Ishexgalka dalka Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Is dhexgal waxey ka dhigantahay in la dareemo in qeyb laga yahay mujtamac. Waxaa loola jeedaa in dadkoo dhan eey dareemaan ineey qeyb ka yihiin bulshada iswiidhishka. Isdhexgalku waxuu ku saabsanyahay in kooxo kala duwan oo bulshada ka mid ah iney kulmaan kadibna eey wax is weydaarsadaan.

    Taabo galinta qaxootiga dhawaan yimid

    Waxaa jirta taageero gaar ah oo uu lee yahay Qofka 20 sano buuxsaday (laakinse weli 65 buuxsan) ee dhowaan dalka yimi haystana sharciga deganaanshaha qaxooti ahaan, qaxootida dalka la keenay, magangeliyo u baahan ama ah qof qaraabo la ah dadyoowgaas. Waxaad markaas iska diiwaan gelin kartaa qorshaha daganaanshaha oo heli kartaa magdhawga maalmeed. Qofka dhowaan dalka Iswiidan yimi waa qof qaxooti ama soo-galeeti ah oo dalka Iswiidan ku cusub.

    Qorshaha daganaanshaha

    Xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) waxuu ka mid yahay hay'adaha dowliga oo ku caawiyo qaxootida dhowaan dalka yimi iyo soo-galeetida in ay bulshada ku biiran. Haddii aad ka tirsan tahay kooxda u qalanta qorshaha daganaanshaha waa inaad la hadashaa gacanhaayaha taabo gelinta ee joogo xafiiska shaqada, wada-hadal kala yeelataa waxa la iskaga baayan yahay si aad u bilaawdo shaqo raadsi. Waxaad helaysaa qorshe ka koobnaan karo hawlo kala duwan oo kaa taageeri doona jidka in la helo shaqo, laakiin waxey tahay inuu ugu yaraan ka koobnaado waa barashada af-iswiidishka loogu talagalay soogalootiga (sfi), howlo shaqo diyaarin ah (sida qiimaynta waxbarashada iyo khibradaha xirfada iyo tababar shaqo) iyo jihayn bulsho oo ku siineysa aqoonta aasaasiga ah ee bulshada iswiidhishka. Dhaqdhaqaaqyada lagu qoro qorshahaaga waa in ku mashquulin karo waqtiga buuxa ee shaqada (heltid), oo u dhiganta 40 saacadood isbuucii. Qorshahaaga daganaanshaha waxuu soconayaa qiyaastii 24 bilood. Haddii aad ku jirto fasaxa waalidnimada waxaad dib u qaadan kartaa wixii ku dhaafay, laakiin ugu badnaan 12 bilood.

    Ujeedada qorshaha daganaanshaha waa in adigu aad sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagal ah aad u barato iswiidhishka una hesho shaqo si aad u dabari karto masaariiftaada.

    Lacagta taabo galinta

    Lacagta taabo galinta waa lacag lagu siinayaao markii aad tixraacdo qorshehaada taabo gelin. Haddii aad carruur leedahay waxaa lagu siinayaa lacag dheeraad ah. Lacagta taabo gelinta kala heerar ma aha ee waa isku wada mid, lamana fiirinayo halka aad degan tahay. Si qofka uu u helo karaa lacagta taabo gelinta waa inuu waqti buuxa u ka qaybgalo qorshaha sal-dhigida. Haddii aad shaqo heysatid weey yaraaneysaa lacagtaada taabbo gelinta iyadoo laga duulayo shaqadaada inta eey tahay. Haddii aad heysatid shaqo aan qeyb ka aheyn qorshahaaga taabo gelinta markaas waxba lacagtaada iskama dhimeyso. Haddii aad xaq u leedahay lacagta taabo gelinta waxaad kaloo heli kartaa lacagta kabidda guriga haddii aad gurigaaga kaligaa degantahay. Xaaladaha qaarkood sida haddii aad carruur heysatid, waxaa lagu siin karaa lacag dheeraad ah iyo lacag guriga lagaaga kabo. Qasnadda ceymiska ayaa go'aan arrintaas ka gaarta.

    In qofka dalkiisa ka tago oo uu guuro dal cusub

    Ka soo tagida dalka hooyo ayadoo loogu soo guuraayo dal cusub waxeey uu dhigma kartaa dhib iyo taxidiyo cusub. Waxaa laga yaabaa waayo aragnimo uu lee dahay shoog badan iyo khasaaro guri, lacag, asxaab iyo qaraabo joogay dalkaada hooyo. Ma sahlano in la barto luuqad cusub, nidaam cusub iyo dhaqan cusub. Qaxa wuu sababi karaa xaalad nafsi ee adag. Dadka qarkood caafimaadkood waxuu xumaan karaa marka ee helaan sharci deganaansho.

    Haddii ee xaaladaada caafimaad hoos uu dhacdo waxaad taageero ka heli kartaa qof xirfad uu leh. Warbixin dheeraad ah waxaad ka heli kartaa rug caafimaad. Sido kale haddii aad lee dahay qorsho taabo galin waxaad la hadli kartaa gacanhayahaada joogo Xafiiska shaqada si aad uu hesho warbixin dheeraad ah oo ku saabsan meesha aad ka heleeysid caawimaad.