In aad furato shirkad gaar ah

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Sanadka 2017 ka, 500 000 oo qof ayaa Iswiidhan ku lahaa shirkado. Waxeyna u dhigmaan boqolkiiba 9 inta ka shaqeeyso suuqa shaqada.

    Hey'adda cashuuraha waxey meelo badan ku qabataa kulamo lacag la'aan ah. Waxaa jira kulamo laguugu tala galay haddii aad billaabeysid shirkad waxeyna Hey'adda cashuuraha ku tusineysaa sida aan u diiwangalineysid shirkaddaada waxeyna kusiineysaa talooyin la xiriira billaabidda shirkad. Waxaad kaloo heleysaa fursad aad kula kulantid dad ka socda urrurada lookalka ah. Waxey kuu sheegayaan caawimaadda eey ku siin karaan haddii aad tahay shirkad billaabe cusub.

    ALMI Företagspartner AB waxaa iska leh dowlada. ALMI waxeey uu shaqeeysaa si shairkadooyin kale dalka uga bilaawdaan laakin sido kalena si ee hormari laheeyd shirkadaha yar iyo shirdaha weeyninkooda dhexdhexaad yahay. ALMI waxeey ku caawisaa warbixinta iyo soo saarida qorasho ganacsi. Qorsho ganacsi waxuu tilmaan uu yahay habka aad uga shaqeeyn doontid shirkadaada.

    IFS Rådgivning waxeey ka mid ah ALMI. Waxaana loogu tala galay soo galooytiga rabo in ee shirkad furtaan. IFS Rådgivning waxeey talo bilaash ah kuu dhibtaa luuqada kala duwan. IFS waxeey ku taalo qeeybo kala duwan oo Iswiidhan ku taalo.

    Maaleeynta shirkad furashada

    Marka aad dooneeysid in aad shirkadada furato waxaa inta badanaa loo baahan yahay maaleeyn (lacag). Marmar waxaad uu baahnaa kartaa in aad caawinaad ka hesho qof kale. Inta badanaa waxaa si sahlanaanee in aad shirkadaada maaleeyn uu heshid marka aad lee dahay fikrad ganacsi oo fiican iyo qorsho ganacsi oo si fiican looga fakaray. Waxaa jiro habab kala duwan oo maaleeynta aad habeeyn kartid si aad uu bilaawdo shirkad, tusaale ahaan:

    • Deeynta bangiga

    Haddii aad aadid bangiga waxuu qiimeeynaa xaaladaada dhaqaaleed, waxuuna go'aaminaa haddi lagu ogalaan karo in aad lacag deeysankartid iyo inta lacag oo lagu ogalaan karo in aad deeynsatid. Deeynta bangiga markasto waxaa saaran dul-saar.

    • Ra'isi maaleeynta

    Ra'isi maaleeynta waa lacag uu maaleeye gashanaayo shirkadaada si uu mustaqbalka fa'iido lacageed uga helo. Tani xataa waxeey uu baahan tahay qorsho iyo fikrad fiican. Inta badanaana mecnaheed waxeey tahay in aad heshiish qeeybsasho shirkadaada cid kale kula galeeysid.

    • Kaalmo ama deeyn aad ka heleeysid maaleeynta dowlada tusaale ahaan Xafiiska shaqada ama Almi.