ayadoo leh basas tago Strömsund. Xilliyada xagaaga waxaa la raaci karaa oo kale Inlandsbanan.

Bas

Xariir baseed oo sii fiican uu dhisan ayaa jiro oo uu dhexeeyo Strömsund iyo Östersund iyo Umeå.

Haddii aad dooneeyso in aad Stockholm tagtid, Ybuss waxeey soo bandhigeeysaa basas maalinkasto ka baxo Östersund.

Shaqo iyo ganacsi

Ma lee dahay shirkad ama ma ku riyooneeysaa in aad shirkad gaar ah furato? Gobolka Strömsund waxaa ku yaalo ku dhawaad 1 100 shirkad, boosna waa loo hayaa shirkado kale iyo ganacsadayaal kale. Haddii aada heeysan fikrad ganacsi oo gaar ah, waxaa laga yaaba in aad hami uu heeyso in aad gadato shirkad hada jirto oo aad adiga sii wada karto oo aad sii hormariso?

Jawiga ganacsiga ee gudaha waxaa lagu yaqaana firfirconi xoog leh ee dhanka gudaha iyo ganacsadayaal badan oo hoowshooda ku fiican. Laamo badan ayaa jiro, laakin xooga waxuu saaran yahay shubka, farsamada mashiinada, geedaha iyo dalxiiska. Shirkada in badan oo ka mid ah waa shirkado hal qof uu lee yahay, laakin sido kale waxaa jiro shirkado sii weeyn oo suuqa uga horeeyo laamanka ee ka hoowl galaan.

Fa'iidada ku jirto in shirkad laga wado degmada Strömsund, waxeey tahay in halkaan waxeey lee dhay fursado fiican oo shaqaale lagu helo, qarash hooseeyo iyo fursado looguhelo beey'ad aan laheeyn stress.

Shaqo bixiyayaasha ugu weyn waa degmada oo leh 1200 oo shaqaale ah, kadib waxaa ku xiga maamulka gobolka caafimaadka. Shirkadaha gaarka ah waxaa ka mid ah shirkada farsamada engcon, SCF Betongelement iyo Ageris Strömsund oo ah shaqo-bixiyaasha ugu weyn.