Diiwaangaliska dadweeynaha

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Diiwaangaliska dadweeynaha macnaheedu waa in lagaa diiwaan geliyo hey'adda canshuuraha oo laguugu tiriyo qof deggan degmo ka mid ah Iswiidhan. Dadka la diiwaangeliyo oo dhan waxaa la siiyaa toban-lambar. Marka aad rabto guurid, magac bedelid, ama inaad guursato waxaad u tageeysaa hey'adda canshuuraha, diiwaan gelinta. Xuquuqo iyo waajibaad badan oo aad leedahay waxey ku xiran yihiin inaad diiwaan gashan tahay iyo meesha aad ka diiwaan gashan tahay, tusaale ahaan kaalmooyin kale duwan, meesha aad ka bixineyso canshuurtaada kana codeyneyso. Degmo kasta waxey u qorsheyneysaa howlaheeda hadba inta qofood oo deggan degmadaas. Haddii aad bedesho cinwaankaada waxaad u sheegeysaa middaas xafiiska canshuuraha usbuuc gudihiis.

    Cadeeynta shakhsiga

    Cadeeynta shakhsiga waa waraaqad muujineeyso macluumaadkaada ka diiwangashan Hey'adda canshuuraha, sida magac, ciwaan guri iyo xaalkaada xaasnimo. Waxaad cadeeynta shakhsiga u baahan tahay tusaale ahaan marka aad qaadaneeysid liisinka. Waa muhiim in la ogaadaa in caddeynta shaqkhsiga aan loo isticmaalin karin inaad caddeyso qofka aad tahay.

    Haddii aad uu baahato cadeeynta shakhsiga waxaad ka dalban kartaa bogga internetka Hey'adda canshuuraha ama mid ka mid ah xafisyadeed. Waa sahlan tahay in aad hesho waraaqada cadeeynta shakhsiga marka aad uu baahato.

    Kaarka aqoonsiga

    Id-kort waxaa laga soo gaabiyay identitetskort (kar aqoonsi). Waxaad isticmaaleysaa kaarka aqoonsiga markaad da'daada caddeyneysid iyo marka aad aqoonsigaaga caddeyneysid tusaale ahaan markaad daawo ka dooneysid farmashiiyaha ama markaad dano ka leedahay bagiga. Waxaad kaarka aqoonsiga ka dalban kartaa xafiiska adeegga Hey'adda cashuuraha. waxuu joogaa 400 karoon inaa ddalbatid waxuuna shaqeynayaa shan sano. Warbixin ku saabsan xafiisyada sameeya kaarka aqoonsiga ka akhriso bogga internetka ee Hey'adda cashuuraha.

    Si aad u dalbato kaarka aqoonsiga waa inaad degantahay Iswiidhan, da'aada eey tahay 13 sano iyo inaad caddeyn kartid qofka aad tahay. Haddii aad 18 ka hooseeyso waa in aad heeysataa ogalaanshaha qofka xanaanadaada mas'uulka ka ah si aad uu hesho kaarka aqoonsiga. Qofka xanaanada ka masu'ul ah waa qof dhanka sharciga masu'uliyad uga saaran tahay canuga da'diisa ka hooseeyso 18 sano.

    Waxaad caddeyn kartaa qofka aad tahay haddii wadatid kaar aqoonsi oo sax ah ama haddii uu kula socdo qof ku yaqaan oo caddeyn kara inaad adiga adiga tahay. Qofka waxuu tusaale ahaan noqon karaa ninkaada/xaaskada, waalid, walaal ama canug weeyn. Marmarka qaarkood shaqo dhiibaha ama qof kale oo ka socdo Hey'ad dowladeed oo si fiican ku garanaayo ayaa noqon karo caddeeye.

    Kaarka aqoonsiga oo eey sameeyso Hey'adda cashuuraha waa kaar aqoonsi oo ka shaqeynaya Iswiidhan gudaheed. Kaarkaas aqoonsi oo eey sameysay Hey'adda cashuuraha uma isticmaali kartid baasaboor ahaan markaad dibadda u safreysid. Haddii uu kaa dhumo kaarkaada aqoonsiga waa inaad wacda 020-32 32 62 kadibna aad iska xirtaa. Markaas qof kale ma isticmaali karo. Haddii uu kaarka kaa dhumo waa inaad booliska u sheegtaa.

    Cadeeymada aqoonsiga Iswiidhan ansaxeeyso

    Cadeeymada aqoonsiyeed ayaa la ansax aya:

    • kaar aqoonsiga Hey'adda canshuuraha
    • liisin iswiidhish
    • kaark aqoonsi ee saaran tahay calaamada-SIS oo uu saaray bangi, adega qasnada ama soo saartay hey'ad dowladeed
    • kaar shaqo ee soo saartay hey'ad dowladeed
    • kaarka aqoonsiga ee qaranka iswiidhan
    • baasaboorka iswiidhishka ee gaduudan
    • baasaboor dalalka midowga yurub ee la soo saaray 1 sebtembar 2006-dii kadib
    • baasaboor ka socdo Norway, Iceland, Switzerland ama Liechtenstein oo la soo saaray 1 sebtembar 2006-dii kadib.

    Sharci deganaansho laakin aadan laheyn caddeyn aqoonsi oo sax ah

    Qofka leh sharci deganaansho ee laakin aadan heeysan cadeeyn aqoonsi oo la ansaxay ama heeysto qof ku cadeeyn karo, waxaad si kastaba heli kartaa kaarka aqoonsiga. Hey'adda canshuuraha waxeey warbixintaada uu bardhigeeysaa warbixinta taalo Hey'adda socdaalka. Waxa loo bardhigaayo waa magacaada, dhirirkaada, masawirkaada, saxiixaada, dokumentiga safarka iyo cadeeynta heesashada sharci deganaansho. Waxaad uu baahan tahay in aad muujiso baasaboorka iyo cadeeynta heesashada sharciga deganaanshaha. Haddii aadan heeysan baasaboor waxaad muujineeysaa lee cadeeynta heesashada sharciga deganaanshaha. Haddii aad dooneeyso in aad habkaan uu xoojiso aqoonsigaada waxaad ka warameeysaa markii aad codsaneeyso kaarka-aqoonsiga.