Wakhtiyada firaaqada iyo ururrada bulshada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Waqtiga firaaqada waxaa lagu magacaabaa waqtiga aad fasaxa ka tahay shaqada iyo waxbarashada. Iswiidan wacaa caado ka ah ka qeeyb-qaadashada urur. Waxay ku jiraan urur-bulshadeed ama waxay leeyihiin waxyaalo ay xiiseeyaan xilliga firaaqada. Ururada-bulshadeed waxaad ku baran kartaa dad jecel waxa aad jeceshahay. Isla markaana waxaad badsan kartaa la xariirka dadka ku nool bulshada Iswiidhan. Mar haddaad dalka ku cusub tahay, waxeey ka qeeybqaadashada urur fursad kuu siin karaa in aad hesho saaxiibo cusub oo aad dhaqso afka iswiidhishka ugu barato. Arimaha bulshada ee muhiimka ahna waxaad uga hoowl gali kartaa ururo.

    In urur la dhiso

    Marka urur la dhisaayo waa in uu ururka yeeasha guddi. Guddiga waxuu soo gudbinaa talooyin ku saabsan nidaamyada lagu maamulaayo ururka. Nidaamyada waxaa lagu magacaaba xeerka ururka. Ururada waxaa badanaa laga diiwaangaliyaa Hey'adda canshuuraha oo uu soo saarto lambar urur. Inta badanaa ururada waxeey lee yihiin koontobangi ama nambarka Plusgiro.

    Xariirka ururada kala duwan

    Haddii aad dooneeyso in aad ka qeeyb gasho urur, ama aad dhisto urur ama aad lacag uu dalbaneeysid ururkaada waxaad la xariiri kartaa degmadaada. Waxaa degmada tusaale ahaan ku oolaan karo xafiiska maamulka wakhtiga firaaqada (fritidsförvaltninge) oo caawiyo ururada.

    Ururada ajnabiga

    Urur ajnebi wuxuu noqon karaa urur ka howl gala sidii dadka isku meelaha ka yimid ay isku la kulmi lahaayeen dalka cusub. Ururada ajnabiga waxeey caawinad fiican uu noqon karaan soo galooytiga cusub si ee uu fahmaan bulshada Iswiidhan.

    Ururada dhaqanka

    Urur dhaqan waxuu ahaan karaa urur isku keenay dad ka helo ciyaar ama riwaayad ama heeso gaar ah. Sido kale waxuu noqon karaa urur isku keeno dad ka soo jeedo isku cid iyo dhaqan.

    Ururrada samafalka

    Ururrada samafalku waxay ku dadaalaan sidii loo beddeli laha oo loo horumarin lahaa bulshada.

    Ururka samafalka waxaa kaloo mararka qaarkood loo yaqaan ururrada tabaruca ah ama Non Governmental Organizations, NGOs Ururo badan oo noocaan ah ayaa ka hawlgala meelo badan Iswiidhan ku yaal. Qaarkoodna waxay joogaan dalal kale.

    Hoos waxaa ku qoran dhawr ka mid ah ururrada samafalka dalka ku yaalo Iswiidhan:

    Laanqayrta Cas (Röda korset) waa urur caalami ah oo ka jira dunida oo dhan. Meelaha qaarkood waxaa looga yaqaan bisha cas. Wuxuu ururka Laanqayrta Cas dadka ka caawin karaa in loo baadigoobo dad dadkoodii xiriirka ku kala go'ay dagaalo, iska horimaad ama masiibo kedis ah.

    Ururka Laanqayrta Cas waxuu degmooyinka kala duwan kuu lee yahay hoowlo haboon uu gaar ah meeshaas. Howlaha waxeey ahaan karaan caawinaada-layliga, ama hoowlo loogu tala galay qofka ku cusub Iswiidhan. Ururka Laanqayrta Cas Iswiidhan waxuu degmooyin badan ku lee yahay xarumo daryeeleed oo loogu tala galay dadka dagaal iyo jirdil ku soo dhaawacmay.

    Ururka Badbaadada Carruurta (Rädda barnen) waa urur caalami ah oo ka shaqeeya xuquuqda carruurta dalka Iswiidhan iyo dalalka kale.

    Ururka Dhallinyarada Kirishtaanka (KFUM) waa qayb mid ah ururka caalamiga ah ee YWCA-YMCA. Waxeey inta badanaa hoowlo uu hayaan dhalinyarada dalka ku cusub. Qof ururka ka socda ayaa isu keenaa dhallinyarada si ay u wada aadaan shaleemo, riwaayad ama uga qaybgalaan cayaar isboorti ah.

    Ururka caawinaada gaarka ee shakhsiga (IM), waa urur caalami ah oo Iswiidhana ka hoowl galo. Waxuu ururka dalka ka qabtaa hoowlaha is-dhexgalka iyo ka tirnaanshada bulshada.

    Ururo siyaasadeed

    Haddii aad xiiseeyso siyaasad waxaa ka qeeyb gali kartaa xisbi siyaasadeed ama hey'ad kale oo siyaasadeed. Ururada siyaasadeed badankood waxeey lee yihiin qeeyb loogu tala galay dadka waaweeyn iyo qeeybo dhalinyaro.

    Ururo kale

    Ururo kale oo badan ayaa jiro. Waxaa jiro ururo dabiicaadeed iyo xayawaano, ururo bey'adeed ama urur diimeed. Sidoo kale waxaa jiro ururrada hoowlgabka oo ka shaqeeyo danaha dadka hoowlgabayaasha ah.

    Ururrada bulshada - Iswiidhan dhaqan uu lee dahay

    Urur bulsho wuxuu noqonayaa dad badan oo isu tegay si ay wax uga shaqeeyaan, sida ka caagganaanta khamriga ama bey'adda. Ururrada bulshadu waxay Iswiidhan ka soo jireen muddo dheer. Urur bulsho badanaaba waa urur dalka meelo badan uga yaal. Ururrada bulshadu aad ayey muhiim u ahaayeen Iswiidhan qarnigii 1800-aad iyo 1900-aad. Xiligaas dad badan ayaa u dagaalamayay xuquuqdooda aadanimo iyo sidii loo heli lahaa bulshi dimoqraadi ah.

    Ururrada ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa ururrada ka caagganaanta khamriga, ururrada kaniisadaha madaxabannaan iyo ururrada shaqaalaha. Ururka ka caagganaanta khamriga ayaa ugu horeeyay. Waxay u shaqaynayeen sidii dadku u yaraysan lahaa cabbida khamriga. Ururka kaniisadaha madaxabannaan waxay ahaayeen urur bulsho oo masiixi ah. Horay ahaantii waxeey u dagaalami jireen waxaa ka mid ahaa in dadka dhamaantood helaan xaqqa codeeynta. Ururo bulsho oo badani waxay u dagaalamayeen sidii dadka oo dan u heli lahaayeen waxbarasho. Maanta waxay ururo bulshadeed badani ka shaqeeyaan arrimo siyaasadda la xiriira. Waxaa kaloo jira ururo bulshadeed isku beddelay oo hey'ado, sida khasnadda shaqala'aanta, a-kassan. Dhaqanka in si wadajir ah loogu shaqeeyo isbeddel weli waa uu ka jira bulshada iswiidhishka. Maantana sidaas ayee ururo badan u shaqeeyaan.

    Waxbarashada bulshada

    Waxbarashada bulshada mecnaheed waa in dhammaan dadka waaweyn lee yihiin waxbarasho guud. Dhammaan waxbarashooyinka lagu dhigo ururrada waxbarashada iyo dugsiyada waxbarashada bulshada ayaa waxaa lagu magacaabaa waxbarashada bulshada. Waxbarashada bulshadu waxay dalka Iswiidan aad ugu soo korortay in ka badan 100 sano ka hor. Maantana wali waa urur xoogan. Waxbarashada bulshada waxay muwaadiniintu ka helaan aqoon ay si firfircoon uga qaybqaataan hawlaha lagu dhisayo bulsho dimoqraadiga ah.

    Ururrada waxbarashada

    Ururrada waxbarashadu waa ururo qabanqaabiya waxbarashada dadka waaweyn. Waxaa jira ururo badan oo waxbarasho oo qabanqaabiya xalqad waxbarasho, barnaamijyo dhaqan iyo waxbarashooyin kale oo loogu talagalay dadka waaweyn. Xalqada waxbarashada waxa weeye koorsooyin koox dad ah si wadajir ah ugu bartaan maaddo gaar ah. Tusaale ahaan waxeeyn noqon kartaa farshaxanka, muusikada, luuqadaha ama dhaqamada. ABF, Medborgarskolan, Folkuniversitetet iyo Studieförbundet Vuxenskolan waa dhawr ka mid ah ururrada waxbarashada. Sannad walba waxay ururrada waxbarashadu qabanqaabiyaan in ku dhow 300,000 oo xalqad waxbarasho. Waxaana wax ku barta in ka badan laba milyan oo qof.

    Hagidda qaxootiga iyo adeegyo kale

    Degmooyin iyo ururo samafal oo badan ayaa waxay ka shaqeeyaan sidii gacan looga geeysan lahaa isdhexgalka qaxootiga iyo ajnabiga cusub iyo dadka iswiidhishka ah. Fikrada ka dambeeyaa waa in ajnabiga iyo dadka iswiidhishka wada kulmaan waqtiga firaaqada si ay isu bartaan oo khibradooyin iska warsadaan. Waxyaalah ay ka qaybqaataan waxaa ka mid noqon kara ciyaarta bowling, booqasho matxaf ama meelaha kaloo xiisaha leh. La xiriir degmadaada si aad u ogaato waxyaabaha la sameyn karo.

    Xilliga firaaqada caruurta iyo dhalinyarta

    Goobaha xilliga firaaqada

    Waxaa degmooyinka ku yaal goob xilliga firaaqada oo loogu tala galay dhallinyarada u dhexeyo labo-iyo-toban sano iyo 16 sano. Sido kale waxaa jiro goobo loogu tala galay dhallinyarada ka weeyn. Goobahaas waxay dhallinyaradu tusaale, ku daawadaan filimo isla markaana kula kulmaan saaxiibadood. Mararka qaarkood waxaa laga qabanqaabiyaa koorsooyin lagu barto qoob ka ciyaarka, riwaayad jilidda iyo heesaha. La xiriir degmadaada si aad u ogaato waxa halkaa ka jira ama ka akhriso bogga internetka degmada.

    Hawlaha dhallinyarada wax loogu qabanaayo

    Goobaha xilliyada firaaqada marka laga gudbo, waxay degmooyinka qabanqaabiyaan waxqabadyo loogu talagalay dhallinyarada. Sida in la sameeyo xarumaha ay dhallinyaradu ku kulmaan oo ay fursad ugu helaan ka qaybqadasho mashruuc iyo kooxyo kala duwan. La xiriir degmadaada si aad u ogaato waxa halkaa ka jira ama ka akhriso bogga internetka degmada.

    Ururrada isboortiga

    Ururada isboortigu muhiim ayee u yihiin carruurta iyo dhallinyarada Iswiidhan. Halkaas ayee ku dheeli karaan isboortiga kala duwan, sida kubada-cagta, faras-raacida ama dabaasha. Cilmi-baarista waxaay muujineysaa dhallinyarada ku hawllan isboortigu ay ka caafimaad wanaagsan kuwa kale ee aan ku howlaneyn isboortiska.