Maaraaynta dhaqaalaha

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

    Kharashyada lagu bixiyo internetka ama toos looga jiito koontada

    Si aad kharashka uga bixiso internetka oo aad internetka ka aragtid inta kuugu jirto koontada waa in aad marka hore uu tagtaa bangigaada. Halkaas ayaad ka heleeysaa warbixin ku saabsan sida aad uu sameeyn laheeyd.

    Habka lacagta toos looga jiito koontada mecnaheed waa in lacagta kharashyada soo laab-laabto bil kasto laga jiito koontadaada.

    BankID waa waraaq aqoonsi oo elektaroonig ah waana hab fudud aad aqoonsigaada u tusi kartid marka aad tusaale ahaan heshiis galeysid iyo marka aad internetka ka saxiixeysid inaad lacag dhiibeysid. Saxiixa elektaroonigga ah ee laga sameeyo BankID ga waxuu la mid yahay saxiixa caadiga ah ee aad gacanta aad ku saxiixdid isku sharci ayeyna hoos yimaadaan. Si aad u sameysatid BankID waxaad u baahantahay tobanka nambar ee iswiidhishka ah. Bangiyada ayaa dadka u sameeya BankID.

    Nambarka sirta ee BankID- gaaga waa mid adiga kuu gaar ah. Waligaa qof ha isaga sheegin nambarkaaga sirta ah. Ha galin BankID-gaaga haddii taleefanka ama baraha bulshada lagaala soo xiriiro. Waxaa qatar ugu sugnaan kartaa in lagu siro.

    Lacag u deynso qalabeeynta guriga iyo waxyaabaha la xiriira

    Haddii eey degmo ku qaadato eey ku qaabisho qaxooti ahaan ama inaad la qaraabo tahay qof qaxooti ahaan degmadaas ku joogay, markaas waxaad xaq u leedahay lacag deyn ah oo laga dalbado hey'adda waxbarashada CSN (Centrala Studiestödsnämnden) si aad alaab iyo waxyaabaha gurigaaga u baahanyahay aad ugu gadato. Deeynta qalabeeynta guriga waa deeyn la siiyo soo galooytiga qaxootiga dhawaan dalka yimid. Deeyntaas waxaa loo siiyaa si markaasi guriga loogu gato qalab iyo alaab.

    Haddii aad dooneeyso in aad codsato deeynta qalabeeynta guriga waxaad la hadleeysaa gacanyarahaada xafiiska degmada ama gacanyarahaada u qaabilsan taabo gelinta ee joogo xafiiska shaqada. Si wada jir ah ayaad waxaa u buuxineysaan codsiga kadibna waxaad u direysaan CSN. Codsigaada waa in la diraa laba sano gudahood laga billaabo markaad degmada usoo guurtay.

    Deeynta qalabeeynta guriga waa lacag deeyn ah. Taasi mecnaheedu waa in aad u celineysid CSN iyada oo ribo saarantahay. Deentaas waad dhiibeysaa haddii aad xattaa Iswiidhan ka guurto.

    Liiska bixinwaaga deynta

    Haddii aadan kharshka iyo deeymaha lagu lee yahay ku bixin waqtigood, waxaa lagu soo diraa waraaqad xasuusin ah. Haddii aad markaasi lacagta sii bixin, waxaa arinkaada loo sii gudbiinaa shirkad lacagaha soo aruuriso. Haddi aadan lacagtaas wali uu dirin shirkada lacagaha soo aruurineeyso, waxeey arintaada uu gudbeeysaa Hey'adda qaan-ururinta, waxaana laguuga daraa liiska bixinwaaga deeynta.

    Ku jirida liiskaas waxeey astaan uu tahay in aadan si haboon u gudin lacagtii lagu lahaa. Taasi arimo weeyn oo badan ayee noloshaada ka taabaneeysaa. Mecnaheed waxeey ahaan kartaa in ee kuugu adkaato helid deeyn, in aad guri kireeysato, in aad shaqo hesho ama telefoon rukumasho ah.

    Waxaa jiro shirkado ka shaqeeyo in ee dhiibaan warbixinta dhaqaalaha qofka ama shirkada. Shirkadahaas waxaa lagu magacaabaa shirkadaha ka warbixinta deeynta. Haddii aad tusaale ahaan dooneeyso in aad soo qaadato telefoonka gacanta oo aad iska yar-yareysid kharashkiisa, waxuu iibiyaha la xariira shirkada ka warbixinta deeynta. Ayagaa waa wargalinaayo haddii aad ku jirto liiska bixiwaaga deeynta. Liiska bixiwaawga waxuu qofka ku jiraa sadax sano, shirkadahana shan sano.

    Hey'adda qaan-ururinta

    Hey'adda qaan-ururinta badanaa waxaa loo yaqaan Kronofogden. Hey'adda qaan-ururinta waxeey soo ururisaa deeymanka aan la bixin. Haddii aad qof lacag ku lee dahay, Hey'adda qaan-ururinta ayaa ka caawin karto soo celinta lacagta. Hey'adda qaan-ururinta waxeey kale oo ka shaqeeysaa sifeeynta deeymaha. Taasi mecnaheed waa in Hey'adda qaan-ururinta qofka deeymo weeyn lagu lee yahay ku caawiyo sida uu habeeyn lahaa dhaqaalihiisa.