Guryaha iyo deggaanada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Degmooyinka qaar ayey fududahay in guryaha dhaqso loo helo, qaar kalena waa adag tahay. Degmooyin badan waxaa baahi looga qabaa guryo la kireysto.

    Hab deegaameed ee kala duwan

    Waxa guri ka kireeysan kartaa guri kireeye. Waxaa markaas ka heli kartaa waxa loo yaqaan heshiis gacan koobaad ah oo khuseeyo guri kiro. Waxaad kaloo qayb ka iibsan kartaa guri dabaqyo ka kooban. Waxaa lagu magacaabaa xuquuqda iibsiga degganaanshaha. Haddii aad iibsato guri gooni ah, waxaa lagu magacaabaa xuquuqda lahaanshaha. Sido kale waxaa guri ku kireeysan kartaa gacan labaad. Mecnaheed waa in aad mudo guriga ka kireeysato qof guriga kireeystay ama guriga leh. Sido kala waxaad qol ka kireeysan kartaa qof guriga kreeystay ama guriga leh. Waxaa loo yaqaan in uu qofka noqdo la deggane. Ku fikir inaad heshiis la qorto qofka aad guri ka kireysaneysid. Waana inaad gashaa ceymis guri oo adiga kuu gaar ah. Haddii kale wax ceymis ah kuma jirtid haddii eey wax dhici lahaayeen.

    Guri la kireeysto

    Haddii aad degantahay guri la kireeysto guriga, waxaad guri ka kireeysatay guri kireeye. Inta badana guri kireeyaha leh guriga waa shirkad. Shirkada waxaa lahaan karo dad ama degmada. Haddii aad adiga ama qof kale oo ku soo booqanaayo guriga wax ka jabiyo, kharash lagu sameeynaayo adiga ayaa dhiibeeysid. Haddii aad wax halaabaan maadama ee duqoobeen, waxaa kharashka sameeynta iyo badalida bixinaayo guri kireeyaha. Alaab caadi uu dooqoowday waxeey ahaan kartaa tusaale ahaan qalabka wax lagu karso oo noqday mid duqoobay oo aan shaqeeyneeyn.

    Haddii aad heeysato heshiishka gacan koobaadka waxaad xaq uu lee dahay in aad deganaato inta aad dooneeysid oo adna dhawreeysid sharciga iyo heshiishka guriga. Taasi mecnaheed tusaale ahaan waa, in aad kirada bil kasto ku bixisid waqtigeeda iyo in aad dhibin dariska. Marka aad dooneeysid in aad guriga ka guurto inta badana waa inaad sii bixisaa kirada muddo sadax bil ah. Waxaa loo yaqaan xilliga ogeeysiinta. Haddii aad guriga uu heeysato heshiishka gacan koobaadka waxaad guriga ku badalan kartaa mid kale. Badaladi waa in ee shirkada guriga ka kireeysay marka hore ogalaato. Sido kale guri kireeyaha ayaa go'aamiyo haddii guriga la dayactiraayo. Haddii aad dooneyso in aad dayactirto waa in marka hore uu ogalaadaa guri kireeyaha.

    Guddiga dhexdhaadinta kirada guriyaha

    Guddiga dhexdhaadinta kirada guriyaha waa qaab maxkamadeed loogu tala galay haddii uu dagaal ka dhex dhaco guri kireeystaha iyo guri kireeyaha. Iswiidhan waxaa ku taalo sideed xarumo ee lee dahay guddiga dhexdhaadinta kirada guriyaha. Waxeey ku yaaliin Stockholm, Västerås, Linköping, Jönköping, Malmö, Göteborg, Sundsvall iyo Umeå. Guddiga dhexdhaadinta kirada guriyaha waxuu go'aan ka gaaraa waxa aan heshiis lagu aheeyn, tusaale ahaan haddii qof guri kireeyste ah uu guriga uu kireeyo gacan labaad ahaan. Haddii aad caawinaad uu baahan tahay guddiga dhexdhaadinta kirada guriyaha ka waxuu ka jawaabi karaa su'aalo ku saabsan sharciyada jiro.

    Guryaha is-kaashatada

    Si aad u degto guri aad qayb ka iibsatay, waxaad bixineysaa lacag go'an oo hormaris ah. Mecnaheed waxeey tahay in aad qeeyb ka gadaneeyso ururka guriga iska leh. Ururka nuucaad ah waxaa loo yaqaan ururka-guriyaha is-kaashatada Waxaad xubin ka noqoneysaa ururka, gurigana waad isticmaaleysaa.

    Ururo-guryo is-kaashato qaarkood waxeey ka tirsanyihiin hey'ad lguriyaal ku leh Iswiidhan, tusaale ahaan HSB ama Riksbyggen. Ururada kale waa yaryihiin. Urur kasto asaga ayaa gooni ka masu'uul ah in hab sax loogu maamulo dhaqaalaha ururka. Marka aad degan tahay guriyaha iskaashatada, waa in aad bil kasto kharash lacageed siisaa ururka. Sido kale haddii aad lacag ka deeynsatay banki waa inaad dhiibtaa ribbada deeynta iyo qeeyb ka mid ah lacagta deeynta. Qeeybta aad ka degan tahay dabaqa gurigaiskaashada adiga ayaa si gooni ah ka go'aamiyo rinjiyeenta, dayactirka iyo qalabeeynta gurigaada. Xubinta ururka waxeey go'aamiyaan sida wadajirka loo dhoowraayo guriga iyo dayactirka waa weeyn ee lagu sameeynaayo guriga oo dhan.

    Xaqaa yeelanshada

    Iswiidhan ka ma jiraan guriyaal dabaq ku yaalo oo ku xiran xaqqa yeelanshada. Guriyaasha badankood waa guriyaal is-kaashato iyo guriyaal la kireeysto. Xaqqa yeelanshada waxuu ku badanyahay marka aad degan tahay guriyada weeyn ee filooyinka ama guriyada saffan. Markaas adiga ayaa guriga si gaar ah uu leh oo ka mas'uul ah. Goob ee ku yaaliin guriyaasha saffan waxaa marmar laga aasasaa urur. Ururada waxeey masu'ul ka noqon karaan meelaha la isla wada isticmaalo, tusaale ahaan jidadka, goobaha ciyaarta iyo coowsyada. Dadka meelaha degan oo dhan markaas waa isla qeeybsadaan qarashka.

    Habkaan ayaa guri u helee

    Degmooyin badan waxeey lee yihiin xafiiska xidhiidhinta guryaha. Xafiiska xidhiidhinta guryaha badana waxuu lee yahay bogg internet oo aad iska diiwan galin kartid oo ka raadsan kartid guriyaal.

    Marka aad iska diiwan galiso waa in aad bogga internetka gasha in badan si aad uu fiiriso haddii la soo geliyay guriyaal banaan. Haddii aad aragto guri banaan oo la soo bandhigaay, markaas waa raadsan kartaa.

    Maalinta ugu danbeeyo ee guriga la raadsan karo marka la dhaafo, guri kireeyaha waxuu doontaa dadka imaan karo oo guriga fiirinaayo. Guri kireeyayaal badan waxeey heystaan sisteem saf loo galo taasoo fursad u siineysa in qofkii waqti dheer safka ku jiro uu jaanis fiican u heysto inuu guri helo. Marka aad guri soo fiirsato waa in aad jawaab kala ah haa ama maya ku dhiibtid oo uu dirtid guri kireeyaha. Guri kireeyaha ayaa kula soo xariiraayo haddii adiga lagu siinaayo heshiishka gacan koobaadka guriga.

    Haddii ee dad badan isla hal guri codsadeen, guri kireeyaha waxuu xaq uu lee yahay in u hal ka doorto. Qofka guriga iska leh (guri kireeyaha) ayaa markasto go'aamiyo qofka heshiishka gacan koobaadka la siinaayo. Xafiiska xidhiidhinta guryaha ma go'aamin karo. Inta badana waxeey qaadataa mudo dheer inta laga helaayo soo bandhig guri maadama ee jirto baahi guriyaal ee aad uu weeyn.

    Talo ku socoto qofka guri raadinaayo

    Marmarka qaarkood kuma filno in aad guri ka raadsato hal ka mid ah xafiisyada xidhiidhinta guryaha. Sido kale waxaa fiicnaa karto in aad si toos ah uu la xariirtid guri kireeye. Guri kireeyaasha waa weeyn badankood waxeey lee yihiin bogg internet oo aad iska diiwangalinta kana codsan kartid guriyaal. Sido kale waxaad weeydiisa dadka aad taqaano, qaraabada iyo asaxaabta si aad uu hesho warbixin ku guriyaal banaan.

    Hab kale ee guriyaal lagu helo waxeey noqon kartaa in waraaqad lagu dhajiyo dukaamo, maktabada, mariinka aqal laga soo galo ama meelo kale oo leh sabuuradaha ogeeysiiska.

    Sido kale waxaad wargeeyyada kala duwan iyo boggag internet kala duwan, ka heli kartaa faanis ku saabsan guriyaal banaan. Halkaas waxaad ka heli kartaa guriyaal gacan labaad ah, oo mecnaheed tahay in aada toos uga kireeysanaayo qofka guri kireeyste ah oo asagu horay uga kireeystay shirkad guriyeed.

    Haddii ee aad u adagtahay in guri laga heli degmo, waxaa laga yaabaa in aad ka fursad fiican tahay haddii aad u guurto degmo kale.

    Ogeeysiinta guurida

    Sida u sharciga dhigaayo, marka aad guri ka guurto waa in ogeeysiisaa Xafiiska arimaha canshuurta (Skatteverket). Markaas hey'addaha dowlada waxeey warbixin ka helaayaan cinwaankaada cusub. Waa lacag la'aan in la ogeeysiinta guurida laga sameeyo Xafiiska arimaha canshuurta. Haddii aad dooneeyso in boostooyinkaado loo diro cinwaakada cusub (kadaba dirista boostada) waa in aad dhiibta kharash loogu tala galay.

    Kireeynta gacan labaadka iyo la deggane

    In guri gacaan labaad ahaan lagu kireeyo mecnaheed waa in uu qof shirkada ka heeysto heshiish gacan koobad ah, uu qof kale ka sii kireeyo guriga. Shirkada guriga kireeyso waa in ee marka hore ogalaataa in guriga gacan labaad lagu kireeyn karo. Haddii ee shirkada kuu diido waxaad isku dayi kartaa in aad ogalaansho ka hesho guddiga dhexdhaadinta kirada guriyaha. Adigoo ogalaansho heeysaan haddii aad qof kale guriga ka kireeyso, shirkada guriga leh weey kuugu qasbi kartaa in aad uu celiso guriga gabi ahaantiisaba. Sido kale waxaad kireeyn kartaa hal ama qolaal badan ee gurigaada ka tirsan adigo degan. Taas waxaa la dhahaa la deggane. Waxaad qof qol ka kireeyn kartaa adigoo shirkada guriga kireeyso weeydiin ogalaansho laakin lama ogalo in dad badan isla hal guri degnaadaan. Waxaad qof qol ka kireeyn kartaa haddii aad heeysato heshiishka koobaad ee guriga.

    Haddii aad heeysato heshiishka koobaad ee guri kiro ah oo aad dooneeyso in aad guriga qof kale ka kireeyso waa in aad lee dahay sabab la ogalaaday. Sabab la ogalyahay waxeey ahaan kartaa in aad shaqo ka raadsaneeyo magaalo kale ama haddii aad dooneeyso in aad tijaabiso la daganaanshaha wada noole (sambo). Sida caadiga ah, shirkada guriyaha kireeyso waxeey ogalaataa in guriga uu kireeyso hal-hal sano.

    Dhanka guriyada is-kaashatadana, qiyaas ahaan isla sababooyinka ayaa khuseeyo.

    Kireeyn gacan labaad

    Haddii aad dooneyso in aad guri ku kireeysato gacan labaad ahaan, waxaad muhiim ah in aad ogaato haddii e shirkada guriyaha kireeysto ogalaatay kireeynta. Ha iiloobin in aad saxiixdo heshiish marka aad guri ku kireeysaneeyso gacan labaad. Heshiishka waxaa saxiixo qofka heeysto heshiishka gacan koobaadka iyo qofka guriga ku kireeysanaayo gacan labaad. Haddii aada saxiixin heshiiska, qofka heeysto heshiishka gacan koobaadka wuu ka saaran karaa guriga marka uu doono. Sido kale qofka leh heshiishka gacan koobadka ah waxuu ku sugan yahay khatar guriga looga qaado haddii shirkada guriga ee san u ogalaan in uu kireeyo gacan labaad.

    Qofka guriga heeysto ayaa mas'uuliyada saaran tahay

    Qofka guriga gacan koobadka ku heeysto waxaa kale oo lagu magacaabaa qofka guriga heeysto. Qofka heeysto guriga waxuu mas'uul ka yahay in uu qofka gacan labaad ku kireeysanaayo in uu dhiibo kirada. Waxaa laga soo celin karaa heshiishka gacan koobaad haddii uu qofka aad guriga ka kireeysay guriga uu san kirada dhiibideed ku toosnaan ama dariska dhibo.

    Gacan labaad markaad ku kireeyneeysoo meeqo ayaa ku kireeyn kartaa?

    Haddii aad heeysato heshiishka gacanta koobaadka ah ama guri is-kaashi oo aadna guriga ku kireeyn rabto gacan labad, waxaa jiro sharciyo ku saabsan inta lacag aad qaadan kartid. Waxaad xaq u lee dahay in aad lacag ku heshaa kharashka guriga. Haddii uu guriga qalabeeysan yahay waa la aqbali karaa in aad ku darto boqolkiiba 10-15 ee lacagta kirada. Haddii aad adiga kireeysato guri gacan labaad ah oo aad dhiibto in ka badan kirada laf ahaanteda, waxaad aadiga kartaa guddiga dhexdhaadinta kirada guriyaha. Guddiga dhexdhaadinta kirada guriyaha waxuu kuugu caawin karaa in u kuusoo celiyo lacagtaadii. Guryaha iskaashatada ah kuma jiraan. Guddiga dhexdhaadinta kirada guriyaha qiimeyn ayuu ku sameeynaa kiiskasto.

    Guri badalid

    Haddii aad guri gacan koobaad ah heeysato waxaad xaq u lee dahay in aad badalato guri haddii aad lee jirto sabab la ogalyahay. Sababooyinka la ogalyahay waxaa ka mid ah in aad u baahantahay guri si weeyn, guri ka kiro yar ama guri u si dhow goobta shaqada. Haddii aad dooneeyso in aad badalatid guriga waa in marka hore ee ogalataa shirkada guriga kireneeyso. Haddii aad guriga badalato adigoo laguu ogalaan, waxaa burburi karo heshiishka gacan koobaadka oo guriga sidaas lagaaga soo celiyo. Haddii aad tahay guri kireeyste waxaad xaq uuu lee dahay in aad guriga badalato isla marka aad hesho heshiishka gacan koobaadka.

    Heshiishka suuqa madoow

    Heshiishka suuqa madoow ayaa lagu magacaabaa heshiishka gacan koobaadka ee la iibiyo ama iibsado. Waa sharci daro in la iibiyo heshiis gacan koobad. Qofka iibiyo heshiish gacan kobaad ah, waxaa lagu xukumi karaa xabsi mudo labo sano ah. Sharci daro ma ahan in la iibsado ama la gato heshiis gacan koobad laakin haddii aad sameeyso khatar weeyn ayaa ku kacooysaa. Shirkada guri kireeyaha waxeey xaq uu lee dahay in ee burburiso heshiishka gacan koobadka ah haddii guriga lagu kireeystay hab sharci daro ah.

    Kontroolida guriga

    Inta aadan uu guurin guri waxaad guri kireeyaha ka dalban kartaa in aad iska kontaroosho. Mecnaheed waa in guri kireeyaha kontroolaayo haddii ee guriga dhaawacyo lee yahay. Haddii guriga ee ku yaaliin dhaawacyo uu sababay qofkii hore udagnaa, adiga kuma qasbanid in aad kharashka sameeyntooda bixisid.

    Ogeysiinta ansax beelid kirada guriga

    Haddii aad dooneeyso in aad guri ka guurto waxaad mar kasto xaq uu lee dahay mudada ogeeysiinta ansax beelida guriga. Mudada ogeeysiinta ansax beelida guriga waxeey bilaabaneeysaa marka aad ogeeysiiso guri kireeyaha in aad guureeysid. Inta badan guriyaasha kirada mudadiisa ee ogeeysiinta ansax beelida guriga, waa sadax bilood. Taasi mecnaheed waxeey tahay in aad dhiibeeysid kirada guriga xattaa haddii aad dooneeysid in aad guriga mudo hore ka guurto.

    Guri kireeyaha waxuu xaq uu lee yahay in qofka guri kireeystay hehiishkiisa la burburiyo haddii uu san dhoowreen heshiishka. Qofka aan dhoowrin sharciga waxuu ahaan karaa qof aan kirada waqtigeed ku dhiibin ama sameeyay wax aan uu ficneeyn qeeybta uu ka daganyahay guriga ama guriga oo dhan.

    Isticmaalka guriga aad degantahay

    Guryaha Iswiidan oo dhan waxaa loo dhisay in ay kululaadaan xilliga qaboobaha. Guryuhu waxay u nugul yihiin qoyaanka. Si sahlan ayaa guriga dhaawac ku gaari karaa haddii qab qalad ah loo xanaaneeyo. Haddii aad aragto tuubooyin ama qasabado biyo siideynaya ama tifiq leh, la xiriir mar walba guri kireeyaha. Guriga waxaa ku samayssan marawaxado dibedda u saara hawada suyucday. Sidaas awgeed, waa muhiim in marawxaduhu mar walba furan yihiin.

    Meelaha la wadaago

    Dhammaan dadka guriga kirada ugu jira ayaa xil ka saaran yahay meelaha ay wada isticmaalaan, sida jaranjarooyinka, qolka dhardhaqida iyo hareeraha guriga. Kharashka lagu nadiifiy, tusaalee ahaan jaranjarooyinka, qeeybaha dhulka hoose iyo kore, waxeey badanaa ku jiraan kirada aad bixiso. Laakiin adiga ayaa ka mas'uul ah in aadan waxba ku daadin ama ku tuurin. Waa in aadan marnaba dhigin alaab marinka jaranjarooyinka, waayo waa in u bannaan yihiin dadka doonaya in ay bannaanka u cararaan haddii guriga dab qabto ama wax kale ka dhacaan. Waa in aad raacdaa nidaamka ah in aad qabsato waqtiga dhar-dhaqida oo aadna qolka nadiifisaa marka aad isticmaasho kadib.

    Ceeymis guri

    Waa muhiim in aad lee dahay ceeymis guri sababto waxaad ku siinaa ceeymiska ilaalin-asaasi. Waxaa jiro shirkadooyin badan oo iibiyo ceeymis guri. Marka aad ooneeyso ceymis waa in aad si gaar ah isku bardhigtaa oo doorataa shrikada kuu haboon . Caymiska gurigu wuxuu lacag ka siinayaa haddii alaab lagaa xado ama kharibmaan, sida daadad ama dab. Caymiska gurigu wuxuu kuu ilaalinaa dhamaan alaabta ku taal guriga. Wuxuu kaloo ilaaliyaa dhamaan dadka ku qoran warqadda caymiska oo deggan guriga. Haddii aad lee dahay gurigaada waxaa ceeymiska guriga ku dhameeystiri kartaa ceeymiska guri is-kaashada ama ceeymiska filada.

    Ceeymiska waxuu ka kooban yahay qeeybo kala duwan:

    • Ceymiska Ilaalinta hanti qofeedka - wuxuu ku siinayaa lacag u qalanta wixii kaa jabay ama lagaa xaday.
    • Gabbaadka sharciga - waxaa lagaa caawin karaa qarashka maxkamadeed haddii aad qof is qabataan.
    • Gabbaadka duullaanka - wuxuu ku siin karaa lacag haddii aad ku dhaawacmatid jirdil ama kufsi laguu geysto.
    • Ceymiska mas'uulinimada - wuxuu lacag ku siin karaa haddii eey qasab kugu noqoto inaad magdhow bixiso.
    • Difaaca safarada ee khuseeyo 45 maalmood gudahood aad dal kale ugu safarto.

    Sido kale waxaa jiro ceeymis nuuc kale ah oo ku siinaayo difaac:

    • Ceeymiska-khatarooyinka dhamaantod - waxuu ku siinaa difaac sii badan oo loogu tala galay alaabtaada. Waxeey khuseeysaa waxa lagu magacaabo dhacdooyin lama filaan ah, tusaale ahan haddi mobeeylka kaaga dhaco badda.
    • Ceeymiska-shilka iyo jirada - waxuu lacag ka siinaaya kharashka kaaga bixi karo booqasho dhakhtar haddii aad ku dhaawacmato shil. Haddii aad naafo ku noqoto, waxaa lagu siin karaa lacag badan hal mar ah.