Ceeymiska bulshada ee guud

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Ceeymisyada bulshada waa qeeyb muhiim ah oo ka tirsan bulshada dalka Iswiidhan. Waxuu difaac dhaqaale siiyaa qooyska iyo caruurta, qofka naafaha, waayeelka iyo marka ee jiro iyo dhaawac shaqo yimaado.

    Kaalmada kabida iijaarka

    Haddii dakhligaadu yaryahay oo aadna Iswiidhan ku diiwangalsantahay waxaad xaq uu lahaan kartaa in aad caawinaad kirada uga hesho Hey'adda qasnada ceeymiska. Waxaa loo yaqaan kaalmada kabida iijaarka. Qofka carruur leh wuxuu xaq ku leeyahay in uu Lacagta kabida iijaarka codsado. Haddii aad heli karto kaalmo iyo inta aad heli karto waxeey ku xirantahay inta qof ee reerkaada ka kooban yihiin. Waxeey kale oo ku xiran tahay heerka iijarka iyo inta lacag ee in soo gasho. Sido kale qofka uu dhaxeeyo 18 iyo 28 sano waxuu xaq uu yeelan karaa kaalmada kabida iijaarka. Waa muhiim in aad uga waramto Hey'adda qasnada ceeymiska haddii uu dakhliga wax iska badalo. Haddii kale waxaa waajib kaaga saarmi karaa in aad lacag celiso.

    Kaalmada loogu tala galay waalidka

    Waxaa jirta lacag kaalmo oo loogu tala galay qofka waalidka ah ama noqon rabo waalid. Waxaad xaq uu lee dahay in aad hesho lacagta uurka haddii aad canug sugeeysid oo aad ka shaqeeyso shaqo culus aadna badali karin hoowlaha culus.

    Markii aad hesho caruur waxaad lacagt uu lee dahay lacagta fasaxa waalidka iyo lacagta fasaxa waalidka ee ku meel gaarka ah. Lacagta fasaxa waalidka waxeey xaq kuu siineeysa lacag aad 480 maalmod ku heleeysid guri la jooga canugaada. Sido kale waxaad xaq uu lee dahay in aad lacag hesho marka aad ka maqan tahay shaqadaada si aad uu canugaada uu la joogto marka uu jiran yahay. Taasi waxeey khuseeysaa ilaa uu canuga ka gaaraayo laba iyo toban sano.

    Waalidiinta dhamaantood waxeey xaq uu lee yihiin lacagta caruurta. Waa lacag dhan 1250 karoon oo bil kasto loogu tala galay canuga ilaa uu ka gaaraayo 16 sano. Haddii aad lee dahay hal canug ka badan, lacag dheeraad ah ayaa la socoto lacagta caruurta. Waxaa lagu magacaabaa lacagta caruurta ee dheeraadka ah. Haddii aad isla wadaagtaan qaadidda mas'uuliyadda sharciyeed ee cunuga adiga iyo waalidka kale markaas waa qeybsaneysiin lacagta taageerada carruurta.

    Haadii aad qabto canug naafo ah waxaad xaq uu lee dahay lacago kala duwan. Waalidka canuga naafo ah waxeey codsan karaan lacagta daryeelka canuga.