Waa maxay demoqraddiyada?

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Erayga demoqraddi, wuxuu ka soo jeedaa wadanka Griiga, wuxuuna uu mecna yahay qiyaas ahaan "xukunkadadweeynaha". Arrimaha ku saabsan demoqraaddiyada waxaa laga hadlaay kumanaan sano laakin hal mecno oo caalamka ku heshiiyay ma jiro. Taasi waxyaalaha uu sabab waxaa ka mid ah in demoqraaddiyada tahay wax had iyo jeerba hormaro oo isbedalo. Laakin waxaa jiro waxyaalo heshiis lagu yahay oo demoqraaddiyada qeeyb ka ah, sida qiimaha aadanaha oo wada siman iyo xuquuqda, ra'yi abuurida oo xur loo yahay, xuriyada dabaacada iyo xuriyada qoowlka, in dadka dhan uu wada siman yihiin sharciga iyo in laga qabta doorasho xur ah.