Dadweynaha

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Iswiidhan waxaa dagan in ka badan 10 malyuun oo qof. Dadka Iswiidan weey kordheen tobanaankii sano oo la soo dhaafay. Taasna waxaa sabab u ah ssoo-galooytiga oo dalka ku soo batay iyo dadka oo cimrigoodu dheeraaday. Cimriga dumarka waxa weeye qiyaastii 84 sano, raggana 80 sano. Qaybta ugu badan ee dadweeynaha Iswiidan waxay ku nool yihiin magaalooyinka. 3,5 malyoon oo qof ayaa ku nool hareeraha Stockholm, Göteborg iyo Malmö.

    Dadka saamka waxa weeye dadka keliya oo dalka Iswiidan loo aqoonsan yahay in ay yihiin dadkii asliga ahaa. Waxay ku kala nool yihiin dalka Iswiidan, Norway, Finland iyo Ruushka. Waxaa dalka Iswiidan ku nool qiyaastii 20 000 oo saam ah. Waxaa dhaqan ahaan dadka saamku ka shaqaystaa dhaqashada ugaarsiga, kalluumeysiga, farshaxanka iyo dhaqashada cawsha waqooyiga Yurub. Cawsha waqooyiga Yurub (renar) waa xoolo geeso dheer leh oo dadka saamku rabeeystaan. 6 bisha febraayo waxeey saamku u dabbaaldagaan maalinta u dabbaaldegga qaranka. Taariikhdaas waxaa loo doortay maadaama eey tahay markii la qabtay kulankii ugu horreeyay eey yeeshaan saamku kaasoo ka dhacay magaalada Trondheim 6 bisha febraayo 1917.

    Ku dhawaad 600 sano ayee Iswiidhan iyo Finland ahaayeen hal, dadka finishka-iswidhishka ahna waxeey Iswiidhan deganaahyeen ilaa xilligii dhexe. Dadyoowgaas maanta waxaa Iswiidhan ka dagan in uu dhaxeeyso 450 000 iyo 600 000. Tornedalen oo loogu hadlo afka meankieli, waxaa 1809 loo qeeybiyay laba qeeybood, halkaasi ee qeeybta galbeedka noqotay qeeyb ka tirsan Iswiidhan, qeeybta barina noqotay qeeybta ka tirsan Finland. Qeeybta dalka Iswiidhan waxaa dagan dadka laga tira badan yahay ee lagu magacaabo tornedalingar. Go'aan la gaaray 2014 ayaa waxaa lagu go'aamiyay in 15 julaay noqoto maalin u calaamadeysan tornedalingarna.

    Yahuuda waxeey Iswiidhan ku noolaayeen ilaaa 1600:miyadii. 1900-kii waxaa batay dadka yahuudda ah ee usoo guuray Iswiidhan iyadoo sabab u aheyd dagaalkii labaad 22 adduunka iyo ugaarsigii loo geystay dadka asalkooda ahaay yahuud. waxaa dagan ilaa 25 000 oo yahuud. Ku dhawaad 4000 oo ka mid ah waxeey ku hadlaan afka jiddisch. Jiddisch waxey laga billaabo sanadka 2000 ka mid tahay luqadaha yaryar ee Iswiidhan.

    Romer waxeey Iswiidhan ku noolaayeen ilaaa 1500:miyadii. Iswiidhan waxaa dagan in uu dhaxeeyso 50 000 ilaa 100 000 oo romer. Dadka romka waa koox isku dhexdaran oo leh luuqado, diimo iyo dhaqamo kala gadisan. Afka romka waa Romani chib.