Daryeelka ilkaha

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Waxaa Iswiidhan ka jira daryeelka ilkaha oo bulshadu leedahay iyo daryeelka ilkaha oo gaar loo leeyahay. Daryeelka ilkaha dadweynaha waxaa maamula maamulka gobolka ama gobol. Daryeelka ilkaha dadweeynaha lagu magacaabaa Folktandvården. Waxaa Iswiidhan ka jira dakhtaro ilko oo iskood gaar loo lee yahay (barayfat).

    Kaalmada daryeelka ilkaha

    Dhammaan dadka ku nool dalka Iswiidan waxay xaq u leeyihiin in laga kaalmeeyo kharashka daryeelka ilkaha marka laga soo bilaabo sannadka ay gaaraan 23 sano. Kaalmada daryeelka ilkaha qaybna waa deeq (lacag) ay ku bixiyaan dakhtarka ilkaha, qaybna wa xadka sare ee kharashka daryeelka ilkaha.

    Deeqda daryeelka ilkuhu waxa weeye 600 karoon sannadkii oo loogu talagalay dadka da'doodu u dhexeyso 23 ilaa 29 sano ama ka weyn 65 sano. Dadka da'doodu u dhexeyso 30 ilaa 64 sano waxaa la siinayaa deeq dhan 300 karoon sannadkii. Waxaad deeqda daryeelka ilkaha kaydsan kartaa sannad si aad u isticmaasho sannadka ku xiga.

    Xadka sare ee kharashka daryeelka ilkuhu waxaa weeye in aad bixiso lee qayb ka mid ah kharashka daryeelka ilkaha. Hey'adda qasnada caymiska ayaa bixineeyso inta soo hartay.

    Xaqa xadka sare ee kharashka daryeelka ilkaha waxaa la isticmaali karaa ilaa laba iyo toban bilood. Qiimaha ayaa wax lagaa dhimayaa marka aad daryeelka ilkaha ka bixiso in ka badan 3 000 oo karoon. Markaa waxaad bixineysaa kala bar kharashka daryeelka ilkaha. Haddii kharashka daryeelku dhaafo 15 000 karoon, waxaad u baahnaan doontaa in aad bixiso lee boqolkiiba 15 kharashkaas.

    Daryeelka caafimaadka ilkaha

    Waxaa Folktandvården ka heleysaa daryeel ilko oo qiime go'an leh. Waxaana lagu magacaabaa daryeelka caafimaadka ilkaha. Waxaad bil walba bixineysaa qiime go'an. Kadibna waxaad u tegeysaa dakhtarka ilkaha adigoo aan waxba bixin. Si aad u hesho daryeelka caafimaadka ilkaha, waa in aad saxiixdaa heshiis. Markaasna waxaa khasab kugu noqoneysa in dakhtarka ilkuhu baaritaan kugu sameeyo si uu u qiimeeyo inta aad ku bixineyso daryeelka caafimaadka ilkaha.