Ammaanka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Si aad Iswiidhan ugu noolaata nabadgelyo, waxaa jiro hey'addo dowladeed oo ka shaqeeyo dhanka ammaanka. Sido kale waxaa jiro waxyaalo aad iskii ugu qaban kartid amamankaada.

    Sidaan sameey haddii uu dab kaco

    • Badbaadinta – Badbaadi dadka ku sugan khatar, laakin nolshaada khatar ha galin. Xusuusnoow in qiiqa-dabka uu sun yahay. Dhulka ku gurguuro si aad dibedda ugu baxdo. Xir daaqadaha iyo albaabada.
    • U dig – u dig dadka khatar uga sugan dabka.
    • Qayla-dhaan dir – Riix digniinta dabka haddii uu jiro. Waxaana 112 ka wacdaa meel aamin ah. U tag shaqaalaha gurmadka isla marka ee meesha yimaadaan.
    • Dami – Haddii aad heeysato qalabka dab-daminta waa ku buufin kartaa. Ku buufi dab-damiska aasaaska dabka - ha ku buufin dabka dushiisa.

    Haddii aad dab kacay waxaa ugu muhiimsan in aad wacdo 112! Waxaad uga waremeeysaa waxa dhacay iyo khasaaraha ku muuqdo. Sido kale waa in aad uga waramtaa meesha gurmadka looga baahhan yahay iyo qofka aad adigu tahay.

    Booliska

    Haddii aad dooneeyso in aad booliska wax weeydiiso ama ka waregeliso fal dembi waxaad wacdaa 114 14. Iswiidhan oo dhan lambarkaas ayaa laga isticmilaa. Haddiise ay halis degdeg ah dhacdo u dir qayla-dhaan lambarka 112. Waxaad wacaysaa 112, haddii aad aragto fal dembi, qof dhaawacmay oo caawimaad u baahan ama meel dab qabsaday.

    Ammaanka gaadiidka

    Hey'adda gaadiidka waa Hey'adda dowladeed ee ka mas'ul ah ammaanka gaadiidka. Hadafka ee hey'adaha Iswiidhan lee yihiin waxa uu yahay in uu san qof ku dhiman ama ku dhaawacmin gaadiidka. Waxaa arintaas qeeyb muhiim ka ah in qofa gaariga wado ku sucdo xawaaro saxsan, uu san sakhraansaneeyn iyo dhamaan in la wada isticmaalo qalabyada difaaca. Waa sharci in dhammaan dadka baabuur socda ku dhexjira ay xirtaan suunka baabuurka. Caruurta waxay u baahan yihiin difaac gaar ah oo ay ka mid yihiin kursiga carruurta. Waxaa kaloo sharci ah in dhammaan caruurta da'doodu ka yar tahay 15 sano ay qaataan koofiyadda madaxa mar walba oo ay baskiil wataan.

    Dalka Iswiidan waxaa baskiilka iyo gawaaridaba lagu wadaa waddada dhinaceeda midigta. Isticmaal waddada baskiilka haddii ay jirto. Adigu waxaad ku soconeysaa waddada lagu lugeeyo ama marshabiyeediga haddii ay jiraan. Waddadana waxaad sido kale uga socon kartaa dhinaca bidixda. Marka aad dooneyso in aad waddada ama jidka ka gudubto, isticmaal isgoys calaamadaysan oo loogu talagalay. Baabuurta iyo baskiilada waa in ee istaagaan eey adiga kusii daayaan.