U soo guurida dalka Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Dalka Iswiidan waxaa qiyaastii ku nol 10 malyan oo qof. Qiyaastii 3,5 malyan waxay ku noolyihiin saddexda magaalo ee dalka Iswiidan ugu waawayn: Stockholm, Göteborg iyo Malmö. Boqolkiiba 17% ee dadwaynaha dalka Iswiidan ku nool waxay ku dhasheen dalka dibaddiisa, waxeyna tiradooda tahay qiyaastii 1,7 malyan oo qof.

    Inta lagu jiray sanadkii 2016 waxaa Iswiidhan usoo haajiray 163 000 oo qofood. Boqolkiiba 54 dadkii soo haajiray waxey ahaayeen niman 44 boqolkiibana waxey ahaayeen dumar. Qiyaastii 15 000 oo qofood oo usoo haajiray Iswiidhan waxey heysteen dhalasho iswiidhish ah, laakiin dadka soo haajiray badankood waxey ka yimaadeen waddanka Siiriya.

    Qiyaastii 1,7 malyan oo qofood oo deganaay Iswiidhan sanadkii 2016 waxeey ku dhasheen dalka dibaddiisa. Jadwalkan hoose wuxuu muujinayaa tirakoob oo uu SCB sameeyay oo ku saabsan waddamada eey ku dhasheen soo galootiga yimid sanadkii 2017.

    Codsiga magangalyada

    Baaqa qaxootida ee Qaramada Midoobay waa nidaam caalami ah oo ku qeexan sida dalalka xubin ka ah Qaramada Midoobay ay ula dhaqmi karaan qaxootida. Qof Qaxooti eh, sida ku raacsan baaqa qaxootida, waa qof halis ugu jiro in loogu dabogalo sabab la xariirto cirqigiisa, dhalashiidiisa, galmadkiisa, diintiisa, fakirkiisa siyaasadeed, jinsigiisa ama ka tirsanaanshada koox bulshadeed ee gaar ah. Sharciga waxaa ku qoran in qofka qaxootiga ah loo ogalanaayo magangalyo, ayadoo ee san ku xirneen dalka uu magangalyo ka dalbado.

    Xataa qofka aan buuxineyn shuruudaha qaxootoonimo ee Qaramada Midoobay, waxuu xaq uu yeelan karaa sharci deganaansho oo loo siinayo magangalyo oo uu u baahanyahay awgeed. Sida uu dhigayo sharciga ajaanibta ee Iswiidhan qofka waa la siin karaa sharci deganaansho haddii uu yahay magangelyo doon (sida eey qorayaan shuruucda wadareed ee midowga yurub).

    Midowga Yurub waxeey lee yihiin sharciyo ka wada dhaxeeyo oo maamulaayo habka ee dalalka ugu gaaraayaan haddii qof lagu tirin karo qaxooti. Hoowl wadida magangalyada markii lagu jiro dalalka waa in ee tixgalin uu sameeyaan waxyaabo kala duwan ee ku saabsan qofka taariikhdiisa iyo xaaladiisa nololeed, wax yaalaha lagu tirin karo dabogal, xaalada dalka uu ka yimid qofka iyo in kale oo badan.

    Haddii aad magangalyo Iswiidhan ka dalbaneeysid la xariir Hey'adda socdaalka (Migrationsverket). Hey'adda socdaalka waa hey'adda dowladeed ee baarto codsiga ka socdo qofka doonaayo in Iswiidhan soo booqdo, dego ama magangalyo ka dalbado ama noqonaayo muwaadin Iswiidhish ah.

    Sida uu dhigaayo xeerka-Dublin, codsigaada magangalyo waa lagu baara dalka koobaad ee ka tagto ee yurub. Hey'adda socdaalka waxay dhammaan magangelyo doonka ka wayn 14 sano ka qaadeeysaa masawirka faraha, si loo hubsado in dalka Iswiidan u yahay dalka ugu horeeyay ee qofku magangelyo ka codsaday.

    Bedelid lagu sameeyay sharciga magangelyada

    Baarlamaanka Iswiidhan wuxuu hirgaliyay sharci waqtigiisu xaddidanyahay kaasoo xaddidaya fursadaha eey dadka magangelyo doonka ah iyo qoysaskooda eey Iswiidhan ugu heli karaan sharci deganaasho. Sharciga waxuu hirgalay 20 bisha julaay 2016 waxaana lagu fikirayaa inuu sii jiro saddax sano. Sharcigaan waxuu xattaa saameyn karaa dadka magangelyada dalbaday wixii ka horeeyay 20 julaay 2016.

    Shargi deganaansho oo ku meel gaar ah

    Sharciga cusub waxuu ka dhiganyahay in qofka magangelyo dalabka ah isla markaana xaqa u leh magangelyo in la siiyo sharci degaanaasho Iswiidhan ah oo ku meel gaar ah. Qofka la qiimeeyo inuu qaxooti yahay waxaa la siinayaa sharci ku meel gaar ah oo saddax sano ah, qofka loo arko inuu yahay magangelyo doon waxaa la siinayaa sharci deganaansho oo 13 bilood.

    Hadduu qofku heysto sababo magangelyo marka uu waqtiga sharciga ku meel gaarka ah dhamaado, waa loo dheereynayaa sharciga deganaanshaha Iswidhan. Haddii uu qofku naftiisa masruufi karo waxuu heli karaa sharci deganaansho oo kaamil ah.

    Carruurta kaligood waddanka soo gala iyo qoysaska wata carruur ka yar 18 sano kuwaasoo loo arko ineey magangelyo u baahanyihiin waxey heli karaan sharciga degenaashaha dalka, waa haddii eey dalbadeen ugu dambeyn 24 bisha nofeembar 2015.

    Sharci degnaansho loogu tala galay xigtada

    Hadii aad rabtid inaad la deganaatid qof qoyskaaga dhow ah waa in qofkaas uu heysto sharciga deganaasha waddanka. Ninkaaga, xaaskaada, lammaanahaada, gacliyahaaga kugu diiwaangashan iyo carruurtaada ka yar 18 sano, kulligood sharciga deganaashaha Iswiidhan weey ka heli karaan haddii:

    • Aad adiga heysatid dhalashada iswiidhishka, haddii aad heysatid sharciga deganaashaha ama sharciga deganaashaha ku meel gaark aah oo qoxootinimo.
    • Inaad noloshaada daberri kartid oo aad is masruufi kartid adiga iyo qoyska sharciga deganaashaha dalbanaya.
    • Inaad degantahay guri waasac oo aad dei kartaan.
    • In adiga iyo lamaanahaaga aad ka weyntihiin 18 sano.

    Waajibka masruufidda qof kasta ma saarna, sida carruurta ka yar 18 sano.

    Haddii aad tahay muwaadin iswiidhish ah ama aad heysatid sharciga deganaashaha waxaa qofka aad qorsheysid inaad guursatid loo ogolyahay inuu helo sharciga deganaashaha dalka si uu kuula noolaado Iswiidhan.

    Sharciga degenaanshaha dalka Iswiidan waxaa laga codsada safaaradda ama qunsiliyadda dalka Iswiidan ee ku leedahay dalkaaga, ama dalka kale ee aad ku nooshahay. Codsadeha sharciga degenaanshaha waa in uu laf ahaantiisa u safaaradda/qunsiliyadda codsiga u keena.

    Sharcigaan waqtigiisu xaddidanyahay waxuu ka dhiganyahay in xattaa dadka qoyska la ah qaxootiga la siiyay sharciga deganaashaha saddaxda sano ineey iyaga xattaa heli karaan sharciga deganaashaha si eey Iswiidhan ugu soo guuraan. Qoys dhow waxaa ah ninkaaga, xaaskaaga, lamaanahaaga kugu diiwaangashan iyo carruurtaada ka yar 18 sano. Dadka qoyska la ah magangelyo dalbadayaasha la siiyay sharciga deganaashaha 13:ka bil ah, isla markaana dalbaday magangelyo ugu dambeyn 24 nofeembar 2015 waxey ayaga xattaa heli karaan sharci deganaasho Iswiidhan ah.

    Dadka qoyska la ah magangelyo dalbadayaasha la siiyay sharciga deganaashaha 13:ka bil ah, isla markaana dalbaday magangelyo ugu dambeyn 24 nofeembar 2015 waxey ayaga xattaa heli karaan sharci deganaasho Iswiidhan ah.

    Mararka qaar qoysaska eey carruurtooda kaligood waddanka yimaadeen helayna magangelyo, waxeey heli karaan sharci deganaasho haddii xattaa ilmuha eey magangelyada dalbadeen wixii ka dambeeyay 24 nofeembar 2015.

    Dhalsho Iswiidhish

    Haddii aad ku talo jirto inaad dhalashada dalka Iswiidan codsato waa inaad codsigaada u geeysaa Hey'adda socdaalka. Codsadaha waa in da'diisa aysan ka hoosayn 18 sano, heystaana sharciga deganaashaha isla markaana uu dalka Iswiidan ku noolaay qiyaastii shan sano. Carruurta da'dooda 18 sano ka hooseeyso weey qaadan karaan dhalashada haddii xattaa labada waalid midkood uu dhalasho dal shisheeye heysto.

    Muwaadin-Midowga Yurub

    Haddii jinsiyad aad ka haysato dalka Switzerland ama dal kamid ah dalalka Midowga Yurub-/Isbahaysiga dhaqaalaha ee dalalka Yurub, hab madaxbanaan ayaa u booqan kartaa dalalka ka tirsan Midowga Yurub. 22 dal oo kamid ah 28 dal oo xubin ka ah Midowga Yurub waxay ku heshiyeen heshiiska loo yaqaanno heshiis-Schengen. Taasoo macneheeda ah in muwaasinka Midowga Yurub u dalalka heshiska saxiixay u dokumenti la'aan ku mari karo xuduuda dhulalka. Haddii dhalasho aad ka haysato dal aan ka tirsanayn Midowga Yurub, dokumenti la'aan ayaa booqan kartaa dalalka saxiixay heshiiska Schengen. Laakin ugu badnaantii saddex bilood ayuu socdaalka socon karaa.

    Sharciga-shaqada

    Sharciga-shaqada waa go'aan ay Hey'adda Socdaalka gaarto, oo u suurtagelinayso muwaadin shisheeye in uu dalka Iswiidan ka shaqaysto. Shardiga asaasiga ah waa qofka in sharciga-shaqada uu dibada ka soo codsada hadana helaa inta uu san Iswiidhan soo galin. Muwadiniinta dalalka waqooyiga Yurub, Midowga Yurub/muwaadinka Isbahaysiga dhaqaalaha ee dalalka Yurub, muwaadinka Switzerland iyo xubnaha qoysaskooda uma baahan in sharciga noocaas ah ay codsadaan. Sidaasoo kale dadyoowga muddo shan sano ku nola dal kamid ah dalalka Midowga Yurub uma baahna in uu codsado ruqsadda shaqada.

    Ganacsade uma baahna sharciga shaqada, laakinse waa in uu haystaa sharciga degenaanshada.