Daryeelka caafimaadka iyo bukaanka Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Daryeelka caafimaadka iyo bukaanka waa daryeel dadka bulshada dhamaantood ka fa'iideeysan karaan ayagoo xaq uu leh. Iswiidhan ugu ma baahnid in aad lacag badan ku bixiso haddii aad uu baahantahay in aad la kulanto dhaktar, qaliin mareeysid ama isbitaal lagu seexinaayo. Waxaa muhiim ah in aad la socoto sida daryeelka u kala maamulan yahay iyo meesha aad aadi laheeyd haddii aad daryeel ubaahnaato.

    In aad adigu isdaryeesho

    Waxaa adigu kaligaa wax ka qaban kartaa cudurrada iyo dhaawacyada fudud. Waxeey noqon kartaa hargabka, qandhada, calool-xanuunka shubanka iyo matagga wato ama dhaawac yaryar. Waxaa in dheeraad ah ka akhrisan kartaa buugga lagu magacaabo i Egenvårdsguiden. Waa buug lacag la'an ah oo aad ka heli kartid rugta caafimaadka.

    Sido kale waxaad wici kartaa talo-bixinta-caafimaadka si aad uu hesho talooyin. Talo bixinta caafimaadka waxaa ka shaqeeya kalkaaliyayaal caafimaad. Waxay ku sheegi karaan meeshii aad tegaaysid haddii aad u baahato daryeel caafimaad.

    Talo-bixinta-caafimaadka waxeey furan tahay afar iyo laabatanka saac. Lambarka telefoonka waa 1177. Waxaad halkaas ka heli kartaa talobixin loo turjumay af-soomaali iyo carabi. .

    Daawo

    Dawada waxaa laga gataa farmashiyaha. Dawooyinka qaarkood waxaa loo baahan yahay waraaqad dhakhtar. Mecnaheed waa in uu dhakhtar soo go'aamiyaa in aad uu baahtantahay daawada. Daawada antibiotikadana waa in uu dhakhtar qoro. Waxaa qofka qaadan karaa markii uu qabo infekshin uu sababy bakteeriyo sida xanuunka xummada leh ee cumuhuna dadka xanuunaan ama caabuqa sambabada. Dhakhtarka ayaa markaas daawada qoraayo si aad uga soo iibsato farmashiyaha.

    Shaqaalaha joogo farmshiyaha in badan ayee ka kasaayaan cudurada iyo daawooyinka kala duwan. Waxeey ka jaawaabi karaan su'aalooyin badan oo arimahaas ku saabsan. Waxaa kaloo farmashiyaha laga helaa qoraallo ku saabsan cudurro badan.

    Haddii aad 18 sano ka weeyntahay waxaad iibsan kartaa dukaamda cuntada daawada aan uu baahneeyn qoraalka dhakhtarka sida daawada madaxxanuunka.

    Haddii aad su'aalo ka qabtid daawooyin waxaad la xiriiri kartaa talosiiinta daawooyinka. Waxaa tusaale ahan halkaas ka heleysaa sida eey daawooyinka u shaqeeyaan, sida aad u qaadaneysid ama sida aad u keydineysid. Waxaad laanta talosiinta daawooyinka ka wacdaa 0771-46 70 10.