In shaqo la raadsado

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

In shaqo la raadsado waxeey qaadan kartaa waqti badan, waana in wax yaalo badan lagu fakaraa.

    Xafiiska shaqada

    Xafiiska shaqada waa hey'ad dowladeed oo ku taalo dalka oo dhan. Xafiiska shaqada waxeey kaaga waramaayaan sida aad uu raadsaneeysid shaqo. Waxeeyna ku siinayaan warbixin ku saabsan shaqooyin iyo waxbarasho kala duwan.

    Marka aad hesho sharciga deganaanshaha waxaa muhiim ah in aad shaqo doone ahaan iska diiwan galiso Xafiiska shaqada.

    Lacagta taabo galinta

    Haddii aad xaq uu lee dahay lacagta taabo galinta waxaa xoghaye joogo Xafiiska shaqada si wadajir ah kuula sameeynaa qorshaha taabo galinta. Qorshaha taabo galinta waa qorshe ku saabsan habka aad uu gali laheeyd suuqa shaqada, waxuuna qorshahaas mudo labo sano ah xaq kuu siina helida lacagta taabo gelinta.

    Taageerada shaqo raadiyaha

    Xafiiska shaqada waxuu taageerooyin kala duwan uu hayaa dadka shaqo raadiyaha ah. Waxaa jiro taageero gaar ah oo loola jeedo soo galooytiga cusub si ee ugu sahlanaato shaqo helida.

    Sido kale waxaa jirto fursad lagu heli karo shaqo toobar lagu qabanaayo goob shaqo. Shaqo toobar mecnihiis waa in aad mudo ka shaqeeyneeyso goob shaqo adigoo isla markaa lacag ka qaadanaayo Hey'adda qasnada ceeymiska. Mecnaheed waa in aada mushaar ka heleeyn shaqo dhiibaha.

    Shaqo toobarka waxuu fursad kuu siinaa in aad soo gasho suuqa shaqada Iswiidhan oo aad ku muujiso waxa aad taqaan. Waxeey taasi ku siineeysaa khibrad shaqadeed ee gudaha dalka Iswiidhan. Isla markaana waxeey koor uu qaadeeysaa fursadaha aad ku heleeysid shaqo. Haddii shaqo toobarka si fiican uukala socdo waxaad weeydin kartaa shaqo dhiibahaada haddii aad ka dhigan kartid qof laga tixraaco markii aad shaqooyin raadsaneeysid. Mecnaheed waa in qofka raadinaayo shaqo cusub uu wici karo oo weeydiin karo haddii aad mudada shaqo toobarka sii fiican uga shaqeeysay. Waa fiican tahay in qofka uu lee yahay tixraac. Ku dhawaad shaqo dhiibaha dhamaantod weey rabaan markii qof shaqaaleeynaayaan.

    Xafiiska shaqada waxuu hayaa waxbarasho loogu tala galay shaqooyinka baahi ugu qabo shaqaale. Fikrada waxeey tahay in waxbarashada keeneeyso shaqo.

    Shaqada hor dhaca iyo shaqada bilaabidda cusub

    Shaqada hor dhaca iyo shaqada bilaabidda cusub waa labo shaqo fursado oo loogu tala galay dadka helay sharciga deganaashaha. Shaqa bixiyaha waxuu qeyb ka mid mushaarka shaqaalaha ka heleyaa Xafiiska shaqada. La xiriir Xafiiska shaqada haddii aan daneeneysid shaqada hor dhaca iyo shaqada bilaabidda cusub.

    Waraaqadaha codsiga

    Marka aad shaqo codsaneeysid waxaad u direeysaa waraaqadda uu shaqa dhiibaha rabo. Inta badan shaqo dhiibaha waxuu rabaa in aad u dirto waraaqada shakhsiyeed (personligt brev) iyo warqada wax soo qabadka (CV).

    CV

    Curriculum Vitae ee laga soo gaabiyay CV, waa afka laatiinka. Mecnaheedna waa in sheeko ku saabsan nolasha. CV:ga waxaad uga warameeysaa hadafka aad ka lee dahay shaqooyinka, khibradooyinkaada shaqo, waxbarashadaada iyo aqoontaada. Sido kale waxaad ka warami kartaa sida aad tahay shakhsi ahaantaada.

    CV waxeey ka koobnaa kartaa intaan soo socoto:

    • Magac, cinwaan, lambarka-taleefoonka iyo e-mailka.
    • Waxbarashooyinka: waxbarashooyinka aad soo dhigatay.
    • Shaqooyinka: shaqooyinka aad soo qabatay.
    • Khibrado kale sidii aqoon-luuqadeed iyo aqoonkombiyuutar.
    • Tixraac: magaca shaqo dhiiba hore ama qof kale oo si fiican kuu yaqaano.
    • Warbixin shakhsiyeed oo gaaban: hamiga, reerka iyo hoowlaha xiliga firaaqada.

    Sido kale CV:ga waxaad uga si gaaban uga warami kartaa waxaa aad ku soo qabatay shaqooyin hore iyo waxbarashadaada waxa ee ka koobneed. Shahaado iyo cadeeyn waxaad geeyn kartaa markii aad lee dahay wareeysiga ama haddii uu shaqo dhiibaha ku weeydiyo.

    Waraaqada codsiga/waraaqada shakhsiyeed

    Waraaqada shakhsiyeed ama waraaqada shakhsiyeed waxaad ka warami kartaa sababta aad uu xiiseeyeeyso shaqadaan ama shirkadaan. Sido kale waxaad sharaxeeysaa sababta aad shaqada ugu qalanto iyo khibradooyinka aad lee dahay. Waa muhiim in waraaqada shakhsiyeed tahay mid uu haboon shaqada aad codsaneeysid.

    Warqadda shaqo dalabka wa iney ahaataa mid gaaban, qiyaastii warqadda A4 waa caadi.

    Muujinta rabida shaqada

    Haddii aad dooneeyso in aad meel ka shaqeeysaa ee laakin laheeyn soo bandhiga shaqooyinka banaan, waxaad uu muujin kartaa rabida shaqada. Waxaad markaas uu direeysaa CV:gaada iyo waraaqad aad uga warameeysid sababta aad uu dooneeysid in aad ka shaqeeyo goobtaas shaqo iyo waxa aad ku fiican tahay.

    Wareeysiga shaqaaleeynta

    Wareeysiga shaqaaleeynta waa wareeysi uu qofka shaqo dhiibaha la yeesho qofka soo codsaday shaqada. Waxaa jiro waxyaalo qaarkood oo loo baahan yahay in lagu fakaro markii la tagaayo wareeysi. Waa fiican tahay in aad wax ku saabsan shirkada akhrisato iyo in aad ku fakartid khibradaha aad lee dahay oo keenaayo in aad shaqada uu haboon tahay. Waxaad tusaale ahaan warbixita ka raadin kartaa internetka. Taasi waxeey uu cadeeyn doontaa in shaqada aad dalbatay hami uu heeyso.

    Su'aalooyin caadi ah

    Waa ficnaa kartaa in aad ku fakartid sida aad uga jawaabi laheeyd su'aalaha kala duwan oo wareeysiga ku imanaayo. Taasi waxeey keeni kartaa in aad kalsooni isku sii dareento marka aad la kulmeeysid shaqo dhibe.

    Su'aalo caadi ah iyo guubaabin:

    • Laf ahaantaada ka waran!
    • Shakhsi ahaantaada sidee tahay?
    • Ka waram shaqooyinkaadii hore iyo waxbarashadadii!
    • Marka aad koox ku jirto sidee tahay oo uu shaqeeysaa?
    • Ka waran qeeybaha aad adiga ku fiican tahay iyo sifooyinkaada fiican oo uu haboon shaqadaan?
    • Maxaad rabtaa inaad ku fiicnaatid? (Wey fiicnaan kartaa in aad muujiso qeeybahaaga aad daciifka ka tahay.)
    • Maxeey tahay sababta aad shaqadaan usoo codsatay?
    • Maxaa shaqadaan ku soo jiiday?
    • Maxeey tahay sababta aan kuu shaqaaleeyneeyno?
    • Maxeey tahay waxa keenaayo in shaqadaan kuu haboontahay?
    • Waa maxay qorshaha aad uu lee dahay mustaqbalka?

    Waxa kale oo aad uu baahan tahay in aad ku fakrto markii aad tageeysid wareeysiga shaqaaleeynta

    Aragtida koobaad aad ayeey muhiim u tahay markii aad la kulmeeyso shaqo dhiibaha. Inta aadan tagin waxaad ogaataa haddii goobta shaqada shuruudo gaar ah ey leedahay dhar gaar ah ama hab gaar ah oo loo labisto.

    Shaqo dhiibayaal badan waxeey filanaayaan in aad gacanta ka salaanto.

    Waa muhiim in aad waqti ugu timaado wareeysiga. Haddii aad soo daahdo waxaad heleeyn kartaa fursada aad ku heli laheeyd shaqaaleeyn.