In cid loo shaqeeyo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/9-2022

Marka aad cid uu shaqeeyo waxaa muhiim ah in aad ku fakarta xuquuqda aad ku lee dahay iyo waajibaadka ka saaran dhanka shaqo dhiibaha. Inta ayaa ka akhrisan kartaa waxyaalaha muhiimka uu ah in aad taqaano marka lagu shaqaaleeyo.

    Mushaar

    Mushaar joogto ah oo la dhiibo bishii hal mar waxaa la yiraa mushaar-bileed (månadslön). Haddii aad mushaar uu hesho saacadiiba, waxaad saacada aad shaqeeysaba uu heleeysaa lacag kooban.

    Heshiishka shaqaaleeynta

    Marka aad shaqo heshi waxaad saxiixeeysaa heshiishka shaqaaleeynta. Heshiishka shaqaaleeynta waxaa ku qornaaneeyso:

    • magacaada iyo tobankaada lambar
    • hoowlahaada shaqadeed iyo magaca shaqada aad qabaneeyso
    • shaqo dhiibaha magaciisa iyo goobta shaqada
    • taariikhda ee shaqaaleeynta bilaabaneeyso
    • habka shaqaaleeynta aad lee dahay
    • xilliga ogeeysinta, mecnaheed waa maalinta laga bilaabaayo in lagu ogeeysiiyo ka tagida shaqada ama aadadiga iska uka tageeysid
    • mushaarka aad heleeysid canshuurta ka hor - bruttolön
    • inta maalmood oo lacagta fasaxa xaq uu lee dahay

    Xilliga shaqada

    Xilliga shaqada ee caadiga waxuu ugu badnaan ahaan karaa 40 saacadood isbuuciiba ayadoo lagu qabanaayo isla hal goob shaqo. Haddii aad 40 saacadood maalin ahaan isbuucaba uu shaqeeyso waa shaqo waqti buuxda ah. Haddii aad tusaale ahaan shaqeeyso habeenkii, shaqada waqtiga buuxdo waa ka yaraan kartaa 40 saacadood. Marka uu qofka leh shaqo waqti buuxod ah shaqeeyo in k badan waqtigiisa shaqo waxaa loo yaqaan xilli shaqo oo dheeraad ah. Waxaad xaq uu lee dahay in aad hesho lacag dheeraad ah haddii aad shaqeeyso xilli dheeraad ah.

    Sharciga fasaxa

    Sharciga fasaxa marka la fiiriyo waxaad ugu yaraan xaq uu lee dahay 25 maalmood oo fasax ah sanadkiiba, kumana xirno hab shaqeeyleeynta ama haddii aad uu shaqeeyso si buuxdo ama si aan buuxin. Laakin taasi ma khuseeyso qof leh shaqaleeynta mudada xadidadan ee guud oo mushaarsaacadeed qaato. Qofka leh shaqaleeynta mudada xadidadan ee guud oo mushaar-saacadeed qaato waxuu lee yahay lacag dheeraad ah oo boqolkiiba labo-iyo-toban ah, loogu daraaayo mushaarkiisa jumladeed (inta aan canshuurta laga jarin), taasi waxaa loo yaqaan lacagta fasaxa ee loogu magdhabo shaqaalaha.

    Lacag ayaad bedelka fasaxa heli kartaa haddii aad shaqo dhameysid isla markaana aadan lasoo bixi karin fasax. Markaas waxaa lagu siinayaa lacag u dhiganta boqolkiiba laba iyo toban mushaarka aad sanadka oo dhan soo qaadatay.

    Haddi aad jirato inta aad shaqeeyneeysid

    Haddi aad shaqaaleeysan tahay oo aad jirato waxaad uga warameeysaa shaqo dhiibahaada maalinta koobaad aad jiratid. Shaqaalaha waxuu dhiibaa mushaarka jirada 14ka maalmood ee ugu horeeyo. Maalinta koobaad ee jirada waa maalinta sugida (karensdag). Mecnaheed waa in uu san malintaas heleeyn wax mushaar ah. Laga bilaabaa maalinta labaad ee aad jirata waxaad mushaarkaada lagaa siinaa boqolkiiba 80. Haddii aad shaqada uga maqan tahay jiro awgeed in ka badan todobo maalmood waa in aad cadeeyn jiro ka keentaa dhakhtar haddii uu mushaarka jirada kuu soconaayo. Waxaa loo yaqaan cadeeynta dhakhtarka (gundhiga daawadeed).