Ceeymiska shaqo la'anta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Ku dhawaaw boqolkiiba kontan dadka dalka Iswiidhan ka shaqeeyo waxeey lee yihiin shaqo mushaar leh. Shaqo la'aanta waa ku dhawaad boqolkiiba 6,5. Shaqo la'anta dhalinyarada uu dhaxeeyo 15-24 ayaa sii sareeyso oo waxeey mareeysaa boqolkiiba 16,4.

    Shuruuda ku xiran helida qasnada ceeymiska

    Haddii aad ku jirtay qasnada ceeymiska in ugu yar mudo hal sano ah oo aadna sanaadkaas ka shaqeeysay lix bilood, waxaad xaq uu lee dahay lacag lagu saleeynaayo dakhligaadi hore. Waxaad a-kassaha ka heleysaa lacag 300 oo maalmood ama 450 maalmood haddii aad heysatid ilmo ka yar 18 sano. Boqolkiiba 80 ayaa ka heleeysaa musharkaadi hore 200 maalmood ee ugu horeeyso. Kadibna waxey lacagta noqoneysaa boqolkiiba 70. Lacagta ugu badan aad heli karto halka maalin waa 910 karoon 100 maalin ee ugu horreyso. Laga bilaabo maalinta 101 aad ilaa maalinta 300aad, waxaad ugu badnaan heli kartaa 760 karoon maalin walba.

    Waxaad lacag ka heli kartaa qasnada ceeymiska mudo xadidan gudaheed lee. Isla markaana, inta mudadaas lagu jiro, waa in aad ahaata qof uu firfircoon helid shaqo cusub. Qasnadaada ceeymiska ayaa go'aamineysa inta eey la'egtahay lacagta aad heleyso.

    Haddii aadan ka tirsaneeyn qasnad ceeymis, adna dooneeyn, waxaad lacagta qasnada ceeymiska ka codsan kartaa qasnada-Alfa. Lacagta ee bixiso qasnada-Alfa waa lacag asaasi ah oo uu dhigmato 320 karoon maalintiiba.

    Laagta asaaska waa lacagta aad heleeyso haddii aadan ka tirsaneeyn qasnada ceeymiska, a-kassan ama haddii aad mudo gaaban ka tirsanaatay. Lacagta asaasiga ah waxaa la siiyaa dadka gaaray 20 sano ama ka weeyn. Waxaad lacagta asaasiga ka heli karaa qasnad ceeymis ama qasnada ceeymiska ee dheemistirka ah, qasnada-Alfa.