In canshuur la dhiibo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Nidaamka canshuuraha dalka Iswiidhan waxuu asaasi uu yahay nidaamka nabadgalida iyo daryeelka dalka. Ayadoo canshuurta heleeyso ayee dowlada Iswiidhan dadka dhan wada siin karta fursad waxbarasho iyo nolo fiican. Qeeyb weeyn oo ka mid ah nidaamka nabadgalida iyo daryeelka dalka, waxaa lagu bixiyaa canshuuraha. Canshuuraha ayaa tusaale ahaan lagu maal-galiyaa tusaale ahaan daryeelka bukaanka, xanaanda caruurta, adeega bulshada iyo xanaanada waayeelka. Laakin sido kalena jidadka, gaadiidka dadweeynaha, qaabilaada qaxootiga iyo hoowsha bey'adeed waxaa lagu maal galiyaa canshuurta. Dadka badanaa ee Iswiidhan degan waxeey kalsooni ugu qabaan in canshuurta laga qaado si wadajir leh loogu isticmaalo dhisida bulshada.

    Marka aad shaqeeyso waxaad bixineeysaa canshuur. Canshuurtaas waxaa loo yaqaan canshuurta-dakhliga.

    Mushaarka aad heleeysid inta aan canshuurta laga jarin waxaa lagu magacaaba, mushaarka jumlada ah (bruttolön). Mushaarka la helo markii canshuurta laga jaro waxaa loo yaqaan, mushaarka saafiga ah (nettolön). Mushaarka saafiga ah waa lacagta ku soo hartay oo aad ku noolaaneeyso. Nidaamka canshuureed ee Iswiidhan waxuu uu dhisan yahay, in qofka soo gasho lacag badan uu sii dhiibaayo canshuur badan. Dadka bulshadeed oo aan heeysan lacag ku filan waxeey bulshada ka heli karaan caawinaad.

    Degmooyinka waa kala canshur duwan yihiin. Waxeey canshuuraha uu dhaxeeyaan boqolkiiba 29-35 ee mushaarka jumlada ah. Haddii lacag badan ku soo gasho waxaad canshuur dheerad ah siineeysaa dowlada.

     

    Qof qaato lacagta jirada amalacagta hoowlgabka sido kale waxuu dhiibaa canshuurta dakhliga. Sido kale waxaad shaqadaada ku dhiibtaa canshuur loogu tala galay fa'iido. Tusaale ahaan fa'iido waa in aad baabuurka shaqaada uu isticmaali karto howlahaada gaarka ah ama in aad heli karto kubbonka cunta oo aad maqaayad uga gadan karto qado ama casho.

    Cadeeynta xisaabinta dakhliga

    Qofka oo uu dakhli soo galo isla markaana dhiibo cashuu rwaa inuu sanad walba cadeyn xisaabin dakhli u diraa Hey'adda cashuuraha. Hey'adda cashuuraha waxeey waraaqaha xisaabinta dakhliga kuugu soo direysaa gurigaaga. Xisaabinta dhakhliga waxaa ku jira inta lacag ee aad shaqeysay iyo cashuur intee la 'eg ayaa sanadka gudihiisa dhiibtay. Macluumaadkaas waxaa soo gudbiya shaqa dhiibahaada, shirkadaha ceymiska iyo bangiga. Waa inaad kontorooshaa in eey sax yihiin. Waxaad isticmaashaa nambarrada si aad u aqoonsatid iyo si aad u saxiixdid ama waxaad isticmaashaa saxiixa elektaroonigga ah. Waxaad dalban kartaa inaad wacdid, ditid sms, isticmaashid borogaraamka abb-ka Hey'adda cashuuraha ama qaabka elektaroonigga ah. Nambarradaas waxeey ku yaallaanqeybta ugu sarreeysa ee waraaqaha xisaabinta dakhliga.

    Canshuurta moms

    Canshuurta qiimaha dheer, mervärdesskatt waxaa loo yaqaan moms. Dadka dhamaantood waxay canshuurta moms ka bixiyaan alaabta iyo adeegyada ay iibsadaan badankood. Moms waa qayb sicirka ka mid ah oo dadka wax iibsanayaa bixiyaan. Qeeybo kale duwan ayuu lee yahay momska ayadoo la fiirinaayo waxa la gadanaayo: 25, 12 ama 6 boqolkiiba. Waxaa jiro waxyaalo iyo adeegyo qarkood oo aan moms laga bixin tusaale ahaan daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada. Dowlada waxeey momska uu isticmaasha sidii qalab hogaamin siyaasadeed waxaana moms yar la saara waxyaalaha loo arko in iibsashaadood fiicantahay.

    Canshuur dadban

    Canshuurta dadban waa canshuur dheeraad ah oo la saaro waxyaalaha ama shaqooyinka qaarkood, tusaale ahaan khamrada, bensiinka, korontada iyo tobaakada. Cashuuraha dadban waxaa loo isticmaalaa si loo xakameeyo ka iibsiga. Xukuumadda ayaa xakunto badeecada iyo shaqooyinka la saarayo canshuurta dadban badanaana waxaa la saaraa waxyaalo khatar u ah bey'adda ama caafimaadka.

    Lacagta kharashka bulshada

    Shaqo dhiibaha ayaa lacagta kharashka bulshada ka dhiibo shaqaalaha. Waxaana la dhahaa lacagta kharashka bulshada waxaa loo qoondeeyaa lacagta howlgabka ee shaqaalaha, lacagta waalidnimada oo uu shaqa dhiibaha ka dhiibo shaqaalihiisa una diro Hey'adda cashuuraha. Bishii hal mar ayuu uu diraa Hey'adda canshuuraha. Qofka shirkad gaar ah leh, ma dhiibaayo lacagta kharashka shaqo dhiibaha ee waxuu dhiibaa kharashka bulshada oo ah kharashkiisa gaarka ah.

    In lagu shaqeeyo suuq madow

    In lagu shaqeeyo suuq madow mecnaheedu waa in qofka shaqaalaha ah uusan bixin wax canshuur ah ama kharashka bulshadeed. Bulshada waxeey ku dhisantahay in qofka walba oo shaqeeyo uu dhiibo canshuur. Canshuurta waxaa loo isticmaalaa isbitaalada, jidadka, xanaanada waayeelka iyo hoowlo nabadgalyo iyo daryeelo kale oo u fidsan dadweeynaha dhamaantood.

    Haddi aad suuqa madow ka shaqeeyso waxaa kugu adkaan karto in aad hesho heshiiska gacan koobaadka guri ama in aad alaab deeyn ku soo qaadato. Inta badana shirkadaha guriyada kireeyo waxeey doonayaan in qofka uu muujiyo heshiishka shaqaaleeynta.

    Adiga ka shaqeeya suuqa madow:

    • Ma heleysid heshiis shaqaaleyn sidaas darteedna waa laguugu siri karaa mushaarka.
    • Ma heleysid lacagta dadka eey shaqada ka dhamaato haddii eey shaqada kaa dhamato.
    • Ma heleysid lacagta jirrada iyo lacagta fasaxa.
    • Ma heleysid lacagta jirrada iyo lacagta waalidnimada.
    • Waxaad heleysaa lacag howlgab oo yar.
    • Ceymis kuma jirtid haddii uu dhaawac kusoo gaaro, ama aad qof shaqada ka shaqeeya dhaawacdid ama haddii aad ax eey kaa jabaan markaad shaqada ku jirtid.