Habka ay degmadaadu u shaqayso

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Dadka Iswiidhan dhamaantood waxeey deganyihiin degmo Dalka waxaa ku taalo 290 degmo. Degmooyinka dalka Iswiidan iyagaa go’aamiya inta canshuur ay dadka ku nooli bixinayaan iyo waxa lacagtaas loo isticmaalayo. Waxaa lagu magacaabaa ismaamulka dowladaha hoose.

    Xannaanada carruurta 

    Goobaha xannaanad carruurta waa magaca ee wada waadagaan meelaha caruurta lagu barbaaro. Goobaha xannaanad carruurta waxaa ka mid ah, sidaa dugsiyada xanaanada, guriga xannaanada carruurta iyo dugsiga xilli firaaqaha.

    Haddii aad waxbarato, shaqayso ama shaqo raadineyso, waxaad xaq u leedahay in aad cunugaaga geyso dugsiga barbaarinta ee xaafaddaada Dugsiga barbaarinta caruurta waxaa loogu tala galay caruurta uu da'doodu tahay hal ilaa shan sano.

    Dugsiyada hoose-dhexe

    Degmooyinka dhamaantood waxaa ku yaal dugsiga hoosedhexe oo loogu talagalay carruurta da'doodu u dhexeyso lix ilaa 16 sano. Waxaa kaloo halkaa ka jiri kara dugsiyo madaxbannaan iyo kuwo gaar loo leeyahay. Haddii la dhigta dugsi gaar loo leeyahay waxaa la bixiyaa khidmad. Dugsiyada dowladaa iyo kuwa madaxabannaan, waxaa lagu maalgeliyaa canshuurta. Sanadka u canugu buuxsado lix sano ayuu bilaabi kara fasalka-dugsiga barbaarinta. Waad dooran kartaa haddii aad dooneysid in canuugaadu bilaabo fasalkadugsiga barbaarinta. Carruurta dalka Iswiidan badankood waa ay dhigtaan. Sanadka u canugu buuxsado todobo sano waa khasab in iskuul dhigto. Taasi waxaa lagu magacaabaa waajibka iskuul dhigashada. Dugsiyada dowladda iyo kuwa madaxabannaanba waa lacag la'aan. Dugsiyada ku yaal xaafaddaada waxaad ka heleysaa shabakadda maamulka degmada.

    Daryeelka waayeelka

    Dadka waayeelka waxeey inta badana uu baahan yihin in laga caawiyo hoowlaha maalmeedka. Sharciga dalka Iswiidhan waxuu dhigaa in waayeelka xaq uu lee yiihin in bulshada ee ka helaan taagero iyo caawinaad.

    Dad badan oo waayeel ah waxeey rabaan in ee sii dagnaadaan gurigooda. Degmada waxeey ku caawin kartaa daryeel iyo adeeg keenaayo in qofka waayeelka ah uu sii deganaado gurigiisa. Waxaa taasi lagu magacaabaa adeega guriga. Adeega guriga waxaa laga dalbadaa degmadaada. Lacagta khidmadda adeega guriga weey kala duwantahay hadba degmada aad degantahay. Sido kale waxaa la heli karaa qalab caawimeed ama wax yaalo kale oo sahlaayo in guriga la sii degnaado. Taasi, tusaale ahaan waxeey noqon kartaa qalabka ku socodka ee la fadhiisto, qeeybta qubeeyska oo la weeyneeyo ama catabada hoos loo dhigo.

    Qofka waayeelka ah haddii usii degnaan karin guriga, waxuu uguuri karaa guri waayeelka loogu habooneeysiiyay. Waxaa jiro guryaha waayeeled oo kala duwan oo waayelka ka degi karo qeeyb gaar ah. Guryaha waxaa joogo shaqaale qofka waayelka ku caawin karo daryeelka iyo adeega, tusaale ahaan cunto iyo nadaafada.

    Xafiiska adeega bulshada/xafiiska bulshada

    Sida meelo badan oo adunka ka mid ah, waalidka Iswiidhan ayey saaran tahay mas'uuliyadda xanaanada iyo daryeelida carruurtooda iyo dhallinyaradooda. Laakin haddii ee taasi si fiican uu shaqeeyn, mas'uuliyada badankeeda waxeey markaas saaran tahay degmada. Xafiiska adeega bulshada waxuu u caawiyaa caruurta iyo reeraha habab kala duwan uu dhibaateeysan. Waxeey noqon karaan reero aan heeysan lacag ku filan. Waxeey ahaan karaan dad aan heeysan meel ee degaan. Ama dad qabo dhibaato la xariirto maandooriyo iyo khamaro. Ama dad khatar ugu jiro in la jirdilo oo la kufsado. Caawimaadda uu dhiibaayo xafiiska adeega bulshada waxeey ka koobnaan kartaa wada-hadal, wax barasho waalidka la siiyo, qof xiriiriye ah oo loo qabto dhalinyarada ama reerka oo dhan. Qof xaririye ah waa sidii saaxiib ama qaraabo dheeraad ah oo lala hadlo ama wax farxad gelin leh lala sameeyo. Haddii xafiiska adeega bulshada soo gaarto dacwo ku saabsan in canug si xun guriga loogula dhaqmo. Waxaa xafiiska adeega bulshada waajib uga saaran yahay in uu baaritaan ku saameeyo xaalada uu canuga ku suganyahay.

    Haddii uu canuga ku dhex jiro dhibaato badan, xafiiska adeega bulshada waxuu go'aan ku gaari karaa in canuga laga qaado waalidkiisa.

    Xafiiska adeega bulshada waxaad ka heli kartaa:

    • Talo iyo caawinaad la siiyo dhalinyarada iyo reerka caruurta leh.
    • Talo iyo caawinaad haddii aad dhibaato ku qabto wax aad si xun u isticmaasho.
    • Talo iyo caawinaad ku saabsan shaqo iyo waxbarasho.
    • Kaalmo dhaqaale.

    Kaalmo dhaqaale

    Kaalmo dhaqaale waa caawimaad aad ka dalban kartid xafiiska bulshada ee degmadaada haddii eey dhibaato xaga masruufka ah ku heysato. Waxaa kaalmada dhaqaale u isticmaaleysaa maareynta masruufkaaga. waxaana la dhahaa kaalmada masruufka. Waxaa la heli karaa kaalmo dhaqaale oo ka baxsan tan masruufka, sida qarashka xanaanada carruurta, dhakhtarka, daawada iyo daryeelka ilkaha.

    Kaalmada masruufka waxey ka koobantahay lacag eey dowladda go'aamiso waana isku mid dalka oo dhan, waana qarashka raashinka iyo guriga sida kirada, korontada iyo ceymiska guriga. Lacagta kaalmada masruufka waxey noqoneysaa inta soo harto marka laga jaro dakhliga guriga soo galo.

    Kaalmada masruufka waxaa la ogolaan karaa haddii uu dhaqaale meel kale oo laga keeno eysan jirin. Haddii qofka dalbanayo kaalmada masruufka uu shaqeyn karo waa inuu shaqeeyaa ama shaqo raadsadaa. Waxaa jira waajib dhigaya inuu qofka ka qeyb galo howlo u sahlayo inuu shaqo helo kuwaasoo uu xafiiska bulshada qabanqaabiyo. Haddii uusan qofka howlahaas ka qeyb qaadaneynin lama aqbalayo dalabkiisa. Haddii eey lacag bangiga kuu taal ama aad leedahay wax qiimo badan joogo, tusaale ahaan baabuur, markaas xaq uma lihid kaalmo dhaqaale.

    Xilliga firaaqada iyo dhaqanka

    Degmooyinka Iswiidhan waxeey adeegyo kala duwan uu fidiyaan arimaha xilliga firaaqada iyo dhaqanka. Degmooyinka waxeey lee yihiin maktabad oo bilaash looga soo amaahan karo buugaag. Waxeey kale oo jiro dugsiyo dhaqameed oo caruurta iyo dhalinyarada in ee ku baran karaan ku ciyaarida qalabka heesaha ee kala duwan, masawiraada ama jillidda riwaayadaha ayadoo looga qaadaayo kharash yar. Sido kale degmooyinka inta badana waxeey taageeraan ururada madaxa bannaan ee iskood wax u qabsado.

    Rugta buugaagta

    Degmooyinka iswiidhishka dhamantood waxeey lee yihiin maktabad loogu tala galay dadka degan. Mida ugu weeyn badanaa waxeey ku taala bartamaha, waxaana lagu magacaabaa maktabada-magalaada.

    Degmooyinka weeyn waxaa ku olaan karo maktabad yar oo degmada uga taalo qeeybo kala duwan. Rugta buugaagta waxaa ka soo amaahan kartaa buugaag, ku akhrisan kartaa wargeeysyo, ku dhageeysan kartaa heeso iyo ku sticmaali kartaa kombiyuutar. Halkaas waxaa yaalo buugaag iyo wargeeysyo ku qoran luuqado kala duwan. Maktabooyinka qaarkood waxaa lagu qabtaa tababar-luqadeed iyo caawinaadda layliga.

    Bilaash ayaa ku amaahaneeysaa bugaag, wargeeysyo iyo cajaladaha wareega ee cd:ga. Si aad uu amaahato waxaad uu baahan tahay in aad heeysato kaarka-maktabada (kaarkaamaahda). Kaarka waxaad ku heleeysaa.

    Xafiiska macaamiisha

    Degmooyinka badankood waxa ku yaalo xafiiska macaamiisha. Waxaad halkaas tusaale ahaan ka heli kartaa caawinaad haddii aad soo iibsatay shey ee wax ka qaldan yihiin oo aadna ku qanacsaneeyn. Xafiiska macaamiisha waxaad ku ogaaneysaa xuquuqdaada aad lee dahay iyo waajibaadka ku saaran iyo waxa aad sameeyneeysid si aad uu celiso badeecada ee wax ka qaladan yihiin.

    La xariirka hey'addo dowladeed

    Hey'addaha dowladeed ee Iswiidhan habab kala duwan ayaa uu la xariiri kartaa. Haddii aad qabto su'aalo sahlan waxaa ugu fiican in aad isticmaasho bogga internetka ee hey'adda. Waa badan yihiin hey'addaha dowladeed ee luuqado kala duwan warbixin ku hayo. Xafiiska ceeymiska bulshada, tusaale ahaan, waxuu warbixin ku hayaa 22 luuqad ee uu ka mid yahay af carabi, af soomaaliga, af faarisiga iyo afka sorani. Sido kale waxaad tagi kartaa xafiiska hey'adda dowladeed.

    Xaqqa helida turjumaanka

    Haddii aad afka iswiidhishka aada fahmeen, waxaad xaq u lee dahay turjumaan. Waxaad xaq uu lee dahay in turjumaan laguugu balamiyo xafiiska shaqada, xafiiska ceeymiska bulshada, xafiiska adeega bulshada iyo isbitaalada. Marka aad balanta sameeysaneeyso waa in aad ka waramtaa in aad turjumaan ubaahantahay.