Hab-dhishka doorashada Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Asaaska bulshada demoqraaddiyada waa in aan ku dooran karno doorasho guud dadka aan wakiilaneeyno. Doorashadu waa muhiim maadama ee gaar ahaan shacabku saameeyn ku yeelan karo siyaasada dalka.

    Doorashada guud

    Waxaa jirto afar nuuc ee ka mid ah doorashada guud:

    • Doorashada barlamaanka
    • Doorashada hogaamiyayaasha maamulka gobolka -/goleha gobolka
    • Doorashad goleha degmada
    • Doorashada barlamaanka Yurub

    Dadka codeeyo waxeey dooranaayaan xisbi isla markaana waxeey dooran karaan mid ka mid ah dadka is soo sharaxay oo ka tirsan waraaqada-codeeynta. Dabcan waa loo codeeyn karaa xisbiyo kala duwan marka laga qeeyb qaadanaayo doorashooyinka kala duwan.

    Hab-dhiska doorashada Iswiidhan waa mid barbardhac ah. Taasi mecnaheed waa xisbiyada in goleha uu dirinayaan wakiiloyaal ayagoo loo bardhigaayo inta cod ee heleen.

    Doorashada guud ee barlamaanka, goleha gobolka iyo goleha degmada waxaa la qabtaaafartii sanaba hal mar oo bisha sibteembar ah. Doorashadaan waxaa la qabtaa isla hal maalin. Doorashada barlamaanka yurub waxaa la qabtaa shantii sanoba hal mar, sida caadiga ahna waxaa la qabtaa bisha juun.

    Afti ka qaadista dadweynaha

    Afti ka qaadista dadweynaha waxeey siyaasiyiinta qaranka, gobolka ama degmada siineeysaa fursad ee ku gartaan aragtida shacabka ee ku aadan arrin siyaasadeed. Iswiidhan waxaa lagu qaban karaa aftiyo kala duwan oo dalka dhan khuseeyo: afti ka qaadista dadweynaha ee ku saleeysan talo-siin iyo afti ka qaadista dadweynaha ee ku saleeysan ariin distoor. Agtiga ku saleeysan talo-siinta ma ahan mid siyaasiyinta ku qasban yihiin in ee raacan. Siyaasiyiinta waxeey gaari karaan go'aan ka soo horjeeda natiijada aftiga. Aftiga ku saleeysan arrin distoor waxaa lala qabta doorashada barlamaanka, wana mid ee ku qasban yihiin siyaasiyiinta in ee raacaan. Laakin Iswiidhan waligeed laguma qaban aftiga ku saleeysan arrin distoor.

    2003dii ayaa Iswiidhan lagu qabtay aftigii ugu danbeeyay. Waxeey waagaas ku saabsaneeyd haddii ee Iswiidhan lacagteeda ee kronor uu badaleeyso lacagta yurub ee euro. Shacabka Iswiidhan waxeey ku codeeyeen maya. Heerka degmooyinka waxaa hal ama dhowr degmo lagu qabtaa afti ku saleeysan talo-siin. Afti ka qaadis dadweyne waxaa la sameynaa haddii boqolkiiba 10 dadka codka bixin kara eey codsadaan. Aftidaas lama qaadi karo haddii saddax meelood laba meel golaha degma ama gobolka eey diidaan.

    Xaqqa-codeeynta

    Waxaad xaq uu lee dahay in aad uucodeeyso barlamaanka Iswiidhan haddii aad tahay muwaadin iswiidhish ah isla markaana aad da'dadu tahay ugu yaraan 18 sano.

    Waxaad xaq uu lee dahay in aad uu codeeyso barlamaanka Iswiidhan haddii aad gaartay 18 sano, aadna muwaadin ka tahay dal ka tirsan Midowga Yurub.

    Waxaad xaq uu lee dahay in aad uu codeeyso goleha degmada iyo gobolka haddii aad gaartay 18 sano, aadna Iswiidhan ka diiwangashaneeyd ugu yaraan 3 sano. Shardi ma ahan in aad ahaato muwaadin iswiidhish ah si aad ka codeeyso doorashada goleha degmada iyo goboleka.

    Hey'adda doorashada ayaa kaarka-codeeynta uu dirto dadka codeeyn karo inta aan la gaarin doorashada. Kaarka-codeeynta waxaa loo diraa cinwaanka aad ku diiwangashantahay. Waa in aad wadataa aqoonsi marka aad codeeyneeyso.

    Haddii aad xaq uu lee dahay in aad codeeyso, waa lagu dooran karaan xil siyaasadeed. Mecnaheed waa in lagu dooran karo xildhibaan barlamaan, goleha gobolka ama goleha degmada.

    Marka aad coodeeyneeyso waxaad dooraneeysa xisbiga aad taageereysid. Waxaad kale oo calaamdeeyn kartaa qofka aad taageereysid. Taasi waxaa laga magacaaba uu codeeyntashakhsi.

    Iswiidhan waxaa ka jira sir-doorasheed. Waxey ka dhigantahay in aadan u baahneyn inaad sheegto xisbiga aad u codeyneyso. Dadka ka shaqeeya doorasha ama dadka waraaqahaaga doorashada kaa qaadaya ma ogaan karaan xisbiga aad u codeeysay.

    Xadka xannibaada xisbiyada yaryar

    Marka uu xisbi soo galaayo barlamaanka Iswiidhan waa in xisbiga uu codaha ka heeystaa ugu yaraan boqolkiiba afar codadka doorayaasha waddanka oo dhan ama boqolkiiba 12 goobaha laga doorto wakiillada baarlamaanka ama siyaasiyiinta degmooyinka. Marka uu xisbi soo galaayo goleha gobolka waa in xisbiga uu codaha kaa heeystaa ugu yaraan boqolkiiba sadax. Barlamaanka-Yurub waxuu lee yahay xadka barlamaanka Iswiidhan camal, waa boqolkiiba afar. Xannibaa dlagu sameynayo ururyada yaryar ayaa waxey billaabmayaan laga billaabo 2018 waana marka la dooranayo degmooyinka. Xannibaadda waa labo ama saddax boqolkiba waxeyna hadba ku xirantahay goobaha laga doorto siyaasiyiinta degmooyinka.

    Iswiidahn waxaa ka jiro xisbiyaal badan oo aan boos ku laheeyn barlaamaanka ee laakin xildhibaan ku leh degmooyinka iyo goleha gobolka/gobolka.