Qoyska iyo qofka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Waa maxay qoys? Jawaabta su’aashani waa ay ku kala duwan dhaqamada iyo bulshooyinka. Qaybo dunida ka mid ah qaarkood waxaa qaraabada ama reerka laga tirsan yahay loo arkaa qayb ka mid ah qoyska. Iswiidhan waxaa badanaaba qoyska lagu tiriyaa waalidka, walaalaha iyo carruurta la dhalay oo kaliya. Waxa loo yaqaan shakhsigu waa ay ku kala duwanaan karaan dhaqamo iyo bulshooyin kala duwan. Waxaa jira labo si oo loo arko shakhsiga, kuwaas oo kala ah aragti ku salaysan qofka shakhsiga ah iyo aragti ku salaysan koox dad ah.

    Aragti ku salaysan koox dad ah

    Micnaha aragtida kooxdu waxa weeye in danaha kooxdu ay ka muhiimsan yihiin danaha qofka shakhsiga ah. Waxa qofka shakhsiga sameeyo waxay sameyneysaa kooxda oo dhan. Bulshada ku dhisan isbahaysiga waxaa badanaaba ka jira isku xirnaan adag. Qof walba oo kooxda ka tirsan waxaa saaran mas'uuliyad. Aragtida ku salaysan kooxdu waxay badanaaba tahay in dad badan lagu xisaabiyo qoyska. Qaraabada iyo kooxdaba waxaa badanaaba loo arkaa sida qoys oo kale.

    Nidaam bulshadeed ee kala duwan

    Nidaamyada bulshada ee kala duwan waxeey keeneeysaa in dadka qabaan aragtiyaal kala duwan. Iswiidhan waxeey hab badan ku tahay bulsho ku saleeysan hab shakhsiyeed. Waxaad qabato adiga ayee badankeed ku sameeynee oo ma saameeyneeyso qooyskaada ama qaraabadaada.

    Gudaha Iswiidhan dowlada ayaa qaado masu'uliyad si ee damaano qaado qofka amaankiis. Taasi waxeey keeneeysaa in dadka ee san tiriin in qaraabada difaacdo si ee uu helaan nolol. Bulshadooyinka ee san dowlada masu'uliyad qaadin, dadkeeda waxeey badana isku tiiriyaan qaraabada si ee uu helaan nolol.

    Qof haddii uu Iswiidhan danbi ku galo asaga oo kaliya, lama ciqaabaayo qofka qooyskiisa ama qarabiis.