Ku noolashada itaaldarrada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Qof naafo ah waa qof qabo cudur ama dhaawac keenaayo in uu baahan yahay taageero dheeraad ah.

    Adeega raacida

    Haddi ee dhibaato kuugu tahay in aad kaligaa safarto ama raacida gaadiidka-dadweeynaha (basaka iyo tareemada) waxaad heli kartaa adeega raacida (färdtjänst). Waxaa markaas raaceeysaa taksi ama bas yar. Degmada ayaa go'aan ka gaareeyso haddii aad heli karto adeega-raacida.

    Haddii aad jirato ama aad tahay qof naafo ah

    Haddii aad jirato marka aad shaqeeyneeyso waxuu shaqo dhiibahaada bixinaa mushaar jiro mudo 14 bari ah. Waxii ka danbeeyo waxaad lacagta ka heleeysaa Hey'adda sanduuqa ceeymiska. Waxa lagu magacaabaa lacagta jirada.

    Haddii aadan waqti buuxo cudur awgiis uu shaqeeyn karin ama haddii aad qof naafo ah tahay waxaad lacag ka heli kartaa Hey'adda qasnada ceeymiska.

    In aad la xariiro hey'adda qasnada ceeymiska

    Hey'adda qasnada ceeymika waxeey lee dahay xafiis aad aadi karto haddii aad qabto su'aal. Marmarka qaarkood waa in aad waqti ka balansataa.

    Haddii aad go'aanka Hey'adda sanduuqa ceeymiska uu aragto in uu qaldan yahay waad ka dacwoo kartaa. Ka dacwooshada waa in qofka uu soo qortaa, waana in uu sameeyaa mudo labo bilood gudaheed ah laga bilabaa marka go'aanka la gaaray. Waxaad ka dacwooshada uu direeysaa maxkamada maamulka laakin marka hore baqshada waxaad uu dirtaa Hey'adda qasnada ceeymiska. Sababtuna waxeey tahay si Hey'adda qasnada ceeymiska uu hesho fursad ee ku badasho go'aankeeda. Haddii Hey'adda qasnada ceeymiska ee san badalin go'ankeeda, waxeey ka dacwooshadaada uu gudbineeysaa maxkamada maamulka.

    Taageero dhaqaale

    Taageerada dhaqaale waa qeyb ka mid ceymiska adeegga bulshada kuwaasoo eey degmooyinka mas'uul ka yihiin. Waxaad taageeradaas dhaqaale ka dalban kartaa xafiiska adeegga bulshada ee degmadaada waa haddii aad isaga filneyn masruufkaada.