Bey'adda, dabiicada iyo dhawrista deegaanka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Dhawrista deegaanku mecnaheed waa in bulshada uu hormarto hab waafaqsan dabiicada. Waa dadka iyo shirkada uu dhaqmaan hab aan waxyeello gaarsiin dabiicada.

    Maaraynta qashinka iyo dib u isticmaalida

    Sannad walba waxaa Iswiidan la tuuraa qashin badan. Guryuhu waxay tuuraan 4,2 tan oo qashin ah. Tani waxay noqotaa 430 kiilo oo qashin ah calaa qof. Maaraynta qashinka waxaa sannad walba ku baxda lacag badan. In qashinka hab aan wanaagsanayn loo maareeyaa waxay muhiim u tahay bey'adda.

    In badan oo ka mid ah qashinka la tuuro dib ayaa loo isticmaali karaa. Habkaas ayaan uu xafideeynaa kheeryraada dabiiciga. Waxaa Iswiidhan ka jiro ku qeexaayo in dhammaan dadka Iswiidan ku nool kala soocaan sqashin. Waxaana dalka ka jiro nidaam loogu tala galay in la raaco oo dib loo isticmaalo sheyga iyo tarmarta ku jirto qashinka.

    Agagaarka guryaha waaweyn ee kirada, waxaa ku yaal xarumo lagu kala sooco qashinka.

    Mecnaheed waa in aad meesha loogu tala galay ku tuurtaa cuntada la soo reebay, birta, dhalada, balaastigada iyo waraaqadaha.

    Shirkado badan oo guryaha kireeya waxay kireystayaashooda u qaybiyaan bacooyin gaar ah oo loogu talagalay cuntad soo harto. Cuntada soo harto ee badan waa la ururiyaa oo waxay noqdaan carro.

    Waxaa kale oo jiro meelo kale oo aad qashinka geeyn karto:

    • Goobta dib u isticmaalida qasihinka

    Halkaan waxaad geeyneeysaa baakato, wargeeysyo iyo bateriyaal.

    • Xarumaha bey'adeed, oo inta badana ku taalo xarumaha bensinka.

    Halkaan waxaad geeyneeysaa qashinka khatarta ku ah bey'adda.

    • Xarunta dib u isticmaalida qashinka

    Halkaan waxaad geeyneeysaa qashinka iyo waxyaalaha weeyn iyo qashinka khatarta ah, tusaale ahaan kimikada iyo waxyaalaha elegtrooniga ah.

    Kala saarida cuntada soo harto

    Cuntada la soo reebo waala warshadeeyntaa ayadoo laga dhigaayo carro nafaqo badan leh. Marka aad kala soocdo cuntada soo harto waxaa yaraanaayo qashanka loo baahanyahay in lagubo.

    Waxyaalahaan ayaa lagu tirayaa cuntada soo harto oo warshad la marin karo:

    Waxa ka soo haro kaluunka, cuntada laga helo xayawaanada bada ku jiro, waxa ka soo haro hilib, qolofka ukunta, cagaarka iyo khudaarta, rootiga, shaaha, kafeega iyo shaandhada kafega, waraaqada nadaafada guriga, ubaxyada, geedaha iyo carrada.

    Kala soocdida baakadaha, wargeeysyada iyo batteriyada

    Degmo kasto waxaa ku taalo goob loogu tala galay dib u isticmaalida qashinka oo aad geeyn karto tusaale ahaan, baakado, wargeeysyo iyo batteriyaal. Marka aad baakadaha geeyso goobaha dib u isticmaalida qashinka, waa in ee ahadaan kuwo nadiif ah oo qalalan.

    Goobaha dib u isticmaalida qashinka waxaa yaalo qeeybo kala duwan oo loogu tala galay:

    • wargeeysyo
    • waraaqado
    • caaga
    • biraha
    • dhalooyin aan midab laheeyn
    • dhalooyin oo midab leh
    • bateriyaal

    Wargeeysyo

    Marka aan wargeesyo dib loo isticmaalo waxaan noo haraayo tamar badan oo lagu sameeynaayo wargeeysyada cusub. Sababto waraaqadii hore ayaa laga sameeyn karaa wargeeyska cusub.

    Waraaqadaha

    Waxyaalaha ka sameeysan waraaqadaha tusaale ahaan, kartoomada faaruqa ah, dib ayaa loo isticmaali karaa, waxaana lagu isticmaali karaa si loo sameeyo baakado cusub.

    Caaga

    Caaga adag iyo khafiifkaba ah dib ayaa loo isticmaali karaa. Haanta loogu tala galay balastigada waxaad ku rideeysaa waxyaalaha ka sameeysan caaga. Waxyaalaha ka sameeysan caaga oo aan baakadasaneeyn, tusaale ahaan buraashka lagu dhaqo alaabta iyo waxyaalaha caruurta ku ciyaaraan, waxaa lagu tiriyaa qashin caadi ah ee meeshaan laguma tuuro.

    Biraha

    Birta marar badan ayaa dib loogu isticmaali karaa, waxeeyna noo reebeeysaa tamar badan.

    Haanta loogu tala galay birta waxaa ku rideeysaa wayaalaha ka kooban birta iyo aluumiiniyam.

    Haantaas waxaa kuma rideeysid waxyaalo-bireed oo leh midab ama koolo - waa qashin khatar ah, waxaana geeyneeysaa xarunta bey'adda. Sido kale meeshaan kuma rideeysid gasaca-buufinta - waa qashin khatar ah.

    Dhalooyinka

    Sido kale dhalooyinka marar badan ayaa dib loo isticmaali karaa Haddii dhalooyinka dib loo isticmaalo waxeey noo reebeeysaa tamar badan. Ku dhawaad boqolkiiba 40 dhalooyinka dib loo isticmalo waxaa laga sameeyo dhalooyin cusub. Dhalada midabka leh iyo mida aan midabka la heeyn kala sooc.

    Qashinka soo haro

    Qashinka aan lagu kala sooci karin haamankaas, waxa ku rideeysaa haanta caadiga ah ee ku jirto qolka qashinka. Waxaa lagu gubaa xarun weeyn ee loogu tala galay gubida qashinka. Markii qashinka soo haray dab lagu shido, kuleelka ka soo baxo waa la isticmaalaa. Waxaa tusaale ahaan loo isticmaali karaa kuleelinta guriyaasha. Waxaa lagu magacaabaa kuleelka buuraleeyda (fjällvärme).

    Waxyaalaha elegtroonigida ah

    El-avfall ayaa loo yaqaan qashinka elegtronigada ka sameeysan. Qashinka elegtrooniyada ka sameeysan oo dhan waxaa lageeeyaa xarunta dib u isticmaalida. Waxaa lagu tiriyaa nalalka, nalka nuuca dhaadheer iyo wax kasto oo leh fiilo koronto ama battari. Batteriga waa laga bixiyaa oo meel gooni ah ayaa lagu ridaa.

    Qashinka weeyn

    Qashinka weeyn waxuu ahaan karaa tusaale ahaan qalabeeynta guriga ee duqa ah ama baaskiilada aan shaqeeneeyn. Haddii aad degantahay guri kiro, cidda guriga leh ayaa ka caawin karto dayactiriada qashinka weeyn. Haddii kale waxaad geeyneeysaa xarunta dib u isticmaalida.

    Qashinka khatarta ah

    Qashinka khatarta ah waxeey ahaan karaa waxyaalaha sunta ku jirto, waxyaalaha qarxo, waxyaalaha dab ka kicin karo ama kiimikada. Qashinka khatarta ah haddii uu yahay xattaa mid aan badneeyn waxuu sababi karaa dhaawac.

    Sidaas darteed ayee muhiim uu tahay in aan qashinka khatarta lagu dhexdarin qashinka caadiga ah.

    Qashinka khatarta ah waxaa la geeynaa xarunta bey'adda ama xarunta dib u isticmaalida ama gaarida gaarka ah ee qaado qashinka khatara ah.

    Qashinka khatarta tusaale ahaan waa:

    Batariga baabuurta, haraaga saliidda, rinjiga iyo koolada soo harto, kaloorinka, nalalka caadiga ah iyo nalalka dhadheer, maado mile ah, maadada rinjiga lagu qaso, nooc saliida ka mid ah, gaaska la shito iyo maadada xooggan oo mile ah, batteriyaal la karkeeyn karo iyo qalab qaarkood oo loo adeegsado ka ridida baruurta iyo nadaafada.

    Qashinka oo dibada lagu daadiyo

    Dhibaato weyni waxay ka jirtaa qashinka lagu tuuro dibada, ayadoo taasi aan la ogaleeyn. Bii'ada ayey dhaawac u geysaneysaa, malaayiin karoon ayaa sannad walba ku baxa nadiifinta iyo ka qaadida qashinka.

    Biyaha iyo bullaacadaha

    Iswiidhan waa dal biyo badan. Biyaha ka soo shubma tubooyinka waa kuwo tayo wanaagsan. Inta badana waa ay ka fiican yihiin biyaha dhalooyinka lagu iibiyo. Biyaha qaboow lee ayaa nadiif ah. Biyaha kulul waxaa wasakh ka soo raaci kartaa dhuumaha ay soo raacaan. Sidaas awgeed, ha cabbin biyaha kulul, cuntadana si toos ah ha ugu karsan. Biyaha bullaacaduhu waxay tagaan xarun lagu nadiifiyo. Halkaas ayaa biyaha lagu nadiifiya, kadibna lagu sii daayaa badda. Laakiin biyaha dhamaantood lama wada nadiifin karo oo waxaa adag in laga sooco waxyaalaha sunta ah. Sidaas darteed, waa in aan dhammaanteen ka taxadarnaa waxyaalaha aan bullaacadda raacsiineyno.

    Maxaa bullaacadaha la raacsiin karaa?

    Waxaa musqusha la raacsiin kartaa waraaqada musqusha iyo waxyaalaha jirka qofka ka soo baxa oo lee. Waraaqada musqushu waa kuwo loogu talagalay oo biyaha ku milmi kara. Waraaqadaha kale oo ay ka mid yihiin waraaqadaha afka lagu tirtirto, waraaqadaha qoyaanka leh iyo kuwa lagu diifsado waxay sababi karaan bullaacadaha oo istaago. Sido kale dhibaato ayee uu keeni karaan xarunta nadaafida biyaha.

    Si aad wixii sun ah uga ilaaliso bullaacadaha, waxaad soo iibsaan kartaa waxyaalaha bey'adda ama deegaanka u roon. Tusaale ahaan waxaa jiro oomooyin iyo daawada alaab dhaqida ee leh calaamada Svanen (shimbir biyeed oo cad) Bra miljöval (Doorashada fiican ee bey'added). Marnaba daawo ha ku tuurin bullaacadaha ama qashinka. Daawada aadan u baahneyn waa in aad geeysaa farmashiye. Farmashiyaha waxaa laga hela bacooyin gaar ah oo loogu tala galay in lagu tuuro daawooyin.

    Tamar

    Dhamaan tamarta iyo korantada aan isticmaalno waxeey sameeyn ku yeelataa bey'adda. Tamar badan ayaa ku baxdo gaadiidka, kululeeynta dhismayaasha iyo warshadaha. Inta badan tamara waxaa laga dhaliyaa saliid, gaas ama dhuxul. Taasna uma fiicno bey'adda. Si loo yareeyo isbedelka jawiga, waxaan uu baahanahay in aan yareeyno isticmaalida tamarta oo aan dooran tamarta laga dhaliyo biyaha, dabeesha iyo qoraxda oo uu fiican bey'adda.

    Si aad uga qeeyb qaadato yareeynta isticmaalida tamarta waxaad raaci kartaa gaadiidka ka dhaxeeyo dadweeynaha. Mecnaheed waa in aad qaadato tareenka kor iyo hoos maro ama bas inta aad qaadan laheeyd gaari. Sido kale waxaad dooran kartaa in aad raacdo tareen badalka diyaarada. Sido kale weey fiicantahay in aad ku fakarto waxa aad ka gadeeyneeysid dukaanka. Waxaad iibsan kartaa alaab lagu sameeyay meesha degantahay agagaarkeed. Sido kale waxaad dooran kartaa inaad yareeyso cunida hilibka maadama soo-saarida hilibka ee tahay mid tamar badan ku baxdo. Sido kale waxaad isticmaalida ku yareeyn kartaa gurigaada.

    Dhaqaaleeyso tamarta gurigaada

    Tamarta gurigaada waxaad ku dhaqaaleeysan kartaa tusaale ahaan, in aada hordhigin alaab qalabka guriga kuleeliyo. Si ka sahlan ayuu kuleelka markaas ukala gaara qolka. Qalabka korontada badan weey shidan yihiin. Waxad tamar badan ku dhaqaaleeyn kartaa haddii aad markasto damiso qalabka elegtrooniga. Sido kale tamarta waxaad ku dhaqaaleeysan kartaa marka aad cunto karineeyso in aad dabool saarto digsiga ama biyo-kuleeliyaha.

    Sido kale waxaad isticmaasha nalalka-tamarta yar ama nalalka dami marka aad guriga ka baxeeysid.

    Korontadaada xagee ka timaada?

    Tamarta korontada ee Iswidhan badankeed waxeey ka timaada xarunta korantada looga dhaliyo biyaha iyo wershada korontada. Xarunta korontada looga dhaliyo biyaha waa meel korontada looga dhaliyo meelaha biyaha badan ee Iswiidhan ku yaalo. Iswiidhan waxaa ku taalo sadax wershado koronto oo hada shaeeyo, marka isku geeyo waxeey wada lee yihiin toban meelo ee kala jajabka bu'da atamyada farsamo ahaan looga faa'ideysto. Wershadaha korontada waxeey daboolaan baahida korontada Iswiidhan barkeeda in ka badan. In yar oo ka mid ah korontada Iswiidhan waxaa laga dhaliyaa qoray-shidka, saliida iyo gaaska. Qoray-shidka waa tusaale ahaan xaabo ama geedo. Tamarta koronta, boqolkiiba tobban, waxaa laga dhaliyaa xarumaha dabeeysha korontada looga dhaliyo. Xarunta korontada looga dhaliyo biyaha iyo xarumaha korontada dabaysha laga dhaliyo ayaa bey'adda ugu roon sababto tamarta waxeey ka imaaneeyso waxyaalo aan dhamaaneeyn.

    Xukuumadda Iswiidhan waxey hiigsaneysaa gool ah iney isticmaasho enerji boqol kiiba 100 la cusbooneysiin karo.

    Doorasha shirkada korontada

    Lacag badan ayaa ku dhaqaaleeysan kartaa inaad iska bedeshid shirkada-korontada. Haddii aad degantahay guri dabaq ku yaalo, waxaad sanadkiiba dhaqaaleeysan kartaa in u dhaxeeyso 400 ilaa 1 000 karoon. Haddii aad degantahay guri weeyn waxaa dhaqaaleeysan kartaa kumanaan karoon. Waad iska badeli kartaa shirkadda korontada ee gurigaaga.

    Elpriskollen - isku bardhig sicirka korontada iyo shurudahooda

    Bogga internetka Elpriskollen waxaad ka heleeysaa qiimaha koronto iyo shuuradaha shirkadooyinka korontada ee Iswiidhan.

    Waa sahlan tahay in aad badalato shirkad-koronto. Xaaladaha badankood waxaa ku filaan hal mar oo aad telefoon ku wacdo. Laakin waa in aad fiirisaa nuuca heshiishka aad heeysato sababto qaali ayee noqon kartaa haddii la badalanaayo muddo dhexbartankeed.

    Heshiyaada-korontada ee kala duwan

    Qiimaha korontada go'an:

    Qiimaha korontadu waa mid go'an oo muddo loo qabtay. Heshiiska noocaan ahi waa uu wanaagsanaan karaa maadaama aad ka dhawrsan tahay haddii qiimaha korontadu kor u kaco. Laakiinse qiime jaban ma heli doontid haddii qiimaha korontadu hoos u dhaco.

    Qiime koronto oo isbeddela:

    Qiimaha korontadu wuxuu isla beddelaa suuqa ganacsiga. Qiime jaban ayaad ku heleeysaa marka qiimaha korontadu hoos u dhaco. Qiimaha korontadu kor ayuu u kici karaa ama hoos ayuu u dhici karaa inta heshiiska lagu jiro.

    Qiime koronto oo aan la goyn:

    Qiime toos ayaad heleysaa haddii aadan adigu si kale dooran. Qiimuhu waa mid isbeddela qiyaas saddex goor sannadkii. Qiimaha aan la goyn badanaaba waa u ka qaalisan yahay qiimaha go'an iyo kan isbeddela.

    Korontada leh calaamadda dabiicada (korontada cagaaran):

    Korontada leh calaamadda dabeecadda micneheedu waxa weeye in korontada aad lacagta ka bixineyso laga dhaliyay qeeyb dabiicada u wanaagsan, tusaale ahaan waa korontada laga dhaliyo biyaha ama dabaysha.