Xuquuqda caruurta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Dalalka dunida sida ay u badan yihiin waxaa ka jira sharciyo iyo xeerar difaaca carruurta iyo dhallinyarada. Carruurta iyo dhallinyarada Iswiidhan waxaa difaaca sharciyada caalamiga ah iyo kuwa qaranka. Iswiidhan waxeey si dhab ah oo weeyn uu qaadataa xuquuqda caruurta iyo in caruurta laga difaaco hanjabaad iyo xoog-isticmaalka. Dowlada iyo degmadaba waxeey uu shaqeyaan si caruurta iyo dhalinyarada uu helaan nolol fiican.

    Waxaa hoos ku qoran dhowrka ugu muhiimsan:

    • Carruurta waa in laga ilaaliya in la takooro. Taas oo ah in aan loo la dhaqmin si ka xun dadka kale.
    • Siyaasiinta, hey'adaha dowlada iyo maxkamaduhu mar walba oo ay go'aan gaarayaan waa in ay ka fekeraan waxa carruurta u wanaagsan.
    • Waalidku waa in ay carruurta u barbaariyaan si ku habboon da'dooda iyo bisaylkooda.
    • Ilmuhu wuxuu xaq u leeyahay nolol iyo hormarid. Taas micneheedu waxa weeye in dal waliba ilmaha ka ilaaliyo in dagaal lagu dilo ama uu cudur dilo. Xuquuqda koritaanku waxa weeye in cunugga uu xaq ugu helo carruurnimo wanaagsan.
    • Ilmuhu wuxuu xaq u leeyahay in arigtoodada dhiibtaan iyo in la dhegeysto. Hey'adaha dowlada iyo maxkamaduhu waxay ilmaha weyddiinayaan sida uu wax u doonayo.
    • Ilmuhu wuxuu xaq u leeyahay nolol u gaar ah. Waxaa tusaale ahaan ka mid noqon karto in uusan waalidku akhrisan xusuusqorka iyo warqadaha carruurta.
    • Caruurta waxeey xaq uu lee yihiin in laga difaaco xoogisticmaalka ka dhaco guriga gudihiis. Caruurta waa laga difaacaa waalidka iyo dadka weeyn oo xoog uu isticmaalo ama aan caruurta si fiican uu heeyn.

    Dugsiyada dalka Iswiidhan waxeey si badan uu shaqeeyaan ayagoo raacaayo isla markaana asal ka dhiganaayo sharciyada baaqaa caruurta.

    Xuquuqda carruurta ee bulshada - BRIS

    BRIS (Barnens rätt i samhället) waa urur caawiyo carruurta iyo dhallinyarada welwelsan ama dhibaatooyin qaba. Lambarka BRIS ee 116 111 in la waco waa lacag la'an. Dhammaan carruurta iyo dhallinyarada da'doodu ka yar tahay 18 sano, waxay mar walba wici karaan oo qof weeyn kala hadli karaan wax kasto.

    Lambarka aad ka soo wacday lagama arkaayo telefoonada BRIS. Warqadda kharashka lagu bixiyana lagama arkaayo in qof wacay lambarkaas.

    BRIS waxay kaloo caawini karaan waalidka ka welwelsan carruurtooda. Lambarka BRIS oo ay dadka waaweyn soo wacayaan waa 077-15 50 50.