Waxbarashada dadka waaweeyn

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Iswiidhan caadi ayee ka tahay in qof weeyn uu waxbarasho dhigto. Dad badan ayaa waxbarasho dhigto si ee ugu hormaraan shaqadooda ama uu badashaan shaqo. Dad badana waxeey waxbarasho uu dhigtaan ayagoo taasi uu arko in ee tahay mid hami leh hadana jecel in wax cusub ee bartaan. In ee arrin fiican tahay ayaa loo arka waxbarasha si socoto - waxaa loo yaqaan waxbarasho nolosha dhan socoto.

    Xarunta jiheynta waxbarashada (Vägledningscentrum)

    Haddii aad ka yar tahay 20 sano, waxaad caawinaada doorasho waxbarasho ka heli kartaa xarunta jiheynta waxbarashada. Caawinaadda aad halkaa ka heli karto waxaa ka mid ah:

    • in aad kala hadasho waxbarashada ama xirfadda aad dooneyso in aad doorato
    • in aad hesho warbixino ku saabsan waxbarashooyinka xirfadaha
    • warbixino ku saabsan waxbarashooyinka dalalka kale

    Af-iswiidhishka loogu talagalay ajnebiga - SFI

    Af-iswiidhishka loogu talagalay ajnebiga, sfi, waxa weeye barasho asaasi ah ee afka iswiidhishka oo loogu tala galay dadka waaweyn oo uusan iswiidhishku ahayn afkooda koowaad. Waxaad sfi dhigan kartaa saacado buuxa ama saacado yar. Waxbarashadu waa lacag la'aan.

    Waxbarashada sfi waxeey lee deehay qeeybo kala duwan, waxeeyna ku xiran tahay waxbarashadaadi hore. Tusaale ahaan waxaa jiro waxbarsho sfi oo qofka loogu diyaarinaayo xirfad. Waxaana jiro sfi loogu tala galay dadka soo dhigtay jaamacad ama dugsi sare.

    Waxaad xaq uu leedahay in aad waxbrashada iswiidhishka loogu tala galay ajnabiga, ka qayb qaadatid laga bilabaa sanadka aad buuxisay 16 sano. Laakin waxaa caadiyan ah in dadka ka yar 20 sano ay ku badashaan inay wax ka bartaan dugsiga sare. Marka aad codsanaysid SFI waxaad soo qaadanaysa kaarkaaga-aqoonsiga, liisan ama baasaboor.

    Waxbarashada dadka waaweyn ee degmada - Komvux

    Komvux waa dugsi ay dadka waaweyni ku bartaan maadooyinka lagu dhigto dugsiyada hoose-dhexe. Waxaa lagu magacaabaa waxbarshada asaasiga ee dadka waaweeyn. Haddii aadan horay u soo dhigan dugsiga hoose-dhexe ama waxaad xaq u leedahay in aad waxbarashadaas mid u dhiganta ku barato waxbarshada asaasiga ah ee dadka waaweeyn.

    Sido kale waxaad komvux ku dhigan kartaa isla maadooyinka lagu dhigto dugsiga sare ee caadiga ah. Waxaa lagu magacaaaa waxbarashada dugsiga sare ee dadka waaeeyn. Haddii aadan dhigan waxbarasho uu dhigmato waxbarshada dugsiga sare ee iswiidhan, waxaad dhigan kartaa waxbarshada dugsig sare ee dadka waaweyn.

    Komvux waxuu lee yahay waxbarasho aad dhigan karto dugsiga sare kadib. Waxaa tusaale ahaan jiro waxbarasho xirfadeed. Waa waxbarsho xirfadeed oo loogu tala galay dadka waaweeyn. Haddii aad dugsiga sare ku dhigato komvux waxaad si codsan kartaa jaamacad. Waxbarshada komvux waa ka dhaqo badan tahay waxbarashada caadiga ee dugsi hoose-dhexe iyo dugsiga sare. Waa in aad si gaar ah uu go'aamisid sida aad uu qorsheeyn la heeyd waxbarashadaada. Waxaad dhigan kartaa maalin ama habeen. In kombux la dhigto waa lacag la'an laakin adiga ayaa iska bixinaayo kharashka buugaagta iyo qalabka waxbarashada. Haddii aad ka weeyn tahay 20 sano, aadna dhigato ugu yaraan boqolkiiba 50 waxaad lacagta kaalmada ardayda iyo lacagta deeynta ardyda la dalban kartaa Hey'adda kalmada dhaqaale ee ardayda (Centrala studiestödsnämnden, CSN).

    Sido kale waxaa jirto waxbarasha dadka waaweeyn ee loogu tala galay dadka eey wax uu dhiman yihiin ama qabo carqalado kale oo dhanka maskaxda ah. Waxbarashada nuucaas ah waxaa lagu magacaaba särvux.

    Dugsiyada waxbarashada bulshada

    Dugsiga waxbarashada bulshada (folkhögskola) waa dugsi loogu tala galay ardayda waaweeyn. Waxaad halkaas ku dhiganeeysaa koorsooyin ah heer dugsi hoose-dhexe iyo dugsi sare ama waxbarasho xirfadeed oo heer dugsi sare ah. Dugsiyo badan oo ka mid ah kuwaan waad degnaan kartaa adigo waxbarasho ku dhiganaayo. Dugsiyada waxbarashada bulshada waxaa ku baran kartaa koorsooyinka kala duwan:

    • Koorsooyinka guud ayaad dhigan kartaa badalka dugsiga sare iyo marmarka qaarkood dugsiga hoose-dhexe. Waxaad halkaa wax ku baran kartaa sannad ilaa afar sano ayadoo la fiirinaayo waxbarashadaadi hore. Xawliga waxbarashaduna waa deggan tahay kan komvux.
    • Koorsooyin gaar ah waa koorsooyin loo ku jiheeysan maado gaar ah. Waxaad tusaale ahaan dhigan karta heesaha ama farshaxanka. Sido kale waxaad dhigan kartaa shaqo gaar ah barashadeed tusaale ahaan hogaamiyaha guriga xilliga firaaqada ama kalkaaliyaha daryeelka.
    • Af-iswiidhishka loogu talagalay ajnebiga Waxaad dugsiga waxbarashada bulshada ku baran kartaa koorsooyin SFI ah.

    Dugsiyada waxbarashada bulshadu ayaa go'aan ka gaaraya qofka halkaa wax ku baranaya. Dugsiyada waxbarashada bulshadu waxay leeyihiin nidaam shahaado oo u gaar ah. Waxbarashada dugsiyadaan waxay ku siinayaan waxbarasho asaasi ah oo aad ku bilowdo jaamacadaha. Taas micneheedu waa in aad ka heleyso aqoonta aad u baahan tahay si aad wax ugu barato jaamicadaha.

    Waxbarashooyinka xirfadeed ee heer jaamacadeed (YH-utbildning)

    Waxbarashooyinka xirfadeed ee heer jaamacadeed waa waxbarasho lagu beddeli karo waxbarashooyinka dhaadhee ee jaamicadaha. Waxbarashooyinka xirfadeed ee heer jaamacadeed waxeey badal ka u noqon kartaa waxbarashooyinka jaamacadeed ee ka mudo dheer. Inta waxbarashadu socoto waxay ardaydu xiriir dhow la leeyihiin shirkadaha ayagoo ku shaqo tabooranaayo/LIA (waxbarasho shaqada lagu baranayo).

    Waxbarashada lagu dhigo dugsiyada xirfadeed ee heer jaamacadeedka ah waxeey xariir dhow la lee yihiin suuqa shaqada. Ula jeedada laga lee yahay waa si uu ardaya dhaqso shaqo ugu helo markuu dhameeysto waxbarashada. Qeeybo ka mid ah waxbarashooyinka xirfadeed ee heer jaamacadeedka, waxeey soo bandhigaan iswiidhishka oo ku jiheeysan xirfad shaqo oo leh taageero dheeraad ah. Waa taageero loo fidinaayo qofka aan af iswiidhish uu aheeyn afkiisa hooyo.

    Sii aad uu dhigato waxbarasho xirfadeed ee heer jaamaceedka ah waa in aad aqoon asaasi uu lee dahay dhigashada jaamacadaha. Taas mecnaheed waa in aad shahaado uu heeysato maadooyinka la iska doonaayo si aad uu dhigato jaamacad.

    Jaamacadaha iyo kulliyadaha

    Dalka Iswiidan waxaa ka jira jaamacado iyo kulliyado. Farqiga u dhexeeya waa in jaamacaddu waajib ku saaran yahay in ee lahaadaan waxbarashada cilmi-baarista halka kuliyadaha ee san ku qasbaneeyn. Waxbarashooyinka jaamacadaha iyo kulliyaduhu waa isku dhibco iyo imtixaan. Ugu yaraan hal jaamacad ama kulliyad ayaa ku taalo gobol kasto.

    Barnaamijyo waxbarasho ama koorsooyin madaxbannaan

    Barnaamijka waxbarashada waxaa ku jira koorsooyin badan oo marka danbe horseeda qalinjebin. In la qalinjebiyo micneheedu waa in dhammaan imtixaanadii lagu gudbay oo sidaas lagu dhammaystay waxbarashadii. Waa in aad dhigataa koorsooyinka barnaamijka badankood. Laakiin waxaa jira koorsooyin uu qofku uu dooran karo. Si aad ugu qalinjebisid dhakhtarnimo, aqoonyahan arrimaha bulshada, garyaqaan ama inginyeernimo, waa in aad raacdaa oo dhameeysaa barnaamijka waxbarshada kuu dhigan. Haddiise aad dhiganeyso koorsooyin madaxbannaan, adiga ayaa dooranaaya koorsada aad dooneyso iyo habka aad u baraneyso. Haddii aad dhiganeyso waqti buuxa, waxaad sannadkii dhiganeysaa 60 dhibco jaamacadeed.

    Waxa loo baahan yahay in jaamacad lagu bilaabo

    Si aad u dhigato waxbarshada asaasiga ah ee jaamacadeed waa in aad haysataa aqoon asaasi ah. Mararka qaarkood waxaa loo baahnaan karaa aqoon gaar ah. Taasi mecnaheed waa in ad soo dhigatay koorsooyin dugsi sare oo gaar ah si aad uu soo gasho waxbarsho jaamcadeed oo gaar ah.

    Shuruudaha aqoonta asaasiga ah waxaa ku soo baxaya:

    • qofka haysta shahaadada dugsiga sare ama ku gudbay ugu yaraan boqolkiiba 90 imtixaanka waxbarashadaas
    • qofka haysta shahaadada waxbarashada dadka waaweyn ee dusgiga sare ama ku gudbay boqolkiiba 90 imtixaanka waxbarashadaas
    • qofka haysta waxbarasho iswiidhish ama shisheeye ah oo u dhiganta waxbarashada dugsiga sare iswiidhishka ama waxbarashada dusgiga sare ee dadka waaweyn, tusaale ahaan:
    • shahaadada dugsiyada waxbarashada bulshada isla markaana dhigtay koorsooyinka siinaayo aqoonsta asaasiga
    • qofka habka u helay aqoon u dhiganta dugsiga sare ee iswiidhishka ama waxbarashada dugsiga sare ee dadka waaweyn
    • qofka haysta shahaadada dugsiga ee Denmark, Finland, Iceland ama Norway
    • qofka waxbarasho dalka gudahiisa ama dibeddisa ama khibrad xirfadeed ku helay aqoon uu ku bilaabi waxbarashada jaamacadda

    Haddii aad heeysato shahaado shisheeye waxaa sido kale kuugu xirin shuraad ku saabsan in aad aqoon haboon uu lee dahay afka iswiidhishka iyo ingriiska.

    Aqoomaha gaarka ahi waa kala duwanaan karaan taasoo ku xiran hadba waxbarashada la doonayo. Warbixin ku saabsan aqoomaha gaarka ah oo la isaga baahan yahay, waxaa laga heli karaajaamacadda waxbarashadaas lagu dhigo.

    Qiimaha waxbarashada jaamcadaha

    Hoowlaha jaamacadeed badankeed waxaa lagu maalgaliyaa lacagta dowlada.

    Sidaas darteed ayee waxbarashada jaamacadeed uu tahay mid lacag la'an ah laakin buugag iyo qalabka waxbarashada adiga ayaa iibsaneysa.

    Ardayda booqshada ku joogo ee ka yimid dalal ka baxsan EU/ESS oo mudo xadidan waxbaranaayo, waa in waxbarshada iska bixiyaan.

    Haddii aad dhiganeyso ugu yaraan waxbarasho saacado gaaban, boqolkiiba 50, waxaad xaq uu lee dahay in aad codsato lacagta kaalmada ardyda ama lacagta deeynta ardayda oo laga codsado Hay'adda kaalmada dhaqaale ee ardayda, (CSN).

    Qiimeynta

    Micneheeduna waa in la qiimeeyo wax ay adag tahay in la cabbiro qiimahooda dhab ah. Markii la qiimeeyo waxbarashadaada ama aqoontada xirfadeed ee gaarka ah waxaa lagu magacaabaa qiimeeyn. In qiimeeyn lagu sameeyo waxbarashadaadii hore ama khibradahaada xirfadeed waxeey muujin kartaa in aad lee dahay aqoon uu dhigmato mid lagu dhigo koorsooyinka Iswiidhan. Waxaa lagu sameeyaan karaa qimeeynta aqoonta shaqada ayadoo laguu qiimeeynaayo aqoontaada laguna la yeelanaayo wadahadal hadana laga qaadaayo imtixaan. Waxaa qimeeynta lagu sameeyaa shaqooyinka tusaale ahaan, shaqooyinka dhismaha, daryeelka, warshadaha, gaadiidka iyo guriyaha/ maqaayadaha.

    Qiimaynta shahaadooyinka waddamada kale laga keensaday

    Haddii aad haysato shahaado waxbarasho sare aad dibada kala timid, waxaa waxbarashadaada kuu qiimayn kara guddiga jaamacada iyo waxbarashooyinka sare (Universitets- och högskolerådet). Qiimeynta waa lacag la'an.

    Xirfadooyinka qaarkood waxaa nidaamiyaya sharciga Iswiidhan. Waxeeyna lee yihiin shuruudo lagu buuxinaayo si looga shaqeeyo xirfadaas, shuruuda waxeey ahaan kartaa in loo heeysto shahaadadada xirfada. Si looga shaqeeyo xirfad nuucaas ah waa in qofka uu ogalaansho ka codsadaa Hey'adda dowladeed oo ka mas'ul ah xirfadaas. Tusaale ahaan, dhakhtarada ama kaalkalisada caafimaadka waa in ogalaansho ka codsadaan Hey'adda maamulka bulshada (Socialstyrelsen). Xirfadaha waxbarashadana waa in qofka ogalanshada ka dalbada Hey'adda dugsiyada (Skolverket).

    Turjumidda shahaadooyinka ajnebiga

    Si shahaadooyinka aad dibedda kala timid laguugu qiimeeyo, waa in lagu turjumaa af-iswiidhish. Turjumudaa waa in uu sameeyaa turjumaan shaqada khabiir ah. Xafiiska shaqada marmarka qaarkood waxuu ka caawini karaa in shahaadooyinka laguu turjumo. Haddii shahaadooyinkaasi ku qoran yihiin af-ingiriis, af-faransiis, af-jarmal, af-isbaanish ama afafka waqooyiga Yurub, markaas loo ma baahna in la turjumo.

    Kaalmada dhaqaale ee ardayda

    Kaalmada dhaqaale ee ardaydu waxay isugu jiraan deeyn iyo deeq la siiyo ardayda waxbaraneysa. Kaalmada dhaqaale waxey u qeybsantaa qeyb deeq ah iyo qeyb deyn ah. Qeybta deeqda adigaa iska leh laakiin qeybta deynta waa inaad soo celisaa iyadoo eey ribo la socoto. Marka aad dalbaneysid waxaad dooraneysaa haddii aad rabtid deyn ama haddii aadan rabin. Waxaad bixineysaa lacagta deynta ah lix bil kadib marka aad qaadato qeybta ugu dambeyso, waana waqtiga ugu dhaqsiyaha badan ee la bixin karo. Haddii aad carruur leedahay lacag dheeraad ah ayaad heleysaa.

    Caadi ahaan waxaad lacagtaas xaq u leedahay haddii aad heysatid sharciga deganaashaha waddanka (PUT). Xaq waxaad kaloo u lahaan kartaa haddii eey Laanta socdaalka ku siiso sharci degenaasho sababa la xiriira inaad magangelyo doon tahay, inaad gabbaad u baahnaato ama xaalado kale oo laguu siin karo sharci deganaasho. Waad heli kartaa haddii xattaa deganaashahaaga uu waqti ku xiranyahay xattaa. Waa inaa dbuuxisaa shuruudaha kale ee lacagta waxbarashada lagu helo, tusaale ahaan in waxbarashada aad dhiganeysid eey xaq kuu siineyso kaalmo lacag waxbarasho.

    Qofka ku jiro boroseeska magangelyo dalabka ah xaq uma laha in CSN eey kaalmo siiso.