Khamriga, maandooriyayaasha iyo tubaakada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Qofka doonaayo in uu khamri ibsado waa in uu yahay mid gaaray 20 sano. Khamriga waxaa lagu iibiyaa dukaanka khamriga, Systembolaget oo ay dowladdu leedahay. Laakiin cabbitaanada ee khamriga ku yaryahay, sida nooc ka mid ah khamriga fudud iyo biyaha tufaaxa khamriga leh, waxaa lagu iibiyaa dukaamada cuntada. Haddii uu qof doonaayo in dukaamaas ka iibsado khamriga noocaas ah uga waa in da'idiisu ee san ka yareeyn 18 sano. Waxaa kale oo loo ogalyahay qofka dhaafay 18 sano, in uu khamri ka dalbado kuna cabo meesha, sida maqaayadaha.

    Maandooriye

    Iswiidhan waxaa ka mamnuuc ah maandooriyayaasha dhamaantood. Waa mamnuuc in maandooriye la gado iyo in la iibsado. Sido kale waa mamnuc in qofka maandooriye si gaar ah u isticmaalo. Ciqaabta dembiyada maandooriyayaashu aad ayey u adag tahay oo badanaa waxay keentaa xabsi.

    Inta badanaa aad ayey u adag tahay in uu qofku iskiis isaga dhaafo isticmaalka maandooriyaha. Dadka badankood ee aan joojin karin isticmaalka maandooriyaha waxeey uu baahan yihiin caawinaad joojin uga baahan yihiin shaqaalaha daryeelka.

    Maandooriyaasha loogu isticmaalka badanyahay gudaha Iswiidhan waa xashiishka, amfetamin, kokaayn iyo herowin. Qaadka/Jaadka xattaa waa maandooriye. In uu qofka jaadka iibiyo ama si gaar ah u heeysto, waxeey u keeni kartaa ciqaab xabsi dheer iyo ganaax aad u sareeyo.

    Tubaakada

    Cabbidda sigaarka waxaa laga qaadi karaa cudurro badan. Waxuuna sigaarka sababi karaa in qofka xilli hore u dhinto. Dhaawcyada u sigaarku sababto waxaa ka mid ah cudurka kansarka, cudurrada sambabka, cudurrada wadnaha iyo xiddidada, iyo nabarcalooleed (gaastarik nabar noqday). Marka aad ku jirto qol sigaar lagu cabbaayo, adiguna qiiqa ayaa jirka kuu galaayo. Waxaana lagu magacaabaa sigaar cabbida dadban. Maadam cabbida sigaarka khatar u tahay caafimaadka waa in aad jirtaa 18 sano si aad u iibsato sigaar iyo wax tubaako ku jirto.

    Shiishada

    Cabbida shiishada waxaa ka soo baxo qoyaan badan. Taas mecnaheed waa in qiica shiishada ka badanyahay qiica ka soo baxo sigaarka. Qofka hal saac haddii uu cabo shiishada waxaa galaayo jirkaas qiic 100-200 jeer ka badan qiica hal sigaar. In hal mar shiisho cabbid loo fadhiisto waxeey uu dhigmataa qiyaastii 100 sigaar maadam uu cabbidu eey qaadato waqti dheer marka loo barhigo hal sigaar. Dhuxusha lagu isticmaalo cabbida shiisha waxeey ka soo baxaayo oo jirka ku faafaayo maadada kolmonoxid, macdano iyo wax keeno kansarka.

    Tubaakada afka

    Tubaakada afka waa tubaako la galiyo faruurta hoosteed. Tubaakada afka waxeey afka gaarsiinta kartaa cuduro iyo dhaawacyo. Waxeeyna sababi kartaa cudurka kansarka.

    Sigaarka elegtrooniga

    Sigaarka elegtarooniga ee loo yaqaan sigaarka-E, waa sigaar ka kooban yahay shah afka lagu qabto, battari, bukhuurdhaliyaha iyo dareeraha-qiica. Waa hab oo loo isticmaalo nikotiinka iyadoon la cabin tubaakada. Sigaarka elegtrooniga waxuu ka kooban yaahay maadooyin badan oo dhaawici karo caafimaadka, sida nikotiinka, propylenglykol iyo glycerin.

    Waxaa jira caawimaad aad heli kartid

    Haddii aad qabtid dhibaato xaga khamriga ama mukhaadaraadka ah waxaad heli kartaa caawimaad. Haddii aad xataa qaraabo la tahay qof dhibaatadaas heysata waxaad heli kartaa caawimaad. Marrka laga reebo dabiibiddaan ku saleysan waxyaabahaan uu qofka u bartay isticmaalidoodda iyo sidii looga jari lahaay waxaa kaloo ururo samafalayaal ah iyo kaniisadda oo siiya qofka talooyin iyo caawimaad. Waxaad talosiinta caafimaadka ka wici kartaa 1177.
    haddii aad rabtid inaad iska dhaaftid cabidda sigaarka ama tubaakada waxaad u tagi kartaa rugtaada caafimaadka si aad caawimaad uga heli laheyd.