Xoog uu sheegadka ragga uu geeysto dumarka iyo ehelka dhexdiisa

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Xoog-isticmaalku wuxuu noqon karaa in awood loo sheegto qofka ayadoo la kontaroolaayo, in la garaaco ama loo handado.

    Xoog-isticmaalka ku saabsansharafta

    Xoog-isticmaalka qoyska iyo xoogga loo isticmaalo dumarku waxay ka jiran dunida iyo dhaqamada oo dhan. Xoog-isticmaalka ku saabsan sharaftu waa xoog loo isticmaalo qof jebiyey dhaqanka iyo caadooyinka kooxda ama ehelka.

    Caadooyinka ugu muhiimsan oo ku saabsan sharafta waxeey ku saabsan yihiin dumarka ama gabdhaha galmadooda, iyo in gabdhaha ahaadan kuwo bikro ah marka la guursaada. Kufsiga ku dhisan shirafta waxuu ku dhisanyahay kontoroolid xooggan iyo waardiyeen. Tusaale ahaan in qof uu san go'aamin karin qofka uu guursanaayo ama uu la saaxiibayo, in qof loogu hanjabo jirdil iyo mararka qaarkoodna qafka loogu hanjabo in la dilo. Iswiidhan mamnuuc ayeey ka tahay hanjabaad iyo kufsi dad kale loo geysto, waana fal dambiyeed.

    Badanaa kufsiga la xiriira sharafta waxaa loo isticmaalaa gabdhaha iyo dumarka dhallinta yar, laakiin xataa wiilasha ayey dhibaatadaas qabsataa. Dadka ka hela dakda eey isku jinsiga yihiin (HBTQ) waa guruub khatar ugu jiro in dhib loo geysto. Kufsiga la xiriira sharafta wuxuu ku badan yahay bulshada iskuxirnaanshahoodu adag yahay ama bulshada raggu ka awood badan yahay dumarka. Dumarka iyo raggaba waa ay ka qaybqaadan karaan in xoog loo isticmaalo qof jebiyey dhaqankii iyo caadadii qoyska ama qaraabada. Go'aanka ku sabasan isticmaalida xooga waa mid wadajir loo gaaro.

    Dalka Iswiidan waxay saxiixday oo ey raacdaa baaqa guud ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan xuquuqda aadanaha. Xuquuqdaasi waxay ku saabsan tahay in dhammaan dadka oo idil ay iyagu ka talinayaan noloshoodu iyo aayahooda. Taas micneheedu waxa weeye in ay iyagu u madaxbannaan yihiin jirkooda, dareenkooda galmo iyo doorashada qofka ay la noolaanayaan.

    Sida sharcigu qorayo

    Ninka xoog-isticmaalka uu geeysto dumar ka tirsan xarir dhow waxaa lagu xukumi karaa sharafdil weyn oo loo geystay qof dumar ah. Xoog-isticmaalka kale ee ehelka ka dhexdhaca waxaa loo xukumayaa xadgudub weyn. Qofka xoog-isticmaalka uu geeysto qof ehel ah, waxaa kale oo lagu xukumi karaa jirdil ama hanjabaad.

    Waxaa jirta caawimaad la heli karo

    Mas'uuliyada ugu badan waxeey saaran tahay xafiiska adeega bulshada sida uu caawinaad iyo taageero uu siin lahaa caruurta, dumarka iyo ragga ku nool xoog-isticmaal ka dhexdhaco ehel. Sidoo kale degmada waxeey ka masu'ul tahay in ee dumarka hanjabaadda iyo kufsiga loo geeystayeey ka difaacaan kufsi sii sicon karo, ayagoo tusaale ahaan geeynaayo degaan sir ah (skyddat boende).

    Heeganka dumarka (Kvinnojour) waa urur siiya caawimaad iyo gabbaad dumarka iyo carruurta ehelka dhexdiisa loogu xoogsheegtay. Ururrada heeganka dumarka badankood waxaa ka shaqeeya ururro samafal oo ay caawiyaan dad tabarucyaal ah. Ururrada heeganka dumarka iyo gabdhaha waxaa laga helaa dalka oo dhan.

    Degmooyin badan waxaa ku yaalo qaabilaadyada xaaladaha adag ee loogu tala galay dumar iyo caruur, oo caawiyo dadka xoog-isticmaal loo geeystay. Waxaa jiro qaabilaadyo gaar ah oo loogu tala galay ragga in ee ka caawiyaan joojinta isticmaalid xoog. Haddii aad tahay nin loo geeystay xoogisticmaalid waxaad adiguna heli kartaa caawinaad iyo difaac.

    Haddii aad lagu geeystay hanjabaad iyo xoog-isticmaalid aada uu baahan tahay caawinaad, waxaad wici karta talefoonka amaanka dumarka (Kvinnofridslinjen). Kvinnofridslinjen wuxuu furan yahay saacad walba. Waana lacag la'aan. U ma baahnid in aad sheegto qofka aad tahay marka aad soo wacayso. Lambarka telefoonka: 020-50 50 50.

    Haddii aad dumar tahay waxaa sido kale wici kartaa Terrafem. Shaqaalaha Terrafem waxeey ku hadlaan 50 af. Waxaad wici kartaa isliin ilaa jimco inta uu dhaxeeyso 8 iyo 17. Waana lacag la'aan. Sido kale waxaad reebi kartaa magacaada iyo lambarkaada telefoonka si ee Terrafem ku soo wacaan kadib. Lambarka telefoonka: 020-52 10 10.

    Dhilleysiga iyo ka ganacsiga dadka dhilleysiga loo isticmaalo

    Dowladda dalka Iswiidan waxay u aragtaa in dhilleysiga iyo ka ganacsiga dadka dhilleysiga loo isticmaalo uu la mid yahay xoog loo isticmaalay dumarka. Sidaas awgeed ayaa waxaa la doortay in sharcigu uusan xukumin qofka loo isticmaalay dhilleysiga iyo ka ganacsiga dadka dhilleysiga loo isticmaalo. Qofka lacag ku bixnaayo galmo ama qof kale ku qasbaayo dhileeysi ayaa galaayo danbi lagu ciqaabi karo.

    Gudniinka gabdhaha

    Dalal badan ayaa gabdhaha lagu gudaa. Gudniinka waxaa laga wadaa marka la jaro qaybo ka mid ah xubnaha taranka dumarka. Waxay kaloo noqotaa marka gebi ahaan la wadajaro, kadibna la isku tolo.

    Halista caafimaadka

    Gabdhaha iyo dumarba waxay la kulmi karaan dhibaatooyin markii la gudo kadib. Qaar badan ayey dhibtaa kaadidu maadaama kaadi-mareenka dhaawac gaaro. Kuwo badan waxay noloshooda oo dhan xanuun ka dareemaan gumaarka, waxaana saamayn xumi ku dhacdaa dareenkooda galmo. Waxay kaloo dhibaato kala kulmaan caadada iyo infakshano ku dhaca. Sido kale waxaa dhibaato ku dhici kartaa marka ee uur qaadan iyo marka ee umulaayaan.

    Shaqada kahortagga gudniinka gabdhaha ee dalka Iswiidhan

    Iswiidhan waa ka mamnuuc gudniinka gabdhaha. Sharciga waxuu sheegaa in gudniinka aan la fulin karin xataa haddii uu qofka howsha ku raacsan yahay. Qofka fuliyo gudniin waxaa lagu xakumi karaa xabsi. Waxaana qofka loo xukumi karaa gudniin gabdheed lagu sameeyey dal kale. Waxaa kaloo mamnuuc ah in dib la isugu tolo siilka tusaale ahaan, kadib marka la ummulo.

    Dhamaan dadka ku hoowlan caruurta iyo dhalinyarada, waxaa waajib ku saaran yahay in ee wargaliyaan Xafiiska adeega bulshada haddii uu maleeynayaan in gabar la guday ama khatar ugu sugan tahay in la gudo.

    Iswiidhan waxaa jiro ka jiro ururo badan oo ka shaqeeya la dagaallanka gudniinka gabdhaha. Waxaana ka mid ah Ururka qaranka ee joojinta gudniinka gabdhaha (Riksföreningen stoppa kvinnlig könsstympning, RISK), iyo Ururka qaranka wacyigelinta arrimaha galmada (Riksförbundet för sexuell upplysning, RFSU). Labada ururba waxay bixiyaan warbixino ku qoran afaf kala duwan.

    Daryeelka iyo caawimaadda dumarka la guday

    Haddii aad su'aalo qabto ama aad u baahan tahay caawimaad, waxaad la xiriirtaa qaabilaadda dhallinyarada, qaybta cudurrada dumarka ama isbitaalka dumarka. Dumar badan ayaa caawimaad hela, daryeelka kadibna ku noolaada nolol caadi ah.